(1) 1. Ka warran kan beeniya is abaal marinta (Aakhiro).
(2) 2. Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan1.
1. Sahal bin Sacad a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Aniga iyo kan daryeela agoonka, waxaan gali Jannada innagoo sidaas oo kale ah. Wuxuuna kor u qaaday fardhexeda iyo murugsatada oo simay oo isu dhoweeyey. (W.w. Al-Bukhaari).
(3) 3. Oo aan ku dhiirra gelin (dadka) quudinta miskiinka2.
2. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w yidhi: Qofka u dadaala oo u shaqeeya dumarka da'da ah ee laga dhintay iyo masaakiinta wuxuu heli ajar la mid ah mujaahidka u diriraya Jidka Ilaahay ama kan habeenkii oo dhan u taagan salaadda oo aan daaleyn iyo kan soomanaha ah ee aan afurin. (W.w. Al-Bukhaari).
(4) 4. Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah),
(5) 5. Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda).
(6) 6. Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko.
(7) 7. U diida (dadka) maacuunta (waxyaalaha yar yar ee laysugu kaalmeeyo, zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye).