87 - Suurada Al-aclaa ()

|

(1) 1. Xurmo weynee oo huf Magaca (Alle) Rabbigaa, ee Sarreeya.

(2) 2. Ee abuuray (uunka) oo hagaajiyey.

(3) 3. Oo wax walba qaddaray, jidkana tusiyey.

(4) 4. Oo ah Kan soo saara daaqa.

(5) 5. Ka dhiga markaas kaddib caws engagan oo madow.

(6) 6. Waxaan kuu akhriyeynaa (Nabiyow) Qur’aanka mana illaaweysid,

(7) 7. Wuxuu Alle doono ma’ahee, Wuxuu Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.

(8) 8. Waxaanu kuu fududeyn waddada sahlan (Islaamka).

(9) 9. Ee waani, markay wax tari waanadu.

(10) 10. Waxaa waantoobi Kan (ka) baqa (Alle).

(11) 11. Waxaa ka fogaan (waanada) qofka xun.

(12) 12. Kaasoo geli Naar weyn.

(13) 13. Uusan ku dhimanayn dhexdeeda, kuna noolaanayn.

(14) 14. Waxaa liibaani qofkii ka daahiriya naftiisa (shirkiga iyo macaasida).

(15) 15. Oo xusa Magaca (Alle) Rabbigi oo salaadda tukada.

(16) 16. Waxaadse door biddaan nolosha adduunkan;

(17) 17. Aakhiro baa khayr badan oo baaqi ah.

(18) 18. Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore,

(19) 19. Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse.