(1) 1. Miyaanaan kuu waasicinnin (Nabi Muxammadow) laabtaada?
(2) 2. Oo sidaa kaaga dejin culeyskii ku saarnaa,
(3) 3. Kaasoo cusleeyey dhabarkaaga,
(4) 4. Oo aanaan kor yeelin meeqaankaaga?
(5) 5. Hubaal dhibka waxaa la socda faraj.
(6) 6. Waxaa hubaal dhibka la socda faraj.
(7) 7. Ee markaad bogto (salaadda) ku dadaal duceysiga (iyo Alle ammaanka).
(8) 8. Xagga Rabbigaa (keliyana) wax ka rajee.