58 - Suurada Al-mujaadalah ()

|

(1) 1. Alle wuu ajiibay baryada haweentii kaagala doodeysay arrinka ninkeeda oo u sheeganaysey (dhibaatadeeda) Allaah. Allena waa maqlayey wada hadalkiinna. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.
1. Haweentii doodaysey ama dalbeysey gargaarka.

(2) 2. Kuwa idinka mid ah ee isaga xaaraantimeeya2 xaasaskooda hab ah dihaar (iyagoo ku odhan, "hooyaday baad iga tahay") - Sidaa kuma noqonayaan hooyooyinkood. hooyooyinkoodna ma aha cid kale aan ahayn kuwaa dhalay. Kuwaasi waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been abuur. Allena waa Cafiye, Denbi Dhaaf badan.
2. Haweeney la yidhaahdo Khowlah binti Thaclabah a.k.r. baa waxaa habkan isaga xaaraantinimeeyey ninkeeda Aws bin As-Saamit, isagoo ku yidhi xaaskiisa, " hooyaday baad iga tahay". Markaasay waxay u timid Nabiga s.c.w. iyadoo wax ka weydiisanaysa mas’aladan, markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan iyo Aayadda xigta.

(3) 3. Kuwa isaga xaaraantimeeya xaasas- kooda hab dihaar ah (ku yidhaahda, hooyaday baa iga tahay) - markaas doonaya inay ka noqdaan waxay yidhaahdeen, waa inay xoreeyaan addoon ka hor inta aysan is taaban (galmoon), (arrin)kaasi waa kan la idinku waaniyo (inaad qaadataan). Allena waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

(4) 4. Kii aan helin (addoon uu xoreeyo), waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah ka hor inta aysan istaaban (galmoon)3; kiise aan awoodin (soonka) waa inuu quudiyo lixdan miskiin. Sidaasi waa si aad Iimaan dhan ugu qabtaan Alle iyo Rasuulkiisa. Taasina waa soohdimaha uu dhigay Alle. Xaq diidayaashuna waxay leeyihiin Cadaab xanuun Badan.
3. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 4: Aayadda 92.

(5) 5. Kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa waa la dulleyn, sidii kuwii ka horreeyey loo dulleeyeyba.Waxaana soo dejinnay Aayado cad cad. Xaq diidayaashuna waxay leeyihiin Cadaab Dulleysa.

(6) 6. Maalinta (Qiyaamaha) uu Allaah soo bixin iyagoo dhan, una sheegi waxay faleen. Allaah wuu tiro koobay, halka ay iyagu iska halmaameen. Allena wax walba wuu Arkaa.

(7) 7. Mawaadan ogaan inuu Allaah Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada? Ma jiro meel seddex ku faqda, uusan isagu aheyn kooda afraad4, mana jiro (faq ka dhex dhaca) shan uusan aheyn kooda lixaad, mana jiraan wax intaas ka yar ama ka badan, uusan isagu la jirin meel ay joogaanba; kaddib wuxuu u sheegi waxay camal faleen Maalinta Qiyaamaha. hubaal, Alle wax walba wuu Og yahay.
4. Waa inuu og yahay oo ka war qabo xaalkooda iyo sirahooda oo maqlo oo arko oo awood ku dul leeyahay, laakiinse Alle cirkuu jiraa Carshigiisuu dul ahaaday si u qalanta Weynidiisa.

(8) 8. Mawaadan arag kuwaa (Yuhuudda ah) ee laga reebay faqa xun, markaas ku noqda waxa laga reebay, oo yeesha kulanno qarsoodi ah ay ku faqaan denbi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka, markay kuu yimaadaanna waxay kugu salaamaan wax uusan Allaah kugu salaamin5, iyagoo si hoose u leh: Muxuu Allaah noogu cadaabi waayey waxaan leennahay? Naar baa ku filan; oo ay gali. Oo u xun meel la ahaado.
5. Waa tilmaan xaalkii Yuhuudda wax ka degganeyd Madiina ee ku salaamay muslimiinta As-Saamu Calaykum oo macnaheedu yahay dhinta halkii ay odhan lahaayeen As-salaamu caleykum.

(9) 9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad faqeysaan, ha ku faqina denbi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka ee ku faqa samaan iyo ka joogid (denbiyada) dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle, kaasoo Xaggiisa la idiin soo wada kulmin.

(10) 10. Sideedaba faqa (xun) waa uun (camal) Shaydaan6, si uu u murug geliyo kuwa (Xaqa) rumeeyey, waxbase ma uu yeeli karo haba yaraatee wuxuu Allaah idmo maahee, Allaah uunna ha isku halleeyeen oo tala saarteen mu’miniinta.
6. Waxaa loola jeedaa sida muuqata hadalka xanta ah iyo xumaan ku tashiga.

(11) 11.Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka la idinku yidhaahdo isu waasiciya fadhiga, isu waasiciya. Allaah ha idiin waasiciyee (Naxariistiisa)7. Marka la idinku yidhaahdona u kaca (khayr)8 u kaca. Allaah wuxuu kor u qaadi kuwiinna idin ka mid ah ee (Xaqa) rumeeyey, iyo kuwaa cilmiga la siiyeyba darajooyin aad u sarreeya, Allena waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
7. Alle ha idiin waasiciyee Naxariistiisa ama Jannadiisa gudaheed, ama wax kasta oo wanaagsan. 8. U kaca salaad ama jihaad ama camal kasta oo wanaagsan.

(12) 12. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka (aad dooneysaan) inaad la faqdaan Rasuulka, u bixiya wuxuun sadaqo ahaan faqiinna ka hor. Sidaas baa idiin khayr badan oo daahirsan. Haddiise aydaan helin (wax aad bixisaan) hubaal, Allaah waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(13) 13. Ma waxaad ka walaacdeen inaad (kari weydeen) inaad la baxdaan sadaqooyin ka hor la faqiinna (Nabiga)? Haddii aydaan sidaas falin, Allena wuu idinka toobad aqbalaye ee ooga salaadda oo bixiya sakada, adeecana Allaah iyo Rasuulkiisa. Allena waa u Xog ogaal waxaad fashaan.

(14) 14. Mawaadan arag kuwaa (munaafiqiinta ah ee) iyagu ka yeesha saaxiibbo qolo cadho Alle qaba (Yuhuudda)? Ma aha (munaafiqiinta) kuwo idinka tirsan idinka (Muslimiinta) kamana tirsana (gaalada), waxayna ku dhaartaan been iyagoo og.

(15) 15. Allaah wuxuu u diyaariyey cadaab daran. Xumaa waxay falaan.

(16) 16. Waxay ka dhigteen dhaarahooda gaashaan (ay isku qariyaan) markaasay ka weeciyeen (dadka) jidka Ilaahay, sidaas awgeed waxay leeyihiin cadaab dufeysa.

(17) 17. Maalkooda ama awlaaddoodu waxna ugama taraan Allaah Xaggiisa, kuwaasi waa ehlu Naar, way ku dhex waari.

(18) 18. Maalinta (Qiyaamaha) uu Alle soo bixin iyagoo dhan, way u dhaaraan (Alle) siday idiinku dhaartaan9 iyagoo mooda inay wax (xujo ah) heystaan. Hubaal waa iyaga beenaalayaasha.
9. Waxay moodayaan in beenahooda la rumeysan, oo aan la garan doonin sida waagii nolosha adduunka.

(19) 19. Shaydaan baa duufsaday oo hilmaan- siiyey xusidda Ilaahay. Kuwaasi waa xisbiga Shaydaanka. Waana xisbiga shaydaanka kuwa khasaaray.

(20) 20. Hubaal kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa; kuwaasi waxay ka mid ahaan kuwa dulleysan.

(21) 21. Allaah wuxuu qoray- hubaal waan adkaan, aniga iyo Rusushaydaba. hubaal, Allaah waa Xoog Badane, Adkaade ah.

(22) 22. Heli meysid qolo rumeysan Allaah iyo Maalinta Aakhiro haddana jecel kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa, haba ahaadaane aabbayaashood ama wiilashooda ama walaalahood ama qaraabadooda; kuwan weeye kuwa uu quluubtooda (Alle) ku qoray Iimaan, uuna ku xoojiyey Ruux10 (hanuun) Xaggiisa ah, wuxuuna galin Jannooyin (Beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Allaah raalli buu ka yahay, iyaguna raalli bay ka yihiin. Kuwaasu waa Xisbiga Ilaahay. Ogaada, hubaal, Xisbiga Ilaahay waa iyaga liibaanayaasha.
10. Ruux ay ku helayaan nolol, waxaana loola jeedaa go’aan adeygga, quwadda gudaha, daahirsanaanta qalbiga, hanuunka, guul, iwm.