6 - Suurada Al-ancaam ()

|

(1) 1. Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo yeelay mugdiyada iyo nuurka, sidaa oy tahay kuwa Xaqa diida waxay u yeelaan shariigyo ay la mid dhigaan Rabbigood (Allaah).

(2) 2. (Alle) waa Kan idinka abuuray dhoobo, markaas (idiin) qaddaray muddo (aad ku dhimataan), waxaana jira muddo (kale oo) magaacaban (Saacadda Qiyaame) uu Isagu Og yahay, idinkuse (gaaloy) waad ka shakisan tihiin oo ka dooddaan.

(3) 3. Waa Isaga Ilaaha (Keliyee Xaqa ah) samooyinka gudahooda iyo arlada, wuxuu Ogsoon yahay sirtiinna iyo caadkiinnaba, wuxuuna Ogsoon yahay waxaad kasbataan.

(4) 4. Umana timaaddo calaamo ka mid ah calaamoyinka Rabbigood, waa ka sii jeesadaan.

(5) 5. Waxayna beeniyeen Xaqa markuu u yimid, ee waxaa u imaan doona xaqiiqda waxay ku jees jeesi jireen.

(6) 6. Miyaanay ogaan intaan hallignay hortood facyo, kuwaasoo aan ku awood siinnay dhulka si aanaan idiinku awood siin? Waxaan uga soo shubnay daruuraha (roob) mahiigaan ah, waxaana u yeelnay webiyo socda hoostooda, waanse hallignay denbiyadoodii dartood, oo aan soo bixinnay iyaga kaddib fac kale.

(7) 7. Haddaan kugu soo dejinno (Nabiyow) qoraal ku yaal waraaq, markaas ay ku taabtaan gacmahooda, waxay kuwa (Xaqa) diida odhan lahaayeen: Kanu ma aha waxaan aheyn sixir cad.

(8) 8. Waxayna odhan: Maxaa malag loola soo diri waayey? Haddaan soo dejinno malag, arrinka mid la gooyo buu ahaan lahaa, markaasna lama siiyeen fursad (ay ku toobad keenaan).

(9) 9. Haddaan ka yeello malag, waxaan ka yeeli laheyn nin, markaasaan iskaga dari lahayn arrinka siday iyaguba isaga dari jireen.

(10) 10. Waxaana dhab ahaan lagu jees jeesay Rusul kaa horreysey, waxaa se ku digtayaashii ka midka ahaa ku dhacay (Ciqaabtii) waxay ku jeesjeesayeen.

(11) 11. Dheh: Ku socdaala dhulka, markaas fiiriya siday aheyd ciribta beeniyayaasha.

(12) 12. Dheh: Kumaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis; wuxuu idiin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. Kuwa khasaariyey nafahooda, ma rumeynayaan.

(13) 13. Allaana iska leh wax kastoo ku xasila habeenka iyo maalintaba, waana wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.

(14) 14. Dheh: Ma waxaan yeeshaa wali (la caabudo) aan aheyn Allaah, abuuraha samooyinka iyo arlada? Ee wax quudiya ee aan Isaga la quudin. Dheh: Waxaa la i amray inaan ahaado kan u horreeya ee u hoggaansama (Alle). Hana ka mid noqonin mushrikiinta.

(15) 15. Dheh: waxaan ka cabsan, haddaan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin Weyn.

(16) 16. Kan laga duwo Maalinkaas (Cadaabka). Allaah wuu u Naxariisatay, taasina waa Liibaanta Cad (muuqata).

(17) 17. Hadduu Allaah ku taabsiiyo dhib, ma jiro wax kaa kor qaadi karaa aan Isaga ahayn, hadduu ku taabsiiyona khayr, Isagaa wax walba Kara.

(18) 18. Waa Awoodda Badanaha wax qahra (Maquuniya) ee ka korreeya addoomahiisa, waana Xakiimka, Xog Ogaalka ah.

(19) 19. Dheh: Maxaa u weyn markhaati? Dheh: Allaah baa markhaati ah dhexdeenna aniga iyo idinkaba; waxaana la ii waxyooday Qur'aankan inaan idiinku digo idinka iyo cid kastaba uu gaadho. Ee idinku ma waxaad ka marag kacdaan inay Allaah la jiraan ilaahyo kale? Dheh: Anigu kama marag kaco. Dheh: Waa uun Ilaah Keliya, aniguna waxaan barii ka ahay waxaad la wadaajisaan (cibaadada).

(20) 20. Kuwa aan siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaan (Nabi Muxammad ee ku yaal kutubtooda) siday u gartaan carruurtooda. Kuwa khasaari nafahooda (Aakhirada) ma rumeynayaan.

(21) 21. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Allaah ama beeniya Aayadihiisa? Hubaal daalimiintu ma liibaanaan.

(22) 22. Maalintaaan kulmineyno (dadka) dhammaan, markaas baan ku odhan kuwii la wadaajiyey (Allaah) cid kale cibaadada: Meeye shurakadiinna aad ku andacooteen (inay shsriigyo la yihiin).

(23) 23. Markaas ma ahaan doono cudurdaarkoodu waxaan ahayn inay odhanayaan: Wallaahi, Rabbigayow, ma aanu aheyn mushrikiin.

(24) 24. Eeg Siday uga been sheegeen nafahooda, ugana dhumeen waxay been abuuran jireen.

(25) 25. Waxaa ka mid ah kuwo ku dhegaysta, waxaana yeellay quluubtooda daboollo si ayan u fahmin, iyo culeys dhegahooda; hadday arkaan calaamo kasta ma rumeynayaan, heer markay kuu yimaadaan way uun kula doodaan, waxay kuwa (Xaqa) diida yidhaahdaan: Kani (Qur’aanka) ma aha waxaan ahayn sheeko-xariirtii kuwii hore.

(26) 26. Waxay ka reebaan dadka (rumeynta Nabiga iyo dhageysiga Qur’aanka) iyaguna ka sii fogaadaan, mana halligayaan waxaan aheyn nafahooda, mase dareensana.

(27) 27. Haddaad arki lahayd iyagoo la dul joojiyey Naarta, markaas waxay odhan: Alla haddii naloo celin lahaa (adduunka), ma aan beenin lahayn Aayaadaha Rabbigayo, waxaana ka mid noqon laheyn mu’miniinta.

(28) 28. Bal, waxay hore u qarsadeen baa u muuqan doona, oo haddii dib loo celin lahaa, waxay ku noqon lahaayeen wixii laga reebay, waana beenalayaal.

(29) 29. Waxay yidhaahdaan: Ma jirto (nolol kale) aan aheyn noloshayada (tan) adduunkan, nalamana soo saarayo (dhimashadayada kddib).

(30) 30. Haddaad arki lahayd marka la hor joojiyo Rabbigood. Wuxuu odhan: Soo ma aha kani Xaq? Waxay odhan: Haah, Rabbiyow. Wuxuu odhan: Dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinnii darteed.

(31) 31. Waa dhab u khasaaray kuwa beeniya la kulanka Ilaahay (ee Aakhiro), jeer markay Saacadda (Qiyaame) ugu timaado si kedis ah, waxay odhan: Shallaytadannow waxaan ku gabood fallay darteed, waxayna ku xambaari culeysyadooda (denbiyadooda) dhabarradooda, xumaa waxay xambaari (oo denbiyo ah).

(32) 32. Ma aha noloshan adduunka waxaan aheyn cayaar iyo madaddaalo. Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira Cadaabkiisa), ee miyaydan garowsaneyn?

(33) 33. Waxaan ognahay inay waxay (been) sheegaan runtii ku murugo geliso: Mase aha adiga waxay beeninayaan, waase Aayadaha Ilaahay waxay daalimiintu dafirayaan.

(34) 34. Waxaana dhab ahaan la beeniyey Rusul kaa horreeyey, wayse ku samreen beenintaa iyo dhibkii loo geysanayey ilaa uu u yimid Gargaarkayaga, mana jiraan wax beddeli kara kelmedaha Ilaahay. Waxaana haatan ku soo gaaray in ka mid ah warkii Rususha.

(35) 35. Hadday kugu weynaatay (cuslaatay) ka jeedsigoodu (xaggaaga Nabiyow iyo Xaqa lagula soo diray oo aadan u sabri karin), haddaad karto inaad god ka yeelato arlada gudaheeda, ama sallaan (aad ku fuusho) samada si aad ugu keento calaamo (samee). Hadduu Alle doonana wuxuu ku soo kulmin lahaa iyagoo dhan hanuunka, ee ha ka mid noqon jaahiliinta.

(36) 36. Kuwaas wax maqla uun baa ajiiba (baaqa Ilaahay), meytidase (gaalada), Alle baa soo bixin, Xaggiisaana loo celin.

(37) 37. Waxayna yidhaahdaan: Maxaa looga soo dejin waayey calaamo (Mucjisad) xagga Rabbigi? Dheh: Alle wuu Karaa inuu soo dejiyo calaamo, badankooduse ma oga.

(38) 38. Ma jiro noole ku socda arlada, ama shimbir ku duusha labadeeda baal, aan aheyn ummado idinla mid ah. Waxba kama aanaan dhaafin Kitaabka1, markaas xagga Rabbigood baa la isugu soo kulmin.
1. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Kitaabka waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka, taasina waa in arrimaha uunka oo idil ay ku qoran yihiin Looxa Maxfuudka, qaarna waxay ku fasireen Qur’aanka oo sheegeen inay ku yaalliin aasaasyada diinta iyo suluugga iyo axkaanta iyo xikmadaha, iyo jidka lagu liibaano labada daaroodba adduunka iyo aakhirada.

(39) 39. Kuwa beeniya Aayadahayaga waa kuwo dhega la’ oo af la’ ku jira mugdiyo daran. Qofkuu doono Alle wuu dhumiyaa, qofkuu doonana wuxuu yeelaa Jidka Toosan (ee Islaamka).

(40) 40. Dheh: Bal ka warrama hadduu idiin yimaado Cadaabka Ilaahay am idiin timaaddo Saacaddu (Qiyaame), ma cid kale aan Alle ahayn ayaad baryeysaan haddaad run sheegaysaan?

(41) 41. Mayee’ Isaga uun ayaad baryeysaan, markaasuu idinka dul qaadi (dhibta) waxaad ka baryeysaan hadduu doono, waadna illowdaan waqtigaa waxaad la wadaajineyseen cibaadada.

(42) 42. Waxaan u dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyay (wayse ku caasiyeen) markaas baan ku qabannay dhibaato iyo cudurro bal inay soo dabcaan oo hoggaansamaan.

(43) 43. Maxay markuu u yimid Ciqaabkayaga, u soo hogan waayeen? Quluubtoodaase qallashay, wuxuuna u qurxiyey Shaydaan waxay falayeen.

(44) 44. Markay dan u gali waayeen waxa lagu waaniyey oo gooddiyey, waxaan u furnay albaabbada wax kasta, ilaa markay ku farxeen waxa la siiyey, waan qabannay si kedis ah, mise waxayba ku sugan yihiin quus daran.

(45) 45. Markaasaa la cidhibtiray dadkii falay dulmiga (shirkiga iyo macaasida). Ammaan idilkeed iyo mahadna waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.

(46) 46. Dheh: Bal ka warrama hadduu Allaah qaado maqalkiinna iyo araggiinna, oo yeelo shaabbad quluubtiinna daahda; waa kuma ilaaha aan aheyn Allaah ee idiin keeni? Eeg sidaan ugu celcelinno Aayadaha, markaas ay uga sii jeestaan?

(47) 47. Dheh: Bal ka warrama, hadduu idiinku yimaado Cadaabka Ilaahay kedo ama caddaan; Miyaa la halaagaa waxaan aheyn qoloda daalimiinta (gar diidka) ah?

(48) 48. Uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyaal iyo digayaal, ee qofkii rumeeya oo sama fala, kuwaas ma saarna cabsi, mana murugoodaan.

(49) 49. Kuwase beeniya Aayadahayaga, waxaa taaban (soo gaari oo ku dhici) cadaab caasintooda darteed.

(50) 50. Dheh: Idinkuma dhaho waxaan hayaa khasnadaha Ilaahay, mana ogi waxa aan muuqan ee qarsoon idinkumana dhahayo waxaan anigu ahay malag. Waxaan uun raacaa waxa la ii waxyoodo. Dheh: Kan indhaha la’ iyo kan wax arka miyey siman yihiin? Miyeydaan fakarayn?

(51) 51. Oo ugu dig (Qur’aanka) kuwa ka cabsan in loo soo kulmiyo xagga Rabbigood—ma laha gargaare iyo shaafeece midna Isaga sokadiis, bal inay iska jiraan (xumaha).

(52) 52. Hana eryin (Nabiyow) kuwa barya Rabbigood subax iyo galabba, iyagoo dooni Wajigiisa. Waxba kaama saarna2 Xisaabtooda, iyagana xisaabtaada waxba kama saarna, (ee iska jir) inaad eriso, oo sidaas uga mid ahaato daalimiinta.
2. Qofna lama weydiinayo camallada iyo niyooyinka qof kale, Aayadaha 52-54 waxay ka hadlayaan fuqurada muslimiinta. markii uu Rasuulka s.c.w. la fadhiistay mu’miniintaa qaarkood, kuwaasoo ay Quraysh u arkeen inay yihiin kuwo liita oo daciif ah iyo masaakiin, waxay madaxdii Quraysh u yimaadeen Nabiga s.c.w. wayse diideen oo iska weyneeyeen inay la fadhiistaan mu’miniintaa, oo u soo jeediyeen inuu eryo si ay ula hadlaan, waxay ku yidhaahdeen haddii aad iska kala eriso, markaa waan ku raacaynaa. markaasaa waxaa soo degay Aayaddan.

(53) 53. Sidaasaan isugu imtixaannaa (dadka) qaarkoodba qaar kale inay (kuwooda hodanka ahi) yidhaahdaan: Ma kuwaan baa kuwa Allaah uu ku mannaystay (hanuunka) dhexdeenna? Miyaanu Alle ahayn Kan Ogsoon kuwa mahad naqa?

(54) 54. Markay kuwaa rumeysan Aayadahaya- ga kuu yimaadaan, dheh: Nabadi korkiinna ha ahaato, Rabbigiin wuxuu ku waajibiyey Naftiisa Naxariis, sidaa awgeed, hadduu midkiin u falaa xumaan jahli darti, markaas kaddibna toobad keeno oo wanaagsanaa- do, hubaaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(55) 55. Sidaasaan u faahfaahinnaa Aayadaha si ay u caddaato waddada Denbiilayaasha.

(56) 56. Dheh: Waxaa la iga reebay inaan caabudo kuwa aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi.Dheh:Raaci maayo hawadiin- na, waayo (haddii aan sidaas yeelo), waan lumi, kamana mid ahaanayo kuwa hanuunsan.

(57) 57. Dheh: Anigu waxaan ka heystaa Xujo Cad xagga Rabbigay, waadse beeniseen (Xaqa), ma hayo waxa aad degdegsaney- saan (Cadaabka). Go’aanka waxaa iska leh Allaah Keliya, wuxuu soo tebiyaa Xaqa, waana Isaga Kan u wanagsan inta wax kala saarta.

(58) 58. Dheh: Haddaan hayn lahaa waxaad dooneysaan in la soo dedejiyo (oo cadaab ah), arrinka wuxuu ahaan lahaa mid la gooyey aniga iyo idinka dhexdeenna, Allena wuu ogsoon yahay daalimiinta (gar diidka).

(59) 59. Wuxuu (Alle) hayaa furayaasha khaznadaha qarsoon, ma jiro wax ogsoon aan Isaga ahayn. Wuxuu og yahay wax kasta oo ku sugan barriga iyo baddaba; ma jirto caleen soo dhacda uusan ogeyn; ama iniin taal mugdiyada dhulka iyo wax qoyan ama qallalan midna, bal (waxay dhaammaan) ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).

(60) 60. (Alle) waa Kan oofsada nafahiinna habeenka (hurdada gudaheeda), wuxuuna ogsoon yahay waxaad kasabtaan maalinnimada, haddana idinka soo kiciya mar kale si loo oofiyo muddo magacaaban, Xaggiisaana la idiin celin, markaasuu idiin sheegi wixii aad fasheen (oo dhan).

(61) 61. Waana Qahraha awoodda badan uu wax ku Maquuniyo, ee ka korreeya addoomahiisa, wuxuu idiin soo diraa ilaalo (malaa'ig) korkiinna ah, jeer markuu midkiin u yimaado mowdku, waxaa oofsada Rusushayada (Malaa’igta ah), mana gabood falaan.

(62) 62. Markaasaa waxaa dib loogu celiyaa Allaah, Mudanahooda Xaqa ah. Isagaa leh go’aanka, waana Kan u dhaqso badan inta wax xisaabisa.

(63) 63. Dheh: Waa kuma kaa idinka badbaadiya halisaha barriga iyo badda (marka) aad baridaan (si caddaan ah) idinkoo u hoganaya (isu dulleyn) iyo qarsoodiba (idinkoo dhihi): Hadduu naga badbaadiyo (halis) tan, waxaanu ka mid noqon kuwa mahadiya.

(64) 64. Dheh: Allaah baa idinka badbaadiya halis iyo kurba kastaba, markaas ayaad haddana u shariig yeeshaan.

(65) 65. Dheh: Wuxuu Karaa inuu idiinka soo diro cadaab korkiinna ama lugihiinna hoostooda3 ama idin geliyo jahawareer (isagoo idinka dhigaya) kooxo kala duwan, oo ka yeelo qaarkiin inay dhadhamiyaan dhibka qaarka kale. Eeg sidaan ugu soo celcelinno Aayadaha, bal inay fahmaan.
3. “ Cadaab korkiinna ah” waa sida roob dhagax ah iyo biriqda iyo danabka, iwm, iyo “ lugahiinna hoostooda” sida dhul gariirrada iyo daadadka, iwm

(66) 66.Dadkaaguna way beeniyaan (Qur’aanka) isagoo Xaq ah. Dheh: Anigu ma ahi wakiil dushiina.

(67) 67.War walbaa wuxuu leeyahay sal dhig iyo muddo uu ku dhammado, waadna ogaan doontaan (gaaloy waxa idinku dhaca).

(68) 68. Markaad aragto kuwaa gala warar been ah ay ka sheegaan Aayadahayaga iyagoo ku jeesjeesaya, ka dheerow, jeer ay galaan war kale.Hadduu shaydaan ku hilmaansiiyo ha la fadhiisan xusuus ka dambow dadkaa daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).

(69) 69. Kuwa dhowrsoon waxba kama saarna xisaabtooda (gaalada iyo caasiyaasha), waxayse ku leeyihiin waano, waa intaasoo ay iska jiraan (xumaha).

(70) 70. Iskaga tag kuwa ka dhigta diintooda cayaar iyo madaddaallo, oo ay hodday nolosha adduunkan, kuna waaniya (Qur’aanka) si aan nafi loogu halligin waxay kasabtay, ma leh Allaah sokadi wax gargaare ah iyo shafeeco midna. Hadday isku furato madax furasho kasta aan laga aqbaleyn. Waa kuwan kuwa loo halaagi waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah), waxaa lagu abaal marin sharaab biyo kulul oo karaya iyo cadaab xanuun badan gaalnimadooda darteed.

(71) 71.Dheh:Ma waxaan barinnaa (caabudnaa) Allaah sokadi wax aan noo hanan karin dhib iyo dheef midna, ma waxaana dib naloogu celin cirbahayaga kaddib markuu Allaah na hanuuniyey? (markaas waxaan ahaaneynaa) sida kan ay ka yeeleen shaydaammadu inuu ku luufluufo dhulka dhexdiisa isagoo jaha wareersan? (halka) uu leeyahay saaxiibbo ugu yeedha hanuunka (oo ku dhaha): Noo kaalay. Dheh: Hanuunka Ilaahay (Islaamka) uun baa ah hanuunka toosan, waxaana nala amray inaan u hogaansanno Rabbiga uumanka.

(72) 72. Ooga salaadda, oo dhowra (xilkuu Alle idin saaray), waa Kan Xaggiisa la idiin soo kulmine.

(73) 73. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada xaq. Maalinta uu yidhaahdo: Ahow, way ahaan. Qawlkiisu waa Xaq. Isagaana leh Boqortooyada (runta ah) Maalinta marka la afuufo Buunka. Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, waana Isaga Xakiimka, Xog Ogaalka ah Xeesha Dheer.

(74) 74. (Xus, Nabiyow) markuu Ibraahiim ku yidhi aabbihii Aazar4: Ma waxaad ka yeelataa asnaam ilaahyo? Waxaan kugu arkaa adiga iyo qolodaadaba habow cad.
4. Mufasiriinta qaar waxay yidhaahdeen aabbihi ee lagu xusay Aayadda waxaa loola jeedaa adeerki, waayo adeerku waa aabbe oo kale.

(75) 75. Sidaasaan u tusinnay Ibraahiim Boqortooyada samooyinka iyo arlada si uu uga mid ahaado kuwa Xaqa yaqiinsan.

(76) 76. Markuu ku madoobaaday habeenku wuxuu arkay xiddig, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markuu se dhacay, wuxuu yidhi: Ma jecli waxa dhaca.

(77) 77. Markuu arkay dayaxa oo soo baxaya, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Markuu se dhacay, wuxuu yidhi: Haddii uusan I hanuunin Rabbigay, waxaan ka mid noqon dadka lunsan.

(78) 78. Markuu arkay qorraxda oo soo baxaysa, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Ma kan baa ugu weyn?. Markay se dhacday, wuxuu yidhi: Qoonkaygiyow! Anigu waxaan barii ka ahay waxaad Alle u shariig yeeshaan.

(79) 79. Waxaana u jeediyey wejigayga anigoo toosan xagga (Allaah, ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada, oo anigu ka mid ma ahi mushrikiinta.

(80) 80. Waxaa la dooday qolodiisii; wuxuuna yidhi: Ma waxaad igala doodeysaan arrinka Ilaahay? isagoo I hanuuniyey; mana ka cabsi qabo waxaad Alle la wadaajisaan cibaadada (ma jiraan wax ay i yeeli karaan) wuxuu Rabbigay doono ma’ahee. Rabbigay wuxuu ku koobaa wax walba Cilmi. Ee ma waydaan waansamayn?

(81) 81. Sidee baan uga cabsan waxa aad Alle la wadaajisan cibaadada (iyagoo aan hanan karin dhib iyo dheef midna), halka aydaan idinku cabsi ka qabin inaad la wadaajiseen Alle cibaadada cid kale uusan idiinku soo dejinin wax xujo ah. Ee kee baa labada qolo mudan amni, haddaad ogtihiin?

(82) 82. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo aan ku dheehin Iimaankooda dulmi (shirki ama danbi kale oo weyn), waa kuwaas kuwa uu u sugnaan amnigu, waana iyaga kuwa hanuunsan.

(83) 83. Taasi waa xujadayada aan ka siinnay Ibraahiim qolodiisii. Waxaan kor u qaadnaa darajooyin ciddaan doonno. Hubaal Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon.

(84) 84. Waxaana ku galladeysannay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana Waanu hanuuninnay, Nuuxna waanu hanuuninnay kal hore, waxaana ka mid ah ubadkiisa; Daawuud Sulaymaan, Ayyuub, Yuusuf, Muuse iyo Haaruun. Sidaasaana u abaal marinnaa samo falayaasha.

(85) 85. Iyo Zakariya, Yaxyaa, Ciise iyo Ilyaas, mid walbaa wuxuu ka mid yahay kuwa wanaagsan.

(86) 86. Iyo Ismaaciil, Al-Yasac, Yuunus iyo Luud, mid walbaa oo ka mid ahi waan ka kor marinnay uumanka (waqtigoodii).

(87) 87. Iyo sidoo kale qaar ka mid ah aabbayaashood iyo ubadkooda iyo walaalahood - waan doorannay, oo ku hanuuninnay Jidka Toosan (ee Islaamka).

(88) 88. Kaasi waa hanuunka Ilaahay uu ku hanuuniyo qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Hadday la wadaajin lahaayeen cibaadada cid kale, waxaa ka buri lahaa waxay camal san faleen.

(89) 89. Kuwaa waa kuwa aan siinnay Kitaabka, Xukunka iyo Nabinnimada. Hadday kuwani rumeyn diidaan, waxaan u xil saarnay qolo aan Xaqa diidin (Muslimiinta).

(90) 90. Kuwaa (Nabiyada) weeye kuwa uu Alle hanuuniyey, ee raac hanuunkooda. Dheh: Idinkuma weydiisto kani (Qur’aanka) wax abaalgud ah. Wax kalena ma aha ee waa u waano uumanka.

(91) 91. Ma ayan qaddarin Allaah qaddarinta uu mudan yahay markay leeyihiin: Waxba Alle kuma soo dejin Waxyi ah qof Aadmi ah. Dheh: Yaa soo dejiyey Kitaabkii uu la yimid Muuse, oo u ahaa Nuur iyo Hanuun dadka, oo aad idinku (Yuhuudda ah) ka dhigteen qoraallo (kala gaar ah) aad muujisaan (qaar ka mid ah) qarisaanna wax badan? Waxaana la idin baray wax aydaan aqoon jirin idinka iyo aabbayaashiin midna. Dheh: Allaah (baa soo dejiyey). Markaas iskaga tag iyagoo baadilkooda ku madadaalan.

(92) 92. Kani (Qur’aanka) waa Kitaab aan soo dejinnay oo barakaysan rumeyn (kutubtii) ka horreeyey, si aad ugu digto hooyada magaalooyinka (Makkah) iyo waxa hareeraheeda ah. Kuwa rumeysan aakhirada baa rumeyn (Qur’aanka)waxayna u dhowraan salaadahooda si joogto ah.

(93) 93. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle, ama yidhaahda: Waa la ii waxyooday isagoo aan loo waxyoon waxba, iyo kan yidhaahda: Waxaan soo dejin wax la mid ah wuxuu Allaah soo dejiyey oo Waxyi ah? Haddaad arki lahaydna markay daalimiinta ku sugan yihiin sakaraadka mowdka, iyagoo malaa’igtu ay soo fidinayaan markaa gacmahooda (iyagoo ku leh): Soo saara nafahiinna! Maanta waxaa la idinku abaal marin cadaabta dulleynta waxaad Alle ka sheegi jirteen darteed oo hadal xaq darro ah. Waxaadna aheydeen kuwo Aayadahiisa iska weyneeya.

(94) 94. Waxaad noogu timaaddeen keli keli sidaan idiin abuurnay awal horeba. Waxaadna uga timaaddeen dhabarradiinna gadaashood waxaan idinku galladeysan- nay. Ma aragno la jirkiin shafeecayaa- shiinnii aad ku sheegi jirteen inay shuruko Alle la yihiin. Dhammaan xiriirkii dhexdiinna ahaa haatan kala go’an yihiin, oo waxaad sheegeyseen waad weydeen.

(95) 95. Waa Allaah Kan dhanbala iniinta iyo lafta. Wuxuu ka soo saaraa noole wax meyd ah, oo ka soo saaraa meyd wax nool. Kaas ayaa ah Allaah, ee sidee baa la idiinka jeediyey?

(96) 96. Alle waa Kan waaga bariya, oo ka yeelay habeenka nasasho, qorraxda iyo dayaxana in wax lagu xisaabsado. Arrinkaasi waa abaabulka Alle, Adkaadaha, wax kasta Ogsoon.

(97) 97. Waa (Allaah) Kan idiin yeelay xiddigaha, si aad ugu toostaan dhabbaha markuu jiro gudcurka barriga iyo badda. Waxaan u faahfaahinnay Aayadaha ciddii garan.

(98) 98. (Alle) waa Kan idinka abuuray naf keliya (Aadam), oo idin yeelay rug aad degtaan iyo rug kaydin ah5,waxaan u faahfaahinnay Aayadaha ciddii faham leh.
5. Waxay mufasiriinta qaar ku fasireen mustaqir dhabarka aabbaha ay ilmahiisa ku jiraan, mustowdicna ilma galeenka hooyada. Waxaana jira qaar ku fasriay mustaqir dhulka korkiisa uu aadmiga ku nool yahay, mustowdicna dhulka hoostiisa macnaha qabriga markuu qofku dhinto.

(99) 99. Alle waa Kan ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, aan ku soo saarno dhir nooc kasta leh, markaasaan waxaan ka soo saarnaa cagaar, kaasoo aan ka soo saarno sabuul ku karooran (dhegtiisa). Waxaana ka soo saarnaa geed timireedka iyo khaylkeeda cobollo timir ah oo hoos u soo lusha, dhowna oo aan fogeyn iyo beero ah canab, saytuun iyo rummaan, oo (nooc ahaan) isu eg, ha yeeshee kala duwan (midab iyo dhadhan ahaan). U fiirsada mirihiisa markuu miro dhalo iyo bisaylkiisa. Waxaa waxa kani ugu sugan calaamooyin ciddii iimaan leh.

(100) 100. Waxay (gaaladu) u yeelaan Allaah shuruko jin ah (ay la wadaajiyaan cibaadada), Isagoo abuuray, waxayna baadil ugu nasbeeyaan wiilal iyo gabdho cilmi la’aantooda awgii. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu (ka nazahan yahay) oo ka sarreeyaa waxay ku sheegi.

(101) 101. Waa Askumaha cirarka iyo dhulka. Sidee buu u yeelan wiil Isagoon lahayn xaas? Wax walba abuuray, wax walbana Ogsoon.

(102) 102. Kaas waa Allaah, Rabbigiin, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Abuuraha wax kasta, ee caabuda Keligii, Isagaana wax kasta u wakiil ah (ilaaliya).

(103) 103. Ma koobi karaan (Alle) aragga indhuhu, Isaguse wuu kooba Arag walba (Alle wuu arkaa wax kasta, lamase arko Isaga adduunka). Waana Roonaan Badanaha, Xog ogaalka ah.

(104) 104. Waxaa idiinka yimid tusmooyin xagga Rabbigiin, ee qofkii arkaa (ku hanuuna), naftiisay dan u tahay, qofkiise ka indho la'aada isagay u daran tahay, aniguna ma ahi mid korkiinna ilaaliye ka ah.

(105) 105. Sidaasaannu ugu celcelinnaa Aayadaha inay yidhaahdaan: Waad soo baratay, iyo inaan u caddeyno arrinka ciddii garasho leh.

(106) 106. Raac waxa lagaaga soo waxyooday xagga Rabbigaa, ma jiro ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, iskagana jeeso mushrikiinta.

(107) 107. Hadduu doono Allaah, uma ay shariig yeeleen cidna, kaaga mana aanaan dhigin korkooda ilaaliye, kamana tihid wakiil.

(108) 108. Ha caayina kuwaa ay baryaan (caabudaan) Allaah sokadi (waa asnaamta), si aysan (gaaladu) iyagoo xadgudbaya markaa u caayin Allaah jahli darti. Sidaasaan ugu qurxinnay ummad walba camalkeeda (khayr ama shar midkay doortaan); markaas waa xagga Rabbigood meel noqodkoodu, wuxuuna u sheegi waxay fali jireen.

(109) 109. Waxay ku dhaartaan Allaah midka ugu culus dhaarahooda in hadday u timaaddo calaamo ay rumaynayaan 6. Dheh: Calaamooyinka sideedaba waxay uun la jiraan oo haya Allaah, maxaase idin ogeysiinaya markay (calaamo) u timaaddo inayan rumayneyn?
6. Mushrikiinta waxay ku dhaarteen in hadday arkaan mucjiso ka yimid xagga Ilaahay ay rumeyn, markaasay waxay mu’miniinta jecleysteen oo ka dalbeen Nabiga s.c.w. inuu soo dejiyo mucjisdaas, wuxuu Allaah uga jawaabay Aayaddan.

(110) 110. Waxaanu rogi quluubtooda iyo aragyadooda, siday iyaguba aanay u rumeyn kolkii hore, waxaanuna ugu tegi xad gudubkooda ay ku jaha wareersanaan indha la’aan.

(111) 111. Haddaan u soo diri laheyn malaa’ig (u sidda Dhambaalkan), meytiduna ay (ka)la hadli lahaayeen (arrinkani), oo aan ku soo kulmin laheyn wax walba oo dhan hortooda, ma ay rumeyn lahayn (Xaqa), in maahee Alle doono, badankooduse waa jaahiliin.

(112) 112. Sidaasaan ugu yeellay Nabi walbaa cadow - shayaadiinta ku jira dadka iyo jinkaba, qaarkoodba u waxyoonayo qaar kale hadal (been ah oo) la qurxiyey ay (ku) hodaan. Rabbigaa hadduu doonona, ma ay fali lahayn, ee iskaga tag iyaga iyo waxay been abuuranba.

(113) 113. Waana si ay ugu iilato laabaha kuwa aan rumeysanayn Aakhirada oo ugu raalli noqdaan, iyo si ay u kasbadaan waxay kasban (oo denbiyo ah).

(114) 114. Ma cidaan ahayn Allaah baan doonaa inuu noo kala garsooro innaga iyo idinka, Isagoo ah Kan idiin soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) ay wax walba ku cad yihiin. Kuwaan (horay u) siinnay Kitaabka waxay ogsoon yihiin in laga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah. Sidaas darteed ha ka mid noqon kuwa ka shakiya.

(115) 115. Kelmadda Rabbigaana waxay ku taam noqotay run iyo caddaalad. Ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa. Waana Maqlaha(wax kasta),wax kasta ogsoon.

(116) 116. Haddaad adeecdona intooda badan waxa dhulka jooga, waxay kaa lumin Jidka Ilaahay. Ma raacaan waxaan ahayn male, oo been uun bay sheegaan.

(117) 117. Hubaal Rabbigaa baa Og midka ka luma Jidkiisa, Isagaana Og cidda hanuunsan.

(118) 118. Ee cuna waxaa (hilibka) lagu xusay Magaca Ilaahay (markii la gowracayey), haddaad tihiin kuwa Aayadihiisa rumeysan.

(119) 119. Maxaad la cuni weydeen waxaa (hilibka) lagu xusay Magaca Ilaahay (markii la gowracayey neefka), Wuxuuna horay (Alle) idiinku caddeeyey wuxuu idinka xaaraanshay - waxay dani idinku qabato ma'ahee. Kuwo badan baana ku lumiya (dadka) hawadooda aqoon la’aan darteed. Rabbigaa waa Og yahay kuwa xadgudba.

(120) 120. Ka taga dambiga muuqda iyo kan qarsoonba. Kuwa kasbada denbiga waxaa laga goyn waxay kasbadeen.

(121) 121. Ha cunina waxaa (hilibka) aan lagu xusin Magaca Ilaahay (markii la gowraca- yey neefka), waayo waa caasiyoobid. Shaydaammaduna waxay u soo jeediyaan saaxiibbadood inay idin la doodaan7, haddaad adeecdaan, waxaad idinkuna tihiin gaalo mushrikiin ah.
7. Taasina waxay ahayd in mushrikiinta yidhaahdeen: Muxammadow bal waxaad nooga warrantaa ri’da? Hadday dhimato yaa dilay? Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Allaah baa dilay. Waxay yidhaahdeen: Haddaba ma waxaad ku andacooneysaa waxaad dishaan adiga iyo asxaabtaada inay yihiin xalaal, waxana ay dilaan eyga iyo galleyrka iyo haramcadka ay yihiin xalaal, waxase uu Alle dilo ay xaaraan tahay in la cuno. Markaasuu wuxuu Allaah soo dejiyey Aayaddan.

(122) 122. Ma mid ahaa meyd markaas aan noolaynay, oo aan u yeelnay Nuur oo uu ku dhex socdo dadka, baa la mid ah mid ku sugan mugdiyo uusan ka soo baxayn? Sidaasaa loogu qurxiyey gaalada waxay falaan.

(123) 123. Sidaasaan ugu yeelnay magaalo walba gudaheed kuwooda waaweyn (madaxda iyo maalqabeennadeeda) inay ahaadaan denbiilayaasheeda si ay ugu dhex maleegaan qorshe (xun), umase maleegaan qorshe (xun) waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana.

(124) 124. Markay calaamo u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Rumeyn meyno jeer nala siiyo wax la mid ah waxa la siiyey Rususha Ilaahay. Allaah baa ogsoon meesha uu dhigayo Dhambaalkiisa. Waxaa ku dhici denbiilayaasha dulli xag Ilaahay ah iyo cadaab daran waxay qorshe xun maleegi jireen awgeed.

(125) 125. Qofkii uu Allaah rabo inuu hanuuniyo, wuxuu u waasiciyaa laabtiisa Islaamka, qofkiise uu rabo inuu lumiyo wuxuu ka yeelaa laabtiisa cidhiidhi dhibboon sida isagoo kor ugu baxaya xagga samada. Sidaasuu Alle dusha uga saaraa fadarada kuwa aan (Xaqa) rumayn.

(126) 126. Kani waa Jidka Rabbigaa ee toosan. Waxaan uga yeelnay Aayadaha caddaan ciddii garowsan.

(127) 127. Waxay leeyihiin Daarta Nabadda (Jannada) Rabbigood agtiis ah, Isagaana ah Gargaarahood waxay camalsan falayeen darteed.

(128) 128. Maalinta uu soo kulmin dhammaan (kuna dhihi): Kulanka jinkow! Waxaad badsateen (luminta) in badan oo dadka ah. Saaxiibbadoodii ka mid ahaa dadka waxay odhan: Rabbiyow! Wuxuu ku dan gaaray qaarkayoba qaarka kale, waxaana gaarnay muddadayada aad noo goysay. Wuxuu odhan: Naartaa hoygiinna ah aad ku dhex waaraysaan, wuxuu Alle doono mooyee. Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon.

(129) 129. Sidaasaan uga salladnaa daalimiinta qaarkoodba qaarka kale, waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah).

(130) 130. Kulanka jinka iyo dadkow! Miyaanay idiin imaan Rusul idinka mid ah, idiin soo tebinaya Aayadahayga idiinkana digaya la kulanka maalintiinnaan? Waxay odhan: Waxaan ku marag furaynaa nafahayaga. Waxaa hodday noloshan adduunka. Waxayna ku marag furi nafahooda inay ahaayeen Xaq diid (gaalo).

(131) 131. Sidaasi waa inaan Rabbigaa ku halligeyn magaalooyinka gar darro iyagoo dadkooda war la’ yihiin (aan loo digin).

(132) 132. Dhammaan waxay leeyihiin derejooyin (heerar) waafaqsan waxay camal falaan. Rabbigaana ma mooga waxay camal falaan.

(133) 133. Rabbigaa (Alle) waa Hodan (ka deeqtoon wax waliba) Naxariis leh, hadduu doono wuu idin baabbi’in, idinkuna beddeli gadaashiin cidduu doono. Siduu awalba idiinka soo saaray firka qolo kale.

(134) 134. Waxa la idiinku gooddiyo waa imaan, (Allena) kama fakan kartaan.

(135) 135. Dheh: Dadkaygiyow! Camal fala intii karaankiinna ah, Aniguna sidoo kale waan camal faliye, waadse ogaan doontaan keennee lahaan doona cidhibta (wanaagsan) daarta (Aakhiro). Hubaal ma liibaanaan daalimiintuye.

(136) 136. Waxay qayb u yeelaan Allaah8, ka mid ah waxa uu abuuray ee beero iyo xoolo ah, oo yidhaahdaan: Kan waxaa iska leh Allaah - sidaas bay ku andacoodaan, kanna waxaa iska leh sanamyadayada la wadaaga cibaadada. Marka waxay leeyihiin sanamayadooda ma gaaraan Allaah, waxase (qayb ahaan loo yeelay) Allaah wuxuu gaaraa sanamyadooda! Xumaa waxay xukumaan.
8. Qaybta uu Allaah leeyahay waxay siinayeen fuqurada iyo masaakiinta oo ku bixinayeen howlaha sama falka, waxayse ay ugu talo galeen sanammada waxay siinayeen kuwa ilaaliya sanammada, oo ma siineyn fuqurada iyo masaakiinta. Caadadan wuu nacladay Ilaahay.

(137) 137. Sidaasay (ilaahyadooda beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada (ilaahay) ugu qurxiyeen in badan oo mushrikiinta ah dilka carruurtooda, si ay u halligaan oo uga khaldaan camalkooda. Hadduu Alle doono, ma ay fali lahayn, ee isu dhaaf iyaga iyo waxay been abuuraanba.

(138) 138. Waxay yidhaahdeen: Kuwani waa xoolo iyo beer reebban, aysan wax ka cuneyn ciddaan doonno maahee – sidaas bay ku andacoodaan - iyo xoolo la xarrimay dhabarradooda iyo xoolo aan lagu xusin Magaca Ilaahay - iyagoo ku been abuuranaya. Wuu ka jaazeyn waxay been abuurteen darteed.

(139) 139. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Waxa ku jira uurarka xoolahan (caano ama ilmo) waxaa gaar u leh labkayaga keliya, waana ka xaaraan xaasaskayaga, hadduu baqti yahayna, way wadaagaan dhammaantood. Wuu ka goyn waxay been u nisbeeyeen (Allaah). Hubaal, Alle Waa Xakiim Fal iyo Odhaah san, wax kasta Ogsoon.

(140) 140. Waxaa khasaara dhab ah ku sugan kuwa u dilay carruurtooda caqli xumo aqoon la’aan9, xaaraameeyana waxa Alle uu siiyey, iyagoo ku been abuuranaya Allaah. Way lumeen, mana aha kuwo hanuunsan.
9. Waxaa ka mid ahaa Carabta qaar ku sugnaa diintii Ibraahiim. Wuxuu Allaah amray Ibraahiim inuu gowraco wiilkiisa Ismaaciil, kaddib waxay ka dhigeen madaxdii hoggaamineysey diintooda arrinka gowraca waxaan caddeyn sababta keentay, ilaa ay la wanaagsanaatay raaceenkoodii inay gowracaan ilmahooda Alle u dhowaansho darteed inkastoo sababta runta ay aheyd inay ka cararayeen faqri iyo ceydh.

(141) 141. (Alle) waa Kan soo saara beero (canab ah) dhis leh iyo kuwo aan dhis lahaynba, iyo geedo timir, iyo sarac leh miro muuqaal iyo dhadhan kala duwan, iyo saytuun, iyo rummaan, isu eg (nooc ahaan) kuse kala duwan (dhadhan ahaan), Wax ka cuna midhahiisa markay soo saaraan midho, bixiyana xaqa lagu leeyahay maalinta goyntiisa, hana xad dhaafina, Alle ma jecla kuwa xad dhaafa.

(142) 142. Waxaa ka mid ah xoolaha (uu Alle abuuray qaar) xummuul qaada iyo kuwo u suubbada in la qasho oo keliya. Wax ka cuna waxa Allaah idin siiyey, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad.

(143) 143. Siddeed lammaane ah; labo ido ah iyo labo riyo ah. Dheh: Ma labada labka ah buu xaaraameeyey mise labada dheddig, mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Ii sheega si cilmi ah haddaad run sheegaysaan.

(144) 144. Geelana labo (lab iyo dheddig) lo’dana labo (lab iyo dheddig). Dheh: Ma wuxuu xaaraameeyey labada labka ah mise labada dheddig; mise (ilmaha) ku jira uurarka labada dheddig? Mise goob joog baad ahaydeen markuu Allaah idin amray arrinkani? Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Allaah, si uu dadka u lumiyo cilmi la’aan? Hubaal Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.

(145) 145.Dheh:Kuma hayo waxa la ii waxyooday wax ka xaaraan ah cunaa inuu cuno inuu yahay maahee baqti ama dhiig horay u soo butaaca (gowrac darti iyo wax la mid ah), ama hilib doofaar, waayo waa fadaro, ama taasi ah caasiyoobid ee wax kale aan aheyn (Magaca) Alle lagu xusay dusheeda (markii la gowracayey), qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanay rabitaan ka aheyn, aan xad gudbeyn, hubaal Rabbigaa waa Denbi Dhaafid Badane, Naxariis Badan.

(146) 146. Kuwaa heysta (diinta) Yuhuudi- yadda waxaan ka xarrimnay (neef) kasta oo ciddi leh10, xagga lo'da iyo adhiga waxaan ka xarrimnay buruurtooda wax Maahee ku dhegay dhabarradooda ama xiidmahooda ama ku dheehmay laf. Sidaas waxay ahayd ciqaab aan ku abaal marinnay gefkoodii dartiis, run baana sheegaynaa.
10. Xoolihii ciddi leh: Waxaa loola jeedaa xoolaha aanay ciddayhooda kala tagsaneyn sida geela, iwm. Qaar kale waxay yidhaahdeen: waxaa loola jeedaa xoolaha leh hal ciddi oo keliya, sida faraska, dameerka, iwm.

(147) 147. Hadday ku beeniyaan waxaad dhahdaa: Rabbigiin waa Rabbiga Naxariista Ballaadhan, Ciqaabkiisana lagama celiyo qoloda denbiilayaasha ah.

(148) 148. Kuwaa ah mushrikiinta waxay odhan: Hadduu Alle doono, ma aanu u shariig yeelneyn innaga iyo aabbayaasheenba, mana aan ka xarrimneen (nafahayaga) waxba (uu Allaah banneeyey). Sidaasoo kale bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay jeer ay ka dhadhamiyeen Ciqaabtayada. Dheh: Ma heysaan wax cilmi ah aad noo soo saareysaan? Waxaad uun raacdaan wax iska male awaal ah, waxaadna uun sheegtaan beeno.

(149) 149. Dheh: Allaah baa iska leh Xujada Xeesha Dheer. Hadduu doono wuu idin hanuunin lahaa dhammaantiin.

(150) 150. Dheh: Keena markhaatiyadiinna ka marag kacaya in Alle xaaraameeyey waxakani. Ee hadday ka marag kacaan, ha la marag kicin. Hana raacin hawooyinka kuwaa beeniya Aayadahayaga, iyo kuwaa aan rumeysaneyn Aakhirada, ee Rabbigood wax la sima oo la mid dhiga.

(151) 151. Dheh: Kaalaya, Waxaan akhriyi waxa uu (Alle) Rabbigiin idinka xaaraameeyey: (xusuusnaada) inaydaan (cibaadada Alle) la wadaajin waxba; una muujiya wanaag oo baarri u ahaada waalidiintiin, hana u dilina carruurtiinna (ka cabsi) faqri darteed - Annagaa idin arsaaqayna idinka iyo iyagaba; oo ha u dhowaannina xumaano oo dhan (denbiyada waaweyn sida zinada) kuwooda ka mid ah ee muuqda iyo kuwo qarsoonba, hana ku dilina nafta uu Allaah xaaraameeyey arrin xaq ah11 maahee, Sidaasuu idinku farad yeelay, bal inaad fahantaan.
11. Uu sharciga qiray sida qisaaska, dilka murtaddiinta, dhagax ku dilidda zaaniga horay u guursaday ama guursatay haddii lagu caddeeyo zinada ama iyagu qirtaan.

(152) 152. Ha u dhowaannina maalka agoonka sida u fiican maahee, jeer uu gaaro da’diisa tabar galka iyo xoogga; una oofiya si dhan beeggidda iyo miisaanka oo caddaalad ah - Ma saarno nafna waxaan ahayn karaankeeda; markaad hadleysaan ahaada caadil haba ahaatee qaraabo dhow (lidkeed), oofiyana Axdiga Ilaahay (xilalka uu idiin saaray); (arrin)kani buu idinku farad yeelay, bal inaad xusuusataan.

(153) 153. (Ogow) in kani (Islaamka) yahay Jidkayga midka toosan ee raaca, hana raacina jidadka kale ee idinka duwi Jidkiisa. (Arrin)kani buu idinku faral yeelay si aad uga dhowrsataan (xumaha).

(154) 154. Waxaan siinnay Muuse kitaabka (Towraadda), si aan ugu iltirno (Galladayada) korkiisa kan sama falay (waa Muusee), kaasoo ka yeelaya caddaan wax waliba oo hanuun iyo Naxariis ah, si ay la kulanka Rabbigood u rumeeyaan.

(155) 155. Kanina waa Kitaab (Qur’aan) aan soo dejinnay, barakeysan, ee raaca oo iska jira (xumaha) si la idiinku naxariisto.

(156) 156. Si aydaan u odhan: Waxaa uun Kitaab lagu soo dejiyey labo qolo oo naga horreeyay, innaguna waxaan aheyn run ahaan kuwo moog waxay akhristeen.

(157) 157. Ama aydaan u odhan: Haddii Kitaab naloo soo dejin lahaa, waxaan ahaan kuwo ka hanuunsan iyaga. Haatan waxaa idiinka yimid Xujo Cad xagga Rabbigiin, iyo hanuun iyo naxariis. Yaa ka dulmi badan mid beeniya Aayadaha Ilaahay oo ka jeesada xaggooda? Waxaan ku abaal marin doonnaa kuwa ka jeesta Aayadahayaga cadaab xun, ka jeesigooda (Aayadahaa) darteed.

(158) 158. Ma waxay sugi waxaan ahayn inay u timaaddo malaa’igtu, ama Rabbigaa yimaado, ama qaar ka mid ah calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan. Maalinta ay qaar ka mid ah Calaamooyinka Rabbigaa yimaadaan, wax uma taro naf iimaankeedu iyadoo aan horay u rumeyn, ama aan ku kasban iimaankeeda khayr. Dheh: Suga idinku(mid ka mid ah waxyaala- han), innaguna(sidoo kale) waan sugaynaa.

(159) 159. Kuwa u qaybshay diintooda firqooyin oo noqday dariiqooyin (kala duwan) , waxba isuma kiin gelin. Arrinkoodu wuxuu uun la jiraa Allaah, markaasuu wuxuu u sheegi waxay faleen.

(160) 160. Qofkii la yimaada camal san, wuxuu heli toban laabkeed wax la mid ah, qofkii la yimaadana camal xun, waxaa lagu abaal marin mid la mid ah iyagoon la dulmeyn.

(161) 161. Dheh: Aniga Rabbigay wuxuu igu hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka), diin aad u sugan, diintii Ibraahiim, toosnihii. Kamana mid aheyn mushrikiinta.

(162) 162. Dheh: Salaaddayda, gowracayga, hannaanka noolaanshaheyga, iyo geeridaydaba waxaa (dhammaan) iska leh Allaah, Rabbiga uumanka.

(163) 163. Ma leh wax shariik ah. Oo (arrin)kan baa la I amray, Waxaana ahay anigu kan ugu horreeya kuwa (u) hoggaansan (Alle).

(164) 164. Dheh: Ma waxaan doontaa Rabbi aan aheyn Allaah? Isagoo ah Rabbiga wax walba; naf walbana waxay kasbato (oo denbi ah) waa dusheeda, nafna denbi naf kale ma qaaddo. Waana xagga (Alle) Rabbigiin meel noqodkiinnu, markaasuu wuxuu idiin sheegi waxaad isku khilaafteen

(165) 165. (Alle) waa Kan idinka yeelay kuwo isku xigsada dhulka oo ka taliya, kana sare mariyey qaarkiinba qaar derejooyin, si uu idiinku imtixaamo wuxuu idin siiyey. Xaqiiq Rabbigaa waa ku Dhaqso badan yahay Ciqaabka, waana Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.