(1) 1. (Tani) waa suurad aan soo dejinnay oo waajibinnay (ku camal falka axkaanteeda), kuna soo dejinnay dhexdeeda Aayado cad cad inaad xusuusataan (oo ku waano qaadataan).
(2) 2. Zaaniydda iyo Zaaniga1 ku jeedala midkood walba boqol jeedal2. Yeysanna turid aad u tureysaan idinka celin fulinta Amarka Alle, haddaad rumeysan tihiin Allaah iyo Maalinta Aakhiro, waana inay koox mu’miniin ah goob joog ka ahaadaan ciqaabkooda.
1. Waxaa lagu fulin ciqaabkaa hadday iskood u qirtaan inay faleen galmo xaaraan ah ama hadday ku marag furaan afar nin oo caadil ah.
2. Xukunka ku soo arooray Aayaddan wuxuu ku gaar yahay kuwa ku dhaca denbiga zinada (galmada xaaraanta ah) iyagoo aan horay marnaba u guursan, waa in la jeedalo boqol jeedal oo sannad la fogeeyo sida in la xabbiso. Qofkiise zineysta isagoo xaas ah ama horay u soo guursaday oo si dhan u qirta denbigaa, ama ay ku markhaati furaan afar nin oo caadil ah, waa in lagu shiido dhagax ilaa uu ka dhinto.
3. Waa inaysan turid aad u tureysaan qofka denbiilaha idiin horseedin inaad wax ka beddeshaan wuxuu Allaah qoray oo soo gooyey, waayo xeerarkiisa waxaa ugu jira dhowris iyo daryeel danaha dadweynaha oo dhan.
(3) 3. Zaanigu ma uu la galmo galo waxaan aheyn Zaaniyad ama Mushrikad, Zaaniyaddana ma ay la galmo galaan waxaan aan aheyn zaani ama Mushrik, waana ka xaaraan mu’miniinta (guursiga kuwaasi iyaga ah)4.
4. Dadkaa oo kale looma guurin karo mu’miniinta in maahee ay toobad keenaan oo toosnaadaan oo laga arko isbeddel wanaagsan iyo hanuun. Waxaa sidoo kale lagu fasiray ninka zaaniga ah ma guursado waxaan ahayn zaaniyad la mid ah ama gaalad, haweenta zaaniyadda ahina waxaa guursada uun zaani la mid ah ama gaal, waana laga xaaraanshay mu’miniinta guursiga kuwaasi oo kale.
(4) 4. Kuwaa qadfa (ku sheega) dumar (ama rag) dhawrsoon (zino), oo aan keenin afar markhaati ah, jeedala siddeetan jeedal, hana ka yeelina wax marag fur ah abadkood, kuwaasina waa uun faasiqiin.
(5) 5. Marka laga reebo kuwa toobad keena intaas kaddib, oo samaada, hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(6) 6.Kuwa qadfa (ku sheega zino) xaasaskoo- da oo aan haysan markhaati aan aheyn nafahooda, marag furka midkood walba oo ka mid ah (waa in la dhaariyo) afar jeer, isagoo markhaati gashanaya Allaah inuu run sheegayo.
(7) 7. Tan shanaad (waa inuu ku dhaarto) in Nacaladda Ilaahay ku dhacdo hadduu been sheegayo.
(8) 8. Waxaa ka baajin iyadana ciqaabta inay dhaarato afar jeer, iyadoo marag gashaneysa Allaah inuu been sheegayo.
(9) 9. Tan shanaadna (waxay ku dhaaran) in Cadhada Ilaahay ku dhacdo hadduu run sheegayo.
(10) 10. Hadduuna jirin Fadliga Ilaahay korkiinna iyo Naxariistiisa5, iyo inuu Alle yahay mid Toobad Aqbal Badan, Xakiim ah.
5. Hadalka inta ka go’an waa la qiyaasi karaa, wuxuu u dhacayaa waxaa ku dhici lahaa beenaalaha cadaab daran’.
(11) 11. Kuwa la yimid been abuurka (qadafka Caa'isha, xaaskii Nabiga s.c w.)6 waa koox idin ka mid ah; ha u arkina inay shar idiin tahay, mayee’ waa idiin khayr (axkaanta ka soo degtay darteed). Qof kasta oo ka mid ahina6 wuxuu mudan wuxuu kasbaday oo denbi ah. oo kan qaybta weyn ka qaatay7 ee ka mid ah wuxuu leeyahay cadaab daran.
6. Waxay tilmaameysaa dhacdadii markii xaaska Nabiga s.c.w. Caa’isha a.k.r ay been ugu tuhmeen munaafiqiinta inay la timid gogol dhaaf.
7. Waa Cabdullaah bin Ubay bin Salool, madaxii munaafiqiinta.
(12) 12. Maxaydaan markaad maqasheen (qadafkaa) ugu malayn mu’miniinta rag iyo haweenba khayr isla dadkoodaasi, oo ay u odhan: “Waxakani waa been abuur cad?”
(13) 13. Maxayse u keeni waayeen afar markhaati? Maadaama aysan keenin markhaatiyaal, kuwaasu Alle agtiisa waxay ka yihiin beenalayaal.
(14) 14. Hadduuse jirin Fadliga Ilaahay korkiinna iyo Naxariistiisu adduun iyo Aakhiraba, waxaa idinku taaban lahaa waxaad ku hadasheen darteed cadaab daran.
(15) 15. Markaad ku gaddonteen (qadafkaa) carrabyadiinna8, oo aad ka laheydeen afafkiinnna wax aydaan ogeyn, waxaadna mooddeen arrin fudud, halka Alle agtiis ay aheyd wax daran.
8. Halkaad ku maqli lahaydeen dhegahiinna macnaha waa idinkoo aan ka fekerin waxa aad maqasheen oo u fiirsan bal u degdegay inaad iska sheegsheegtaan warkaa been abuurka ah idinkoo aan tixgelin waxa aad leedihiin oo ku hadleysaan.
(16) 16. Maxaydaan markaad maqasheen u odhan: "Nooma habboona inaan ka hadallo waxakani. Adigaa hufan (Allow)! Kani (qadafkan) waa been abuur weyn".
(17) 17. Allaah wuu idinka waanin inaad u noqotaan waxaasoo kale weligiin, haddaad tihiin mu’miniin dhab ah.
(18) 18. Wuxuuna Alle idiin caddeyn Aayadaha, Allena waa wax walba Oge, Xikmad Badan.
(19) 19. Kuwa jecel inay xumaantu9 ku faafto mu’miniinta dhexdooda, waxay leeyihiin cadaab xanuun badan adduun iyo Aakhiraba. Alle baana Og, idinkuna ma ogidin10.
9. Waxaa gaar ahaan loola jeedaa zinada iyo xiriirrada xun ee aan bannaaeyn: galmada xaaraanta ah.
10. Arrimaha qarsoon ee wax waliba: Waxa wanaagsan ee dani ku jirto iyo faa’idada iyo waxa xun ee dhibaatada leh.
(20) 20. Hadduuna jirin Fadliga Ilaahay korkiinna iyo Naxariistiisu iyo inuu Allaah yahay Turid Badane, Naxariis Badan (waad halaagsami laheydeen).
(21) 21. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha raacina tallaabooyinka (jidka) shaydaanka. Qofkii raaca tallaaboyinka shaydaanka, wuxuu amraa xumaan iyo munkar. Hadduusan jirin Fadliga Ilaahay korkiinna iyo Naxariistiisa, ma daahir noqdeen qofna idinka mid ah weligi. Alle baase daahiriya qofkuu doono, Allena waa wax kasta Maqle,wax kasta Og.
(22) 22. Yey ka dhaaranna kuwaa idinka mid ah ee leh fadliga dheeraadka ah ee ladan inay siiyaan (kaalmo) qaraabadooda, masaakiinta, iyo kuwa uga soo haajiray guryahooda Ilaahay Dartiis. Hana iska cafiyeen hana saamaxeen. Miyeydaan jecleyn in Alle idiin dambi Dhaafo11?Allena waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
11. Abuu Bakar a.k.r. markay soo degeen Aayadahan oo Allaah yidhi: Miyeydaan jecleyn inuu Allaah idiin dambi dhaafo? Wuxuu yidhi: Haahoo, waan jeclahay, wuxuuna dib u billaabay inuu siiyo Misdax oo ay qaraabo ahaayeen oo ka mid ahaa raggii beenta ka fidshay Caa’isha a.k.r. kaalmadii uu siin jirey, oo kafaara gud ka sameeyey dhaartii uu ka dhaartay.
(23) 23. Kuwa ku sheega (zino) dumarka dhawrsoon mu’minadaha ah, ee moog oo ka war la’ (xumo oo dhan)12, waa lagu nacladay adduun iyo aakhiraba, waxayna mudan cadaab daran.
12. Waxaa loola jeedaa mu’minadaha moog oo ka war la’ xumaha, mu’minadaha aanay marnaba ku soo dhicin qalbigooda inay falaan wax xun ee iyagu nadiifka ah dhowrsoon.
(24) 24. Maalinta carrabbadoodu, gacmahoodu, iyo lugahoodu ay ku markhaati furi waxay falayeen.
(25) 25. Maalintaas Alle wuxuu ugu oofin si dhan abaalgudkooda sugan, waxayna ogaan inuu Alle yahay Xaqa muuqda.
(26) 26. Hadallo (iyo camallo) xun (waxaa leh oo lagu yaqaan) dadka xun. Dadka xumina waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo camallo) xun, hadallo (iyo camallo) fiican13 waxaa (leh oo lagu yaqaan) dadka fiican, dadka fiicanna waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo camallo) fiican. Kuwani (Caa'isha iyo eynigeed) waa ka barii (dheer yihiin) waxay ka sheegayaan, waxayna leeyhiin denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan (Janno).
13. Alle wuxuu Aayadahan ku barii yeelay hooyadii mu'miniinta Caa'isha a.k.r.
(27) 27. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha gelina guryo aan aheyn guryihiinna jeer aad idan weydiisataan, oo salaantaan ehelkooda14, sidaasaa idiin khayr badan inaad xusuusnaataan.
14. Waa aad ku salaantaan salaanta islaamka: Assalaamu Calaykum (Nabad dushiinna ha ahaato).
(28) 28. Haddaydaan ka helin cidna gudahooda, markaa ha gelina jeer la idin siiyo idan. Haddii la idin yidhaahdona noqda15, markaa noqda; sidaasaa idiin daahirsan, Allena waa Og yahay waxaad fashaan.
15. Ama weedh la mid ah noqda ee muujineysa in reerka guriga iska leh diyaar u ahayn inay qaabilaan dad soo booqda ( taasoo ah in la tixgeliyo).
(29) 29. Ma aha korkiinna dambi inaad gashaan (idan la’aan) guryo aan la degganayn ay gudahooda idiin yaalaan16 alaabadiinna. Allena wuu Ogsoon yahay waxaad si cad u fashaan iyo waxaad qarisaanba.
16. Idiin yaallaan xoogaa manfaco ah sida nasiino, hoyaad, alaabo, qofka waxyaalahiiisa gaarka ah, iwm
(30) 30. Waxaad ku dhahdaa mu’miniinta ha ka laabeen aragyadooda (xaaraanta)17, hana ka ilaaliyeen xubnahooda gaarka ah (galmo xaaraan ah, iwm)18, sidaasaa u daahirsan. hubaal, Alle waa u Xog Ogaal waxay sameyn.
17. Iyagoo eegaya oo keliya waxa bannaan oo ka jeedinaya indhahood waxa aan u bannaaneyn in la eego.
18. In la arko cawrodooda, oo ha ka xafitaan sidoo kale ficillada aan bannaaneyn (galmooyinka xaaraanta ah).
(31) 31. Waxaad ku dhahdaa mu’minadaha ha ka laabeen aragyadooda (xaaraanta) 19 hana ka ilaaliyeen xubnahooda gaarka ah (galmo xaaraan ah iyo inay soo bandhigaan cowradooda), yeyna muujinna quruxdooda 20 wixii iska muuqda maahee21, hana ku soo dadaan hagoogtooda luqumahooda dushooda iyo laabahooda, yeysanna u muujin quruxdooda (dhan ee qarsoon) waxaan aheyn nimankooda qaba, ama (wax ka mid ah quruxdaa sida wejiyadooda, luqumahooda, iyo gacmahooda oo qudha) aabbayaashood, ama abbayaasha nimankooda qaba, ama wiilashooda, ama wiilasha nimankooda qaba, ama walaalahood, ama wiilasha walaalahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, ama kuwaa ay gacmahoodu midig hantaan, ama kuwa raacsan ee labka ah oo aan laheyn haweysi dumar22, ama ilmaha aan weli yeelan dareen ay ku fiirsadaan cawro dumar. Yeysanna ku garaacin (dhulka) lugahooda si loo ogaado waxay qariyaan oo quruxdooda ah. Una toobad keena Alle idinkoo dhan, mu’miniintoy aad liibaantaane.
19. Iyagoo eegaya oo keliya waxa bannaan oo ka jeedinaya indhahood waxa aan u bannaaneyn in la eego.
20. Haddii ay tahay quruxdooda dabiiciga ah sida timaha ama qaabka jirkooda, ama waxa ay dumarka isku qurxiyaan ee leh dharka qurxoon ama dahabka ay xidhaan, iwm.
21. Waa shukada ay dusha ka gashtaan dumarka oo jirkooda ku qarsadsaan ama wixii ka muuqda oo baahi keento ay ka fursan waayaan.
22. Waxay tilmaameysaa xaalad aan caadi ahayn oo ah nin aan innaba lahayn dareen galmo iyo u tegis haween iyo shahwo.
(32) 32. U guuriya23 kuwaa idinka midka ah ee doobka ah iyo kuwa wanaagsan ee ka mid ah addoomahiinna (ragga ah), iyo addoonnadiinna (dumarka ahi), hadday yihiin fuqaro, Allaah baa ugu deeqi Fadlgiisa. Allena waa deeq Ballaarne, wax kasta Ogsoon.
23. Waxaa loola jeedaa addoomahaa doonaya inay iska xoreeyaan kuwaasi iska leh ee milkiyey iyagoo siinaya qiimo ay ku wada heshiiyaan.
(33) 33. Hase dhowrsadeen kuwaan heli karin waxay ku guursadaaan inta uu Alle kaga hodmin Fadligiisa. Kuwa dalbana qoritaan (is-xoreyn) ee ka mid ah kuwaa ay gacmahiinna midig hantaan, siiya qoraalkaasi, haddaad ku og tihiin wanaag. Oo wax ka siiyana maalka Allaah uu idin siiyey. Hana ku qasbina gabdhahiinna addoonadaha ah zino hadday rabaan inay ku sugnaadaan dhowrsanaan idinkoo doonaya sadka dhammaanaya ee noloshan adduunka. Ciddii qasabta, hubaal Alle, ku qasbiddooda kaddib, waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(34) 34. Waxaan idiin soo dejinnay Aayado cad cad24, iyo tusaale kuwii tegay hortiin, iyo waanada kuwa (ka) dhowrsada (xumaha).
24. Waa xukunnada iyo xeerarka, gaar ahaan kuwa ku soo arooray Suuraddan.
(35) 35. Allaah waa Nuuriyaha25 samooyinka iyo arlada, Mataalka Nuurkiisa26 waa sida misbaax uu ku jiro nal, nalkuna uu ku jiro dhalo27, dhaladana la moodo xiddig kaah badan, laga soo shiday xagga geed barakaysan, geed-zaytuun aan bari ahayn iyo galbeed midna, ay saliiddiisu u dhowdahay inay iska ifto walow uusan dab taaban, nuur loo geeyey nuur, Alle wuxuu ku hanuuniyaa Nuurkiisa qofkuu doono. Alle wuxuu u yeelaa tusaalooyin dadka, Allena wax walba waa Og yahay.
25. Allaah waa kan bixiya iyo halka uu ka yimaado nuurka iyo hanuunka.
26. Hanuunkiisa uu ku galladeysto qalbiga addoonkiisa mu’minka ah.
27. Misbaax erey ahaan waxaa weeye liifad ololeysa oo ah gunta nalka.
(36) 36. (Nuurkaas waxaa laga helaa) Guryo (masaajid) gudahood uu Allaah idmay in la kor yeelo28, Magaciisana lagu xuso, halkaa waxaa ku xurmo weyneeya oo ka hufa (ceeb iyo nuqsaan) gudahood subax iyo galabba,
28. Waa Masaajida Ilaahay.
Abuu Qataadah bin Ribci Al-Ansaari a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Markuu midkiin soo galo masjid waa inuusan fadhiisan jeer uu tukado labo rakcadood. (W.w. Al-Bukhaari)
Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yiri: Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Ajarka salaadda ninka ragga ahi uu ku tukado jamaaco ahaan masjid waxay dheer tahay shan iyo labaatan jeer labo laab salaadda uu qofku ku tukado gurigiisa ama dukaankiisa. Maxaa yeelay markuu qofku si fiican u weeseysto oo u aado masjidka salaadda darteed, tallaabadii uu qaadaba waxaa kor loo qaadaa meeqaankiisa hal derejo, hal denbina waa looga tiraa, markuu tukadana, malaa'igtaa u duceysa intuu weesada qabo oo meeshiisa fadhiyo, iyagoo leh: Allow u denbi dhaaf, Allow u naxaariso, intuu salaadda sugayana wuxuu la mid yahay isagoo ku jira salaad. (W.w. Al-Bukhaari)
(37) 37. Rag aanay ka shuqlin ganacsi iyo iib midna xusidda Ilaahay iyo oogidda saaladda iyo bixinta Zakada. Waxay ka cabsadaan Maalin quluubta iyo aragyada rogmi doonaan (baqo iyo argagax awgi).
(38) 38. Si uu Allaah u siiyo abaal gud waafaq- san kan ugu wanagsanaa waxay faleen, oo waliba u siiyo deeq dheeri ah ka mid ah Fadligiisa, Allena wuu irsaaqaa qofkuu doono xisaab la'aan.
(39) 39. Kuwa (Xaqa) diida acmaashoodu waa sida dhalanteed ka muuqda bannaan dhul siman, oo uu kan oommani moodo biyo, jeer markuu yimaado waxba aanu ka helin29, oo uu halkaas ka helo Allaah oo abaal marsha una oofiya si dhan xisaabtiisa, Allena wuu ku Dhaqsi Badan yahay xisaab qaadista.
29. Waayo gaaladu acmaashooda kuma dhisna towxiid iyo ku iimaan qab Allaah Keliya iyagoo aan la wadaajin cibaadada cidna.
(40) 40. Ama (waa) sida mugdiyo daran bad weyn salkeed ah, hir uu daboolo, korkiisuna hir kale sii yahay, oo ay daruuro sii kor joogaan, (dabaqyo) mugdiyo daran ah midba mid kale kor saaran yahay, markuu soo saaro gacantiisa uu ku sigan inuu arki waayo! Qofkaan Alle u yeelin Nuur, ma uu laha Nuur.
(41) 41. Miyaanad arkayn in Alle ay xurmo weyneeyaan oo ka hufaan (ceeb iyo nuqsaan) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada iyo shimbiraha fidiya garbahooda (markay duulliyaan)? Wuu Og yahay mid kasta salaaddiisa iyo tasbiixdiisa, Allena wuu Og yahay waxay fali.
(42) 42. Allaah baana iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada,waana xagga Alle halka loo noqon dhammaan.
(43) 43. Miyaanad arkayn in Allaah soo kaxeeyo daruuro, markaas isu dumo, oo ka dhigo fadad isdulsaraan, sidaas darteed waxaad arki roobka oo ka soo da’aya dhexdooda, Wuxuuna ka soo dejiyaa daruuraha buuraha la moodo qabow (baraf), isagoo ku rida cidduu doono, kana duwa cidduu doono, iftiinka hillaaciisu daruuraha gudahood ah wuxuu sigaa inuu la tago aragga.
(44) 44.Alle Wuxuu gedgeddiyaa oo is dhaafiyaa habeenka iyo maalinta. Arrinkani waxaa ugu sugan cibro kuwa aragtida dheer.
(45) 45. Alle wuxuu ka abuuray noole kasta oo jira biyo. Waxaa ka mid ah mid ku xammaarta calooshiisa, waxaana ka mid ah mid ku socda labo lugood, waxaana ka mid ah mid ku socda afar. Allaah Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Hubaal, Alle wax kasta wuu Karaa.
(46) 46. Waxaan dhab ahaan soo dejinnay Aayado cad cad. Allena wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono Jid Toosan.
(47) 47. Waxay (munaafiqiinta) yidhaahdaan: “Waxaanu rumeynay Allaah iyo Rasuulka oo adeecnay, markaasay koox ka mid ahi jeesadaan intaas kaddib, kuwaasina ma aha mu’miniin.
(48) 48.Marka loogu yeedho Alle iyo Rasuulkiisa si uu u kala garsooro dhexdooda, mise koox ka mid ahi dhinac bay u jeestaan.
(49) 49. Haddayse garta leeyihiin waa u yimaadaan dhaqso, iyagoo adeecsan.
(50) 50. Ma qalbigay ka bukaan (jirro munaafiqnimo ah), mise shaki bay ka qabaan (Nabinnamada Muxammad), mise waxay cabsi ka qabaan in Allaah iyo Rasuulkiiisu ka eexdaan? Mayee, kuwaasi waa kuwo daalimiin ah (gar diid).
(51) 51. Qowlka mu’miniinta, marka loogu yeedho Allaah iyo Rasuulkiisa si uu u kala garsooro dhexdooda, waa uun inay yidhaahdaan: “Maqallay oo yeelnay. kuwaasina waa kuwa ah liibaanayaasha.
(52) 52. Qofkii adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo ka baqa Allaah, oo dhowra xilkuu saaray, kuwaa weeye kuwa ah guuleysatayaasha.
(53) 53. Waxay (munaafiqiinta) ku dhaartaan Allaah kan ugu adag dhaarahooda, in haddaad amarto ay (u) baxayaan (jihaad). Dheh waxba ha dhaarannina: adeecid fiican (baa la dooni)30, Allena waa u Xog Ogaal waxaad falaysaan.
30. Macno kale waa daacad la yaqaan macnaha waa oggolaanshaha iyo maqlidda ay muujiyaan munaafiqiinta waa mid la yaqaan inay been tahay.
(54) 54. Dheh: “Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka, haddiise aad jeesataan, waxaa (Nabiga) saaran oo keliya xilka la saaray. idinkana waxaa idin saaran waxa la idin saaray (Xaq raacid). Haddaad adeecdaan (Nabiga) waad hanuunaysaan. Rasuulkana ma saarna waxaan ahayn Gaadhsiin Cad.
(55) 55. Allaah wuxuu u ballan qaaday kuwiinna idinka mid ah ee (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala inuu uga yeelo madax arlada, siduu ugu yeelayba madax kuwii ka horreeyay, iyo inuu u adkeeyo diintooda uu uga raalli noqday. Wuxuuna ugu beddeli cabsidoodii kaddib nabadgelyo; waase inay i caabudaan (Anigoo Keliya) iyagoon ila wadaajinayn (cibaadada) waxba. Ciddii gaalowda intaas kaddibna31, kuwaa weeye kuwa ah caasiyaasha.
31. Waa dafira nicmadda Ilaahay ama aan ku noolaan si waafaqsan xukunkiisa iyo xeerarkiisa.
(56) 56. Ooga salaadda, bxiya Zakada, oo adeeca Rasuulka si la idiinku naxariisto.
(57) 57. Ha moodina in kuwa Xaqa diida ku fakan karaan dhulka, hoygooduna waa Naarta, xumaa aayotiin ahaan.
(58) 58. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Waa inay kuwaa ay gacmahiinnu midig hantaan iyo kuwa idinka mid ah aan weli qaan gaarin (intay idiin soo gelin) weydiistaan idan saddex waqti32; ka hor salaadda subax, iyo markaad dharka dhigataan duhurkii kuleylaha, iyo kaddib salaadda cishaha; kuwani waa saddex waqti gaar idiin ah, idinma saarna denbi idinka iyo iyagaba waxaan ahayn waqtiyadan in qaarkiin u soo galaan qaar kale iyagoon idan qaadan. Sidaasuu Allaah idiinku caddeeyaa Aayada- ha. Allena waa wax kasta oge, Xakiim ah.
32. Waa seddex waqti oo badi dadku jirkooda daboolneyn oo furan yihiin, sidaas awgeed buu Allaah uga reebay addoomaha ka adeega guryaha iyo carruurta aan qaan gaarin inay u soo galaan qolka hurdada ninka iyo naagtiisa.
(59) 59. Markay carruurtiinna qaan gaadhaan, ha idin weydiistaan idan, sida kuwii ka horreeyeyba (oo ka weynaa da’ ahaan ay idan u qaataan33). Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadihiisa, Allena waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
33. Wiilka kurayga ah ama addoonka waa inuu idan qaato ka hor soo gelidda.
(60) 60. Dumarka gaboobay ee ka fadhiistay (quustay dhalmada) ee aan rajaynin guur, ma saarna dambi hadday iska dhigaan (khafiifiyaan) maryahooda dusha kore ah34 (oo ayan dedin luqumahooda ama qayb ka mid ah gacmahooda) iyagoon soo bandhigeyn quruxdooda (aanna is caseyneyn). Inayse isdhowraan (oo xijaabkooda kore dhigin) baa u khayr badan. Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
34. Xijaabka (cabbaayada) ay dusha ka xirtaan ee hadday iska dhigaan aanay muuqaneyn cowradooda bal uu kaga hooseeyo canbuur astura, iwm dhib ma leh xagga dumarka da’da ah ee duqoobay.
(61) 61. Ma saarna wax dambi ah Indhoolaha, iyo laan garaha, iyo bukaanka midna, iyo nafahiinnaba inaad wax ka cuntaan guryihiinna, ama guryaha aabbayaashiin, ama guryaha hooyooyinkiin, ama guryaha walaalihiin, ama guryaha walaalooyinkiin, ama guryaha adeerradiin, ama guryaha eeddooyinkiin, ama guryaha abtiyaashiin, ama guryaha habaryarahiin, ama waxaad hanataan furayaashooda35, ama (guryaha) saaxiibkiin, idinkumana saarna dambi haddaad wax u cuntaan wadajir ama kala jir. Markase aad galeysaan guryaha, ku salaama dadkiinna salaan xagga Ilaahay ah, barakaysan (oo) wanaagsan36. Sidaasuu Allaah idiinku caddeeyaa Aayadaha si aad u fahantaan.
35. Guryaha aad deggan tihiin.
36. Waa inaad dhahdaan “Assalaamu Calaykum (Nabad dushiinna ha ahaato).
(62) 62. Mu’miniinta waa uun kuwa rumeeyey Allaah iyo Rasuulkiisa, oo markay ku wehliyaan arrin guud oo loo dhan yahay aan tegin jeeray idan qaataan. Hubaal, kuwa idan kaa qaata waa iyaga kuwa rumeeyey Allaah iyo Rasuulkiisa. Ee hadday idan kuu weydiistaan danahooda qaarkood, u idan koodii aad doonto oo ka mid ah, ugana bari dambi dhaaf Alle. Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
(63) 63. Ha ka yeelina u yeedhidda Rasuulka (Muxammad) dhexdiinna sida u yeedhidda qaarkiinba qaar. Alle dhab ahaan wuu ogsoon yahay kuwaa dhuunta iyagoo gabban (aan kaa idan qaadan Nabiyow), Ee ha is jiraan kuwaa ka hor yimaada amariiska37 si ayan ugu dhicin balaayo ama ugu dhicin38 cadaab xanuun badan.
37. Macnaha sidoo kale waxaa weeye dhabbahiisa ama sunnadiisa. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii la yimaado camal aan ahayn amarkayaga waa lagu soo celin oo lagama aqbalayo.”
38. Imtixaan la marsiiyo, musiibooyin ku dhaca, is nac dhexdooda, iyo kala qaybsanaan, dhibaato soo gaadha, gaajo iyo abaaro, iwm
(64) 64. Ogaada, hubaal, Allaah baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada39. Wuxuu dhab ahaan ogsoon yahay waxaad ku sugan tihiin Maalintana40 loo celin Xaggiisa, wuxuu u sheegi waxay faleen, Allena wax walba wuu Ogsoon yahay.
39. Halka aad ku sugan tihiin – gunta iyo ujeeddada aad ka leedihiin camalladiinna ( hadday daacad idinka tahay iyo Dar Ilaahay ama munaafiqnimo) iyo xaaladda nafahiinna ay ku sugan yihiin.
40. Macnaha wuxuu sidoo kale u dhacayaa: “Oo ( ha ka digtoonadaan) Maalintaa.