53 - Suurada An-najm ()

|

(1) 1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay xiddigaha markay dhacaan.
1. An-Najam: Xiddigaha

(2) 2. Saaxibkiin (Nabi Muxammad s.c.w.) ma ka habaabin (Jidka Toosan iyo hanuunka), (Xaqana) kama uusan lumin.

(3) 3. Mana ku hadlo hawadiisa.

(4) 4. Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday.

(5) 5. Waxaa baray (oo xagga Alle ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn.

(6) 6. Ee caafimaad iyo quwaba leh, abuuraddiisuna dhan tahay (Jabriil c.s.)2.
2. Jabriil wuxuu ugu muuqday Nabi Muxammad s.c.w. muuqaalkiisa dhabta ah.

(7) 7. Isagoo ah halka ugu sarreysa jihada sare3.
3. Cirka, halka ka korreysa jihada bari ee qorrax soo baxa.

(8) 8. Markaasuu (Jabriil) soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday.

(9) 9. In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka dhow.

(10) 10. Markaasuu (Alle) u Waxyooday addoonkiisa (Nabi Muxammad s.c.w.) wuxuu u waxyooday4.
4. Quraanka.

(11) 11. Kama been sheegin Qalbiga wuxuu ku arkay (Nabigu s.c.w indhahiisa habeenkii micraajka ee Calaamooyinka waaweyn ah ee Rabbi).

(12) 12. Ma waxaad kala murmi wuxuu arkay (habeenkii Israha iyo Micraajka).

(13) 13. Wuxuuna dhab ahaan ku arkay (Jabriil) soo degid kale.

(14) 14. Dhammaadka xadka geedka gobka5.
5. Sidratal muntahaa, waa halka u sarreysa samada toddobaad.

(15) 15. Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada.

(16) 16. Markuu daboolay gobka waxa daboolay (oo qurux ah).

(17) 17. Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay.

(18) 18. Wuxuu wax ka arkay (Nabigu) Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn.

(19) 19. Ee (gaaloy) ka warrama (sanamyada) Al-Laat iyo Al-Cuzza.

(20) 20. Iyo Manaat, tan seddexaad ee kale6?
6.Seddexdan magac ee lagu xusay halkan iyo Aayadda ka horreysa waa ilaahyo caan ahaa oo dheddig ah ay caabudi jireen mushrikiintii Carbeed.

(21) 21. idinku ma waxaad leedihiin labka Isaguna dheddigga?

(22) 22. Tanu waa qayb dulun ah.

(23) 23. Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen - idinka iyo aabbayaashiin - oo uusan Allaah u soo dejin wax Xujo ah. Ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, waxaana uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan (Islaamka).

(24) 24. Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleystoba?

(25) 25. Mayee, Allaah baa iska leh tan dambe (Aakhirada)iyo(nolosha)horeba(Adduunka)

(26) 26. Badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Alle u idmo maahee cidduu doono oo ka Raalli yahay.

(27) 27. Kuwaa (gaalada mushrikiinta ah) aan rumeysnayn Aakhirada, waxay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dheddig ah.

(28) 28. Iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn. Waxay raacaan oo keliya malo, maluhuna waxba kama taro Xaqa.

(29) 29. Ee iskaga jeeso kan ka tegay Xuskayga (Qur’aanka) oo aan doonayn waxaan aheyn nolosha adduunka.

(30) 30. Kaasi waa intuu gaaray garaadkooda aqooneed. Rabbigaa waa Ogsoon yahay kan ka luma Jidkiisa, waana Ogsoon yahay kan hanuunsan.

(31) 31. Allaah baana iska leh waxaa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta samaan (Janno).

(32) 32. Kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, waxa yar yar ee ku soo dhaca maanankooda mooyaane - Rabbigaa waa mid leh denbi dhaaf ballaadhan. Wuuna idin og yahay, markuu idinka abuuray dhulka iyo markaadba ku asturan tihiin uurarka hooyooyinkiin,ee ha is ammaanina, Isagaa Og kan ka dhowrsada xumaha.

(33) 33. Ee ma aragtay kan ka jeesaday (Islaamka).

(34) 34. Oo wax yar bixiyey7, inta kalena ceshaday.
7. Waxaa ka dhaadhacsan in maalkiisa uu ku yaraan hadduu wax siiyo saboolka, halka Allaah subxaanahu wa tacaalaa uu ballan qaaday si ka duwan.

(35) 35. Ma wuxuu hayaa cilmiga waxaan muuqan, oo arkaa?

(36) 36. Mise waan loo sheegin wixii ku yiil waraaqahii Muuse -

(37) 37. Iyo Ibraahiim ee oofiyey (amarradii Ilaahay).

(38) 38. Inaan nafna naf kale denbigeeda qaadeyn (inuu gacan ka geysto maahee).

(39) 39. Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn wuxuu shaqeysto (khayr ama shar).

(40) 40. Camalkiisana la arki doono.

(41) 41. Kaddibna looga abaal marin si buuxda.

(42) 42. Iyo in xagga (Alle) Rabbigaa uu yahay meel noqodka dambe.

(43) 43. (Allena) waa Kan wax ka qosliya kana oohiya.

(44) 44.Isagaana (Alle) wax dhinsiiya waxna nooleeya;

(45) 45. Isagaa (Alle) abuuray labada nooc, labka iyo dheddigga.

(46) 46. Ka abuuray mino nool marka la shubo.

(47) 47. Isagayna (Alle) saaran tahay soo celinta kale (abuurista Aakhirada).

(48) 48. Waa Isaga Kan wax hodmiya waxna faqiiriya;

(49) 49. Waana Rabbiga xiddiga Shicra8.
8. Waa xiddig ay caabudi jireen qaar ka mid ah mushrikiintii Carbeed.

(50) 50. Alle Isagaa halaagay Caadkii hore,

(51) 51. Iyo Thamuudba, waxnana kama reebin.

(52) 52. Iyo qolodii Nuux awal hore; waxay ahaayeen kuwo dulmi iyo xadgudub badan.

(53) 53. Iyo magaalooyinkii (Sodom iyo Gammurah) ee la dabageddiyey9 .
9. Dadka degaankaasoo ka hor yimid Nabi Luud.

(54) 54. Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay (oo cadaab ah).

(55) 55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodeysaan oo ka shaki qabtaan (dadow)?

(56) 56. Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore.

(57) 57. Way soo dhowaatay Saacaddii (Qiyaame).

(58) 58. Ma jiro Alle ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda ama og waqtigeeda).

(59) 59. Ma waxaad la yaabban tihiin warkani weyn (Qur’aanka Kariimka)?.

(60) 60. Oo ku qoslaysaan (idinkoo beenin) oo aydaan ooyeynin (cabsi Ilaahay darteed)?

(61) 61. Idinkoo iska haasaawaya.

(62) 62. U sujuuda Allaah oo caabuda (Isagoo Keliya idinkoon waxba u shariik yeelin).