(1) 1. Alif Laam Miim Raa1
Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka), oo (Waxyigaa) lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa waa Xaq, dadka badankiisuse ma rumeeyaan.
1. Eeg sharaxa SuuraddaAl-Baqara: Aayadda 1.
(2) 2. Allaah waa Kan kor yeelay samooyinka tiirar la’aan aad aragtaan, markaas dul ahaaday Carshiga Wuxuuna (idiin) sakhiray qorraxda iyo dayaxa; mid walbaa ku socdo (marriinkiisa) ilaa waqti magacaaban, Wuxuu isku dubbiradaa oo maamulaa arrin walba (ee uunka), ka yeela caddaan Aayadaha si aad u yaqiinsataan la kulanka Rabbigiin.
(3) 3. Allaah Waa Kan fidiyey arlada yeelayna dhexdiisa buuro sugan iyo webiyo, midho kastaana ka yeelay dhexdiisa labo nooc, wuxuu ku daboolaa habeenka maaalinta. Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii fekeri.
(4) 4. Waxaana dhulka ah goosinno isbar bar ah, iyo beero canab ah, haruur iyo geedo timir leh jirrid urursan ay dhowr geed ka soo baxaan iyo kuwo kala tagsan oo geed keliya ka soo baxo halkii jirridba2, lagana waraabsho biyo isku mid ah, waxaana kaga sare marinnaa qaarkoodba qaar kale (qiimaha) cunnada. Waxaa hubaal arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii garowsan.
2. Mid keliya uu ka soo baxo jirridkii, iyo kuwo halkii jirrid dhowr geed ka soo baxaan.
(5) 5. Haddaad yaabtana3, waxaa yaab ah weedhooda: Ma markaan noqonno carro, miyaa markaas abuur cusub (nala abuuri)? Kuwan weeye kuwa ku gaaloobay Rabbigood, kuwan waxaa ahaan jeebbado luqmahooda korkood4, waana kuwan ehlu Naarka, iyagoo ku dhex waari weligood.
3. Aad la yaabban tahay kuwaa beeniya Towxiidka islaamka ee caabuda cid kale aan Allaah ahayn.
4. Silsilado bir ah oo gacamahooda lagu xirxiro iyo luqumahooda.
(6) 6. Waxayna (Nabiyow) ku weydiisan inaad u soo dedejiso xumaan (Cadaab)5 halkii wanaagga, waxaana tagay tusaalooyin (ciqaabeed) hortood. Rabbigaa waa u denbi dhaaf badan yahay dadka dulmigooda. Rabbigaana ciqaabkiisu aad buu u Daran yahay.
5. Waxay yidhaahdeen iyagoo ka hor imaanaya Nabiga s.c.w. oo ku jeesjeesaya noo keen ciqaab haddaad run sheegeyso, halkay dalbi lahaayeen naxariista Ilaahay iyo denbi dhaafkiisa.
(7) 7. Kuwa xaqa diida waxay yidhaahdaan: Maxaa looga soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Adigu waxaad tahay oo keliya dige, qolo walbaana waxay leeyihiin hanuuniye.
(8) 8. Alle wuu Og yahay waxay dheddig walbaa uurka ku siddo6, iyo waxaa ilmo galeennadu nusqaamiyaan iyo waxay kororsadaanba7. Wax walbaana Alle Agtiisa qaddar (waqti) go’an yuu leeyahay.
6. Isagoo aqoon dhan u leh wax kastoo ku saabsan ilmahaas uurka ku jira.
7. Dhaafsiisan waqtiga caadiga ee uurka oo ogsoon muddada ilmaha ku jira uurka.
(9) 9.(Alle) Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda,Weynaha,aad u Sarreeya.
(10) 10. Waa isugu mid (Alle) kiinna idinka mid ah ee hadalkiisa qarsada iyo kan kor ugu dhawaaqa, iyo kan isku qariyo habeenka iyo (kan) socda dharaar cad.
(11) 11. Wuxuu leeyahay (qof kasta) kuwo is beddela (malaa’ig)8, oo hortiisa iyo gadaashiisa ah , kuwaasoo ku ilaaaliya Amarka Ilaahay9; Allaah ma beddelo xaaladda qolo, jeeray iyagu naf ahaantoodu beddelaan xaaladdooda. Markuu Alle la doonona qolo xumaan, cidna ma baajin karto, mana leh Isaga sokadiis wax u soo gargaari kara.
8. Iyagoo isku beddela moogaaleysi.
9. Waxaa weedhan loo qaadan karaa sidoo kale : kuwaasoo ka ilaaliya wax kasta wixii Allaah u qoray oo qaddaray maahee.
(12) 12. Alle Waa Kan idin tusa hillaaca cabsi iyo rajo gelin darteed, iyo (Kan) unka daruuro hogol ah oo biyo riman.
(13) 13. Wuxuu ku tasbiixsadaa onkodku Xamdiga Ilaahay, malaa’igtuna ka Heybeysigi darteed, Wuxuuna soo diraa danabyada oo ku ridaa cidduu doono10, iyaguna waxay ka doodaan arrinka Ilaahay Isagoo Awood Badan oo Ciqaabkiisu Daran Yahay.
10. Waa ciqaab ama halaagid denbiyadooda dartood.
(14) 14. (Allaa) mudan Baryada (cibaadada) Xaqa ah. Kuwaana ay baryaan (caabudaan) sokadiisa waxba uma ajiibi karaan, waxayna ka dhigan yihiin mid hore u soo fidsha gacmahiisa xagga biyo ku jira (ceel salki) si ay u soo gaadhaan afkiisa, mana gaadhayaan, baryada (cibaadada) gaaladuna ma aha waxaan aheyn baadil.
11. Macnaha waxaa weeye in ilaahyada beenta ah ayan marnaba ajiibin baryadooda.
(15) 15. Waxaa Allaah u sujuuda (una hoggaan- san) wax kasta oo jira samooyinka iyo arlada iyagoo oggol ama qasban, iyo hoosaskooda aroor kasta iyo galbihiiba.
(16) 16. Dheh: Waa kuma Rabbiga samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Dheh: Ma waxaad haddaba yeelaneysaan Alle ka sokow
awliyo (gargaarayaal) kuwaasoo aan u hanan karin wax awood ah ay wax ugu taraan ama wax ku yeelaan nafahooda? Dheh: Miyey siman yihiin kan indhaha la’ iyo kan wax arka? Ama ma sinnanan karaan Mugdiyada iyo Nuurka? Mise waxay la barbar dhigaan Allaah shariigyo abuuray wax la mid ah abuurkiisa12, oo waxaa isaga ekaaday abuurkii? Dheh: Allaah waa Abuuraha wax waliba. Waana Waaxidka, wax Qahra (Maquuniya).
12. Waxaa halkaas laga qaadanayaa in ilaahyadaa ay sheegeen, ayan awood u lahayn inay wax abuuraan, oo aan la barbar dhigi karin Allaah sinnaba.
(17) 17. Wuxuu (Alle) ka soo dejiyaa biyo daruuraha, markaas bay togaggu qiyaastood (biyo la) durduraan, oo daadku qaadaa xumbada kor sabbaysa, iyo (macdanta) ay dadku dabka gashaan si ay uga sameystaan waxyaalo ay isku qurxiyaan, wuxuu daadku qaadaa sidoo kale alaabo (qashin ahoo) xumbada la mid ah, sidaas buu Allaah tusaale ugu kala dhigaa Xaqa iyo Baadilka. Marka ma xumbada iyadu way tagtaa sida waxa aan qiimaha lahayn, waxase u leh nafaca dadku wuxuu ku haraa dhulka. Sidaasuuna Alle u yeelaa tusaalayooyinka.
(18) 18. Abaal gudka kuwa ajiiba Baaqa Rabbigood (ah inay Alle u Keli yeelaan cibaadada oo raacaan Rasuulka) waa Wanaag (Janno).Kuwase aan ajiibin hadday leeyihiin waxa yaal dhulka oo dhan oo ay wehliso wax la mid ah waxay u bixin lahaayeen madax furasho. Kuwaasi waxay leeyihiin xisaab daran oo xun, hoygooduna waa Naar; xumaa gogol ahaan.
(19) 19. Ma mid og in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq baa la mid ah mid ka indha la'? Waase oo keliya dadka wax garadka ah kuwa waansami.
(20) 20. Ee ah kuwa oofiya axdiga Ilaahay, oo aan ka bixin ballanka.
(21) 21. Kuwa xidhiidhiya waxa uu Allaah amray in la xidhiidhiyo13, oo ka haybaysta Rabbigood, kana cabsada Xisaab Daran.
13. Waa in aad loo ilaaliyo xiriirka qaraabada oo lagu dadaalo wanaajintooda. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma galo Jannada qof qaraabo goys ah”.
(22) 22. Ee ah kuwa sabra (waqtiga shiddada ee ku sugnaada daacada) iyagoo doonaya Wajiga Rabbigood, oogana salaadda, oo bixiya wax ka mid ah waxaan ku irzaaqnay qarsoodi iyo caddaanba, kuna qaabila xumaanta samaan, kuwaasi waxay leeyihiin cidhib wanaagsan Daarta Dambe (Aakhirada).
(23) 23. Jannooyinka cadni (negaadi) oo ay galayaan la jirka kuwa samaha fala ee ka mid ah aabbayaashood iyo afooyinkood iyo ubadkoodaba: Malaa’igtu waxay uga soo geli albaab walba (iyagoo leh):
(24) 24. Nabad korkiinna ha ahaato samirka aad yeelateen iyo sugnaashadiinna darteed. Wanaagsanaa Daartaa dambe (ee Jannada).
(25) 25. Kuwase jebiya axdiga Ilaahay kaddib adkayntiisa, oo gooya wuxuu Allaah amray in la xidhiidhiyo (qaraabada), oo ku sameeya fasahaad arlada, kuwaas, waxaa u sugnaaday Nacalad, waxayna leeyihiin daarta xun (Naar ay ku guban oo gamaari).
(26) 26. Allaah wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), waxayna ku farxaan nolosha adduunkan, mana aha nolosha adduunka marka loo eego Aakhirada waxaan ahayn raaxo muddo yar ah oo dhammaaneysa.
(27) 27. Kuwa xaqa diida waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamo looga soo dejin waayey xagga Rabbigii? Dheh: Allaah wuxuu dhumiyaa kuu doono oo u soo hanuuniyaa Xaggiisa kuwa u soo laabta(toobad keena).
(28) 28. Ee ah kuwa (Towxiidka) rumeysan oo ay quluubtoodu ku xasisho xusidda Ilaahay. Ogaada (daacada iyo) xusidda Ilaahay bay ku xasishaa quluubtu.
(29) 29. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha aayatiin wanaagsan14 bay leeyihiin iyo rug u laabasho fiican (Janno).
14. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Jannada waxaa ah geed uu u socdo hooskeeda kan rakuub saaran boqol sano oo uusan goyneyn. W.w. Al-Bukhaari.
(30) 30. Sidaasaan kuugu soo dirnay ummad dhexdood ay horteed ummado kale tageen, si aad ugu akhrido waxaan kuu waxyoonnay, iyaguna waxay beeniyaan Raxmaanka (Allaah). Dheh: Waa Rabbigay! Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan ahayn Isaga, Isagaan isku halleeyaa oo tala saartaa, waana Xaggiisa noqodkeyga (toobadeyda).
(31) 31. Haddii uu jiri lahaa Qur’aan ka yeeli buuraha inay socdaan, ama kala goyn dhulka, ama ka hadal siin meytida15 (ma ahaadeyn waxaan aheyn Qur’aankan). Mayee! Allaah baa iska leh Amarka oo idil. Ee miyaanay weli ogaan kuwa (xaqa) rumeeyey in haddii Alle doono uu hanuunin lahaa dadkoo dhan? Oo kuwa gaalooba, ma deyn doonto inay ku dhacdo xumaha ay falaan darteed belaayo garaacda, amase degta meel ku dhow guryahooda, ilaa inta Ballanka Ilaahay ka yimaado. Alle ma ka baxo Ballankiisa.
15. Sida ay soo jeediyeen oo dalbeen gaalada.
(32) 32. Waxaa lagu jeesjeesay Rusul (badan) adiga hortaa (Nabi Muxammadow), markaasaan siiyey fursad kuwii xaqa diiday, kaddibna waan halaagay. Ee sidee mid daran ay u ahayd Ciqaabteydii?.
(33) 33. Ma mid Isagu dhowra naf walba oo ogsoon waxay kasbato (baa la mid ah kuwo aan waxba ogeyn)? Sidaa oy tahay, waxay u yeelaan shariigyo xagga Alle. Dheh: Magacaaba! Mise waxaad Alle u sheegeysaan wax (ilaahyo kale) uusan ku ogeyn dhulka, mise waa wax iska hadal afka baarki16 ah. Mayee! Tabahooda xun baa loo qurxiyey gaalada, waxaana laga duway Jidka (Toosan ee Islaamka), qofkiina Alle uu lumiyo17, ma laha wax hanuunin.
16. Inaad ku sifeysaan ilaahnimo cidaan ahayn Allaah.
17. Ilaahay wuxuu lumiyaa qofka xun ee lunsan diiddiisa xaqa awgeed iyo inuusan doonin hanuunka.
(34) 34. Waxay leeyihiin cadaab nolosha adduunkan, Cadaabka Aakhirada baana ka sii daran, oo ma leh wax ka celin Allaah.
(35) 35. Tilmaanta Jannada kuwa Alle ka cabsada loo ballan qaaday, hoosteeda webiyaa qulqula, cunnadeedu waa joogto aan kala go'ayn iyo harkeeduba, tani waa cidhibta kuwa iska jira (xumaha), cidhibta gaaladuna waa Naar.
(36) 36. Kuwa aan siinnay Kitaabka18 waa ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, waxaase ka mid ah xisbiyada (Yuhuudda iyo mushrikiintaba) kuwa diida qaarki. Dheh, Waxaa sideedaba la i amray inaan caabudo Allaah Keliya oo aan waxba la wadaajin. Isagaan (idiin) ku baaqaa, waana Xaggiisa noqodkeyku (aan u toobad keeno).
18. Yuhuuddii iyo Nasaaradii soo galay islaamka.
(37) 37. Sidaasaana u soo dejinnay Xukun lagu kala baxo oo af Carabi ah. Haddaad raacdo hawadoodana kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kama heli doontid xagga Alle cid kuu gargaarta iyo ilaaliye ku dhowra midna.
(38) 38. Waxaan soo dirnay Rusul hortaa oo waxaanu siinnay xaasas iyo ubadba19. Umana laha Rasuulna (awood) inuu iski ula yimaado Mucjiso Alle oo idma ma ahee. Ajal walba wuxuu leeyahay muddo Ilaahay u gooyo oo qoran.
19.Casri kasta wuxuu leeyahay axkaan uu Ilaahay u jideeyo addoomahiisa oo ku saleysan xikmaddiisa.
(39) 39. Allaah Wuxuu tiraa wuxuu doono oo uu sugaa, Agtiisana waxaa ah asalka Kitaabka 20.
20.Waa Looxa Maxfuudka oo ay ku qoran yihiin asalka Kitaab kasta uu Allaah soo waxyooday iyo wax kasta oo Allaah qaddaray.
(40) 40. Haddaan ku tusno qaar ka mid ah waxaan ugu goodinno ama aan ku oofsanno, waxaa uun adiga korkaaga ah Gaarsiinta (Fartiinta), halka ay Annaga na saaran tahay xisaabintoodu.
(41) 41. Ma waysan arkayn inaan ku keenno21 baabba’ arlada innagoo ka dhimeyna darfaheeda (furasho ama abaar)? Alle baana xukun gooya, ma jiro wax burin kara Xukunkiisa, wuuna ku Dhaqso badan yahay Xisaabinta.
21.Waxay tilmaameysaa fiditaanka islaamka, iyo soo yaraanshaha dhulalka ay ka taliyaan mushrikiinta.
(42) 42. Kuwii ka horreeyey baana tabab degay, waxaase (tab) oo dhan iska leh Allaah. Wuxuu ogsoon yahay waxay naf waliba kasbato (khayr ama shar), gaaladuna way ogaan cidda yeelan Cidhibta Wanaagsan ee Daarta (Nabadda ah).
(43) 43. Waxayna kuwa xaqa diida odhan: Adigu (Muxammadow) ma tihid Rasuul la soo diray. Dheh: Allaah baa ku filan marag uu ahaado dhexdeenna aniga iyo idinka, iyo ku kastoo u leh cilmi Kitaabka22.
22.Culimadii ehlu kitaabka ee soo galay islaamka. Waa kuwa garta xaqa iyagoo adeegsanaya cilmiga ay u lahaayeen kutubtii hore.