71 - Suurada Nuux ()

|

(1) 1. Annagaa (waa Alle'e) u dirnay Nuux qolodiisii (Annagoo leh): U dig qolodaada intaysan u iman cadaab xanuun badan.

(2) 2. (Nuux) Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Waxaan anigu idiin ahay dige cad.

(3) 3. Caabuda Allaah keliya, oo ka cabsada, anigana (Nabigiinna ah) i adeeca.
1. Nuux: waa Nabi Nuux c.s.

(4) 4. Wuxuu idiin dhaafi denbiyadiinna, oo idiin dib dhigi ilaa muddo magacaaban. Ajasha Alle (mowdku) markuu yimaado lama dib dhigo, waase haddaad og tihiin.

(5) 5. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan qolodeydii ugu baaqay (Towxiid iyo falasho camallo san) habeen iyo maalinba.

(6) 6. Ha yeeshee baaqeygu uma uusan kordhin waxaan aheyn didmo.

(7) 7. Mar kasta oo aan u yeedhana si aad ugu denbi dhaafto, waxay yeelaan farahooda dhegahooda, iskuna dadaan maryahooda2, oo madax adaygaan, wayna is kibriyaan iskibrin.
2. Iyagoo diidaya inay fiirshaan ama dhageystaan Xaqa.

(8) 8. Haddana waxaan ugu baaqay (Towxiidka) si cod kore ah.

(9) 9. Waxaana ula hadlay si kore, si hoosana waan ula hadlay (sir iyo saaqba3).
3. Wuxuu Nuux c.s. la soo maray ku baaqiisa Islaamka heerar iyo xaalado kala duwan:

(10) 10. Waxaan ku idhi: Ka barya denbi dhaaf Rabbigiin; waa Denbi Dhaaf Badane’e.

(11) 11. Wuxuu idiinka keeni daruuraha roob darar ah;

(12) 12. Oo idiinku deeqi maal iyo awlaad, oo idiin yeeli beero, idiinna yeeli webiyaal.

(13) 13. Maxaa leedihiin aydaan uga heybeysan Ilaahay?

(14) 14. Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray xaalado iyo heerar (kala duwan).

(15) 15. Mawaydan arag sida Allaah u abuuray toddobada samo ee kala korreeya.

(16) 16. Oo dayaxa uga yeelay dhexdooda nuur, qorraxdana ka yeelay nal shidan?

(17) 17. Alle Waa Kan idinka soo bixiyey dhulka bixitaan.

(18) 18. Haddana idinku celin gudahiisa oo idinka soo bixin baxsiis (cusub).

(19) 19. Alle waa Kan idiinka yeelay dhulka gogol fidsan.

(20) 20. Si aad ugu socotaan dhexdiisa waddooyin waasic ah.

(21) 21. Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waa ii caasiyeen, oo waxay raaceen mid aan maalkiisa iyo dhashiisa u kordhin waxaan ahayn khasaaro.

(22) 22. Oo waxay qooleen shirqool aad u weyn.

(23) 23. Oo yidhaahdeen: Sinnaba ha uga tegina ilaahyadiinna, hana ka tegina Wadd ama Suwaac ama Yaquus iyo Yacuuq iyo Nasar.

(24) 24. Waxay lumiyeen dad badan, ee (Allow) ha u kordhin daalimiinta (gar ma qaatayaasha) waxaan aheyn habow.

(25) 25. Gefafkoodii dartood baa loo qarqiyey, Naarna loo geliyay, marka ma helin cid u soo gargaarta Allaah sokadi.

(26) 26. Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ha kaga tegin dhulka korkiisa gaalada qofna.

(27) 27. Waayo haddaad kaga tagto, waxay dhumin addoomahaaga, mana dhalayaan waxaan aheyn faajir, gaalnimo badan.

(28) 28. Rabbiyow! Ii Denbi dhaaf aniga, iyo waalidkeyba iyo qofkii soo gala gurigeyga isagoo mu’min ah, iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Hana u kordhin daalimiinta (mushrikiinta, gaalada, iwm,) waxaan aheyn baabba’.