(1) 1. Daa siin Miim1.
1. Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda 1.
(2) 2. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) ee cad.
(3) 3. Waxaan kugu akhrin wax ka mid ah warkii Muuse iyo Fircoon oo xaq ah ciddii rumayn.
(4) 4. Hubaal, Fircoon waa isku sare yeelay dhulka (Masar), wuxuuna ka yeelay dadkeedii kooxo, isagoo daciifinaya koox ka mid ah (ilmahii Israa’iil), gowracaya wiilashooda, una deynaya nolol haweenkooda (si ay ugu adeegtaan). hubaal, wuxuu ka mid ahaa Mufsidiinta.
(5) 5. Waxaana doonnay inaan u galno wanaag kuwii loo arkay daciif arlada, kana yeello hooggaamiyayaal, oo ka yeello iyaga dhaxlayaasha.
(6) 6. Oo aan ku awood siinno arlada oo tusinno Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii2 waxay ka digtoonaayeen.
2. Inaan ku caddibno isla gacanta kuway ku gardarroonayeen oo addoonsayeen.
(7) 7. Waxaan u waxyoonnay Muuse hooyadi (Annagoo leh): Nuuji (Muuse), markaadse u cabsato ku tuur webiga (Niil), ha cabsan, hana murugoon. Annagaa kuu soo celin, oo ka yeeli mid ka mid ah Rususha.
(8) 8. Waxaa soo qaatay reer Fircoon si uu ugu noqdo cadow iyo (sabab u keenta) ciil iyo murugo. Hubaal Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii waxay ahaayeen kuwo gef badan.
(9) 9. Marwadii Fircoon waxay tidhi: Waa il qabawsigeenna aniga iyo adigaba. Ha dilina, waa intaasoo uu na anfaco ama aan ka dhiganno wiil, iyagoon dareensaneyn3.
3. Waxay noqon doonto ciribta arrinkaasi.
(10) 10. Wuxuu ahaaday qalbigii Muuse hooyadi mid (ka) maran (arrin kaloo dhan ka fekerka wiilkeeda Muuse ma ahee) waxayna ku sigatay inay kashifto (arrinkiisa) haddaanaan adkaynin qalbigeeda si ay uga mid ahaato mu’miniinta.
(11) 11. Waxay ku tidhi walaashiis (Miriam): Raad raac, waxayna ka eegeysay dhinac fog si qarsoodi ah iyagoon dareemeyn.
(12) 12. Waxaanu horey u qaddarnay inuu diido nuujiso (kale) oo dhan4, markaasay (walaashiis timid oo) tidhi: Ma idin tusaa reer idiin daryeelaya, oo iyagu u roonaan.
4. Muuse wuu diiday inay nuujiso haweeney kale oo dhan aan ahayn hooyadiis.
(13) 13. Waxaan ku soo celinnay hooyadiis si ay u il qabawsato oo u murugoon, una ogaato in wacadka Ilaahay Xaq yahay, dadka badankiisuse ma ogsoona.
(14) 14. Markuu (Muuse) tabar galay oo buuxsamay (caqli ahaan), Waxaanu siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
(15) 15. Wuxuu soo galay magaaladii gooray war la' yihiin dadkeedu5, markaasuu wuxuu kula kulmay halkaa labo nin oo diriraya - midi ka mid yahay qoladiisa6 (Muslim - ilmahii Israa’iil) kan kalena ka tirsan yahay cadowgiisa. Ninkii qoladiisa ahaa baa uga kaalmo warsaday oo qeyshaday xagga kii ahaa cadowgiisa, markaasuu Muuse feedhay mar keliya oo kaw kaga siiyey. (Muuse) wuxuu yidhi: kanu waa camal Shaydaan, hubaal waa cadow, wax dhumiya oo cad.
5. Waxay aheyd harsiimadii goor Duhur ah ay dadku nasanayeen.
6. Muslim - ka mid ahaa ilmahii Israa’iil, kan kalena ee cadowgiisa ah wuxuu ahaa qoladii Fircoon Qibidi Masri ah.
(16) 16. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan dulmiyey naftayda ee ii denbi dhaaf, wuuna u denbi dhaafay. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
(17) 17. (Muuse) wuxuu yidhi:Rabbiyow!Waxaad igu galladeysatay darteed (oo dambi dhaaf ah), marnaba dib dambe uguma noqon doono caawiye denbiilayaasha.
(18) 18. Wuxuu ku sugnaa magaalada isagoo cabsanaya, digtoon, mise kii gargaarka warsaday maalintii hore baa u qeyshanaya inuu u soo hiilliyo (mar kale). (Muuse) wuxuu ku yidhi: Adigu waxaad tahay baadiyeeye iska cad.
(19) 19. Markuu se doonay inuu qabto (oo wax yeelo) kii cadowga u ahaa, wuxuu ( kii loo gargaarayey ama kii cadowgaada ahaa) yidhi: Muusow! Ma waxaad dooneysaa inaad I disho sidaad u dishayba naf (kale) shalay? Ma dooneysid waxaan aheyn inaad ka noqoto jujuubaa isla weyn arlada, mana dooneysid inaad ka mid ahaato kuwa wax hagaajiya7.
7. Waxaa sidaa yidhi ninkii israa’iiliga ahaa isagoo moodaya inuu Muuse doonayo inuu garaaco isaga.
(20) 20. Nin baa ka yimid magaalada xaggeeda shishe isagoo rooraya. Wuxuu yidhi: Muusow! Xildhibaannadii waxay ku tashanayaan inay ku dilaan ee baxso. Waxaan anigu kuu ahay daacade.
(21) 21.Markaasuu (Muuse) ka baxay (magaalada) isagoo cabsanaya, digtoon. Wuxuuna yidhi: Rabbiyow! Iga badbaadi qolodaa daalimiinta (gar diidka) ah.
(22) 22. Markuu u jahaystay xagga (arlada) Madyan wuxuu yidhi: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo dhabbo Toosan.
(23) 23. Markuu soo gaaray biyihii Madyan wuxuu ka helay halkaa koox rag ah oo waraabsanaya (xoolahooda), sokadooda wuxuu ka helay labo haween ah oo horaya (xoolahooda). (Muuse) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiinnu yahay? Waxay yidhaahdeen: Ma waraabinno (xoolaheenna) jeeray raacata- du fulaan oo kaxeystaan (xoolahooda), aabbahayo waa oday weyn oo da' ah.
(24) 24. Markaasuu u waraabiyey (xoolahoodii), wuxuuna u jeesaday oo aaday xagga meel har leh, oo yidhi: Rabbiyow! Waxaad I siiso oo khayr ah waan u baahnahay.
(25) 25. Markaas labadii gabdhood middood u timid iyadoo u soconaysa si xishood leh oo tidhi: Aabbahay baa kuu yeedhaya si uu kuu siiyo abaalgudka waraabintii darteed aad noo waraabisay (xoolahayaga). Markuuna u yimid8 oo uga warramay qisadii dhacday, wuxuu yidhi: Ha cabsan. Waad ka badbaadday qolodaa daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
8. Wuxuu ahaa nin saalix ah, aabbaha labadaasi gabdhood la yidhaahdo Shucayb ama Jethro.
(26) 26. Waxay tidhi middood (labadii gabdhood): Aabbow ijaaro! Hubaal waxaa u fiican cid la ijaarto xoog badanaha, aamminka ah*. *iyadoo u sheegtay inuu dhagax aad u weyn keligi ceelka afki ka qaaday, inuu ku yidhi, 'socda gadaasheyda', iyo inuu markay u imaneysay uu hoos madaxa u dhigay, oo aanu fiirinin.
(27) 27. (Jethro - Shucayb) wuxuu yidhi: Waxaan rabaa inaa kuu guuriyo mid ka mid ah labadaydaan gabdhood, waxaase shardi ah inaad ii shaqeyso siddeed sano, haddiise aad buuxiso toban, waxay ahaan (axsaan) xaggaaga ah, ma doonayo inaan ku dhibo. Haddii Alle idmo, waxaad heli (igu ogaan) inaan ka mid ahay kuwa wanaagsan.
(28) 28. (Muuse) wuxuu yidhi: Sidaasi waa (ballan) dhexdeenna ah aniga iyo adiga midkaan labada muddo oofiyo, ma jiri doonto wax laygu colaadiyo, Alle baa ka damiin (markhaati) ah waxaanu leennahay.
(29) 29. Markuu dhammaystay Muuse muddadii (toban sano), oo la tagay reerkiisii iyagoo jidka haya buu wuxuu ka arkay dhinaca buurta (Duur) dab, wuxuu ku yidhi reerkiisii: “Suga, waxaan arkaa dab, waa intaasoo aan idiinka keeno war ama dhimibil dab ah si aad isugu kulaashaan.
(30) 30. Markuu yimid halkii (dabka), cod baa ka dhawaaqay dhanka midig ee togga ee rugta barakaysan ee geedka9 leh: “Muusow! Waxaan Anigu ahay Allaah, Rabbigii uumanka.
9. Geedkaasoo dabka gudahiisa ahaa.
(31) 31. Ee tuur ushaada. Markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa oo la moodo mas, buu isgaddiyey, mana soo dhugan gadaal. (Waxaa la yidhi): Muusow! Kaalay soo dhowow, hana cabsan, adigu waxaad tahay mid ka mid ah kuwa aaminka ah.
(32) 32. Geli gacantaada goshaada, waxay noqon durbaba caddaan cudur la’aan, ku nab gacantaada garabkaaga si ay kaaga ba’do cabsida (aad ka qaadday maska, sidoo kalena gacantaadu waxay u noqon sideedii hore). Marka kuwakani waa labo caddaymo xagga Rabbigaa looga soo diray Fircoon iyo xildhibaannadiisa, waa qolo caasiyaal ahe.
(33) 33. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan dilay nin ka mid ah, waxaan ka cabsan inay i dilaan.
(34) 34. Walaalkay Haaruun baa iga faseexsan carrab (hadal ahaan) ee ila dir garab ahaan si uu ii rumeeyo. Waxaan ka cabsan inay I beeniyaan.
(35) 35.(Allaah) Wuxuu yidhi: Waxaan ku adkeyn cududdaada walaalkaa, waxaana idiin yeeli awood (xujo) marka idinma gaar siin karaan (wax dhib ah), Aayadahayaga dartood, idinka iyo intii idin raacda baa adkaan.
(36) 36.Markuu Muuse ula yimid Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdeen: Kani ma aha waxaan ahayn sixir la been abuurtay, mana aanaan ku maqal waxakan oo kale aabbayashayadii hore dhexdood.
(37) 37. Muuse wuxuu yidhi: Rabbigay baa dhab u ogsoon kan kala yimid hanuun Xaggiisa iyo kan lahaan cidhibta wanaagsan ee Daarta 10. Daalimiintuna ma liibaanaan.
10. Waa adduunka ama Aakhirada
(38) 38. Fircoonna wuxuu yidhi: Xildhibaannow! Anigu idiin ma ogi inaad leedihiin ilaah kale aan ahayn aniga, ee ii huri dab Haamaanow lagu dul shido dhoobada11, markaa ii samee sar aad u dheer, si aan u soo eego ilaaha Muuse; waxaan qabaa inuu ka mid yahay beenlowyada.
. 11. Ee laga sameeyo bulukeetiga.
(39) 39. Waxay isku kibriyeen isaga iyo askartii- suba arlada xaq darro, waxayna moodeen inaan Xaggeenna loo soo celinayn.
(40) 40. Markaasaan qabannay isaga iyo askartiisiiba oo ku tuurnay badda12, ee fiiri siday ahayd cidhibtii daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
12. Allaah s.w.t. wuxuu sababay inay dadkii Fircoon kaga soo tagaan gadaashooda waxay hanti iyo maal lahaayeen, oo soo galaan badda iyagoo ku jooga raadka ilmahii Israa’iil. Eeg Suuradda 26: Aayadaha 52- 66.
(41) 41. Waxaana ka yeelnay madax13 wax ugu yeedha Naarta, Maalinta Qiyaamana looma gargaaro.
13. Macnaha waa tusaale, ama mataal xun ay raacaan diktaatoorrada oo dhan iyo madaxda khaa’imiinta ah.
(42) 42. Waxaan raacinnay adduunyadan Lacnad, Maalinta Qiyaamahana waxay ka mid ahaan kuwa (laga yaqyaqsado) falalkooda xun (ee laga dheereeyey Naxariista Ilaahay).
(43) 43. Waxaana dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) kaddib markaan halaagnay qaaruumihii hore, isagoo tusmooyin u ah dadka, iyo hanuun iyo naxariis inay xusuustaan.
(44) 44. Adigu (Nabi Muxammadow) ma aad joogin dhinaca galbeed (ee buurta), markaan siinnay Muuse amarka (Nabinnimada), mana aad ka mid aheyn kuwa ahaa goob joogga.
(45) 45. Waxaanse abuurnay Facyo (is xigsada Muuse kaddib) waxaana ku dheeraaday14 cumrigii. Adiguna ma aheyn mid dhex joogay reer Madyan, adigoo u akhrinaya Aayadahayaga. Annaga baase ku soo dirnay (Rusuul ahaan )15.
14. Markaasay hilmaameen oo dayaceen amarradii Ilaahay.
15. Nabigu s.c.w. ma heysto dariiq kale uu ku ogaado wararkan aan ahayn Waxyiga Allaah u soo waxyooday.
(46) 46. Mana aad joogin dhinca Buurta (Duur) markaan u dhawaaqnay. (Waxaase laguu soo diray) naxariis ahaan xagga Rabbigaa si aad ugu digto qolo uusan u imaan dige hortaa inay xusuustaan.
(47) 47. Haddaysan jirin in markay ku dhacdo masiibo waxay gacmahoodu geysteen ( oo xumaan ah) darteed, markaasna ay yidhaahdaan: Rabbigayow! Maxaad noogu soo diri weyday Rasuul si aan u raacno Aayadahaaga oo aan uga mid ahaanno mu’miniinta (waa la ciqaabi lahaa).
(48) 48. Markiise uu Xaqa uga yimid Xaggagayaga, waxay yidhaahdeen: Maxaa loo siin waayey wax la mid ah wixii la siiyey Muuse? Ma waysan ku gaaloobin wixii la siiyey Muuse awal hore? Waxay yidhaahdeen:“Waa labo sixir (Towraadda iyo Qur’aanka) oo is kaalmaystay16. Waxayna yidhaahdeen: Innagu dhammaan waan ku gaalownay.
16. Camalka labo sixir oo is kaalmaystay: Waxay gaaladii Quraysh ula jeedeen: Towraadda iyo Qur’aanka.
(49) 49. Dheh: Ka keena Kitaab (kale) xagga Ilaahay, oo ka hanuun wanaagsan labadooda aan raacee haddaad run sheegaysaan.
(50) 50. Haddayna ku ajiibin, ogow inay uun raacaan hawadooda. Yaana ka dhunsanaan badan mid raaca hawadiisa hanuun la’aan xagga Ilaahay? Hubaal, Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta (gar diidka) ah.
(51) 51. Waxaan si xidhiidhsan (oo qayb qayb ah) u soo gaarsiinnay Qowlka (Qur’aanka), si ay u xusuustaan (oo waantoobaan).
(52) 52. Kuwaannu siinnay Kitaabka (Towraadda iyo Injiilka) ka hor kani (Qur'aanka) - baa rumeyn17 waxa ku soo arooray (Qur’aanka).
17. Mu’miniinta daacadda ah ee ku jira ehlu kitaabka dhexdooda.
(53) 53. Marka loo akhriyo (Qur'aanka), waxay yidhaahdaan: Waanu rumaysannahay. hubaal, waa Xaq ka yimid Rabbigayo. Waxaanu ahayn isaga ka horba Muslimiin.
(54) 54. Kuwaas waxaa la siin ajarkooda labo jeer sabarkoodii darti, waxayna ku qaabilaan wixii xumaan ah samaan, waxaan ku irsaaqnona wax ka bixiyaan.
(55) 55. Markay maqlaan hadal macno darro ah way ka jeesadaan, oo yidhaahdaan: Waxaanu leennahay camalladayada, idinkuna waxaad leedihiin camalladiinna. Nabad gelyo18, ma rabno (dhaqanka) jaahiliinta.
18. Salaamu calaykum halkan loolama jeedo salaanta Muslimka, ee waxaa loola jeedaa waa ka nabad galeysaan afkayaga iyo addinkayaga qowl iyo ficilba oo wax xun inaan ku hadalno aamin iyo nabad baad ka tihiin, iyo inaan u dhaqanno sidiinna oo kale si jaahilnimo ah.
(56) 56. Adigu (Nabi Muxammadow) Ma hanuu- nin kartid ciddaad jecleysato, Alle baase hanuuniya qofkuu doono. Isagaana dhab u ogsoon kuwa hanuunsan.
(57) 57.Waxay (gaaladii Makkaad) yidhaahdeen: Haddaan kula raacno hanuunka, waxaa nalaga dafi dhulkayaga19. Ma waannaan dejin Xaram aammin ah, oo midho nooc walba leh la keeno - risiq Xaggayaga ah, badankooduse ma oga.
19. Waxaa nagu soo xadgudabaya oo na kala dafaya qabiilooyinka kale ee Carabta.
(58) 58. Badanaa intaan magaalo rognay, ku ki-birtay nolosheeda (caasiday Alle iyo Rusu- shiisa). Marka waa kuwan guryahoodii aan la degin iyaga kadambow in yar ma ahee20 waana Annaga dhaxlayaasha (u hadha).
20. Musaafiriinta doonaya meel ay degaan in yar oo markaa ka tagaan. Waxaana halkan loogu tilmaamayaa burburkii magaalooyinkaa ay arki jireen Quraysh markay halkaa socdaal ku marayaan.
(59) 59. Ma aha Rabbigaa mid halaaga magaalooyinka jeer uu u diro magaalada u hooyada ah (xaruntooda) Rasuul u akhrinaya Aayadahayaga. Ma halaagno magaalooyinka haddayan aheyn dadkeedu daalimiin (gar ma qaatayaal).
(60) 60. Waxa la idin siiyo oo wuxuun ah waa uun sahay nolosha adduunkan iyo quruxdeeda, waxase (Aakhirada) Alle agtiis ah baa khayr badan oo daa’insan. Ee mawaydaan fahmeyn?
(61) 61. Ma mid aan u ballan qaadnay ballan qaad wanaagsan (Janno) oo la kulmi, baa la mid ah mid aan siinnay sahayda nolosha adduunkan, markaas Maalinta Qiyaamaha ka mid noqon kuwa la soo xaadirnayo (la cadaabayo)?
(62) 62. (Ka dig) Maalinta uu (Alle) u yeedhi (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwaad ila wadaajiseen (cibaadada) oo aad u heysateen inay yihiin shurakadeyda?
(63) 63. Kuwa uu Qawlka ku dhaboobi21 (in la cadaabo) waxay odhan: “Rabbiyow! Kuwaani waa kuwaan habaabinnay. Waxaan u habaabinnay sidaan u habownay. Waxaan ka nahay barii Adiga hortaada. Ma aheyn innaga waxay caabudayeen22.
21. Loo qaddaray in la cadaabo.
22. Macnaha waxaa weeye ma aanu qasbin iyaga, mana ay na adeeceyn, ee waxay raacayeen oo adeecayeen keliya hawada nafahooda iyo waxa liita ay rabaan oo ay u iishaan.
(64) 64. Waxaa lagu odhan: U yeedha Ilaahaydiinnii aad shurakada kala dhigteen (Alle), markaasay u yeedhan, mase ajiibayaan, waxayna arki cadaabka. Markaasay shallaayaan hadday uun hanuuni lahaayeen.
(65) 65. (Xus) Maalinta uu (Alle) u yeedhi oo odhan: Maxaad ugu jawaabteen Rusushii?
(66) 66. Markaasay waayi xujooyin 23 maalintaas, waxnana isma weydiinayaan.
23. Si ay been u sheegaan ama u cudur daartaan.
(67) 67. Qofkii ka toobad keena (shirkiga iyo macaasida) oo (Xaqa) rumeeya oo raaca oo fala camallo wanaagsan (nolosha adduunkan) waa intaasoo uu ka mid ahaado liibaanayaasha.
(68) 68. Rabbigaa (Alle) wuxuu abuuraa wuxuu doono oo doortaa cidduu doono, ma leh iyaguse amarka iyo doorashada. Waa ka hufan yahay Alle (ceeb iyo nuqsaan) oo ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan cibaadada.
(69) 69. Rabbigaana waa Ogsoon yahay waxay qarin laabahooda iyo waxay muujinba.
(70) 70. Waa Allaah (Macbuudka Xaqa ah), ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Isagaa leh ammaan oo idil iyo mahadba tan hore (aduuunka) iyo tan dambeba (Aakhirada), Isagaana leh Xukunka, Xaggiisaana idinkoo idil la idiin celin.
(71) 71. Dheh: bal ka warrama, hadduu Alle ka yeelo habeenka joogto tan iyo maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Allaah oo idiin keeni kara iftiin, mawaydaan wax maqleyn?.
(72) 72. Dheh: Bal ka warrama, hadduu Alle ka yeelo dharaarta joogto tan iyo Maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Allaah oo idiin keeni kara habeen aad ku xasishaan, mawaydaan wax arkayn?
(73) 73. Waxaa ka mid ah Naxariista Alle inuu idiin yeelay habeenka si aad ugu nasataan, iyo maalinta si aad u doonataan deeqdiisa, iyo inaad u mahad naqdaan.
(74) 74. (Ka dig) Maalinta aan u yeedhi (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwaad u heysateen inay yihiin shurakadeyda ee aad ila wadaajiseen cibaadada?
(75) 75. Waxaanu ka soo saari ummad walba markhaati, oo odhan: Keena xujadiinna. Markaasay ogaan inuu Garta leeyahay Alle (Keliya), wayna waayi waxay been abuuran jireen.
(76) 76. Qaaruun wuxuu ka mid ahaa qolodii Muuse, wuuse ka fallaagoobay, waxaana ka siinnay kaydadka wax aad u tiro badan heer furayaashoodu cusleyneysay jirka rag xoog leh.Markay qolodiisii ku yidhaahdeen: Ha farax taraarin (kibrin), Alle ma jecla kuwa farxa (kibree).
(77) 77. Oo ku doono waxa (khayr ah) uu Alle ku siiyey Daarta Aakhiro, ha halmaaminna qaybtaada ah adduunka, oo sama fal sida uuba Allaah kuugu sama falay, hana la doonin fasahaad arlada. Alle ma jecla Mufsidiinta (kuwa wax bi'iya oo halleeya).
(78) 78. Wuxuu yidhi: Waxaa la igu siiyey maalkan oo keliya aqoonteyda. Ma wuusan ogayn inuu Alle halaagay horti qaaruumo, kuwo isaga ka xoog badan oo ka badan waxay isu keeneen. Lamana weydiiyo denbiyadooda Denbiilayaasha.
(79) 79. Markaasuu u soo baxay qolodiisii isagoo xarragoonaya oo ay u dhan tahay quruxdiisii. Kuwii doonayey nolosha adduunkan waxay yidhaahdeen: “Wayoo waye, haddaanu lahaan lahayn wax la mid ah waxa Qaaruun la siiyey? Wuu nasiib badan yahaye.
(80) 80. Kuwii se la siiyey cilmiga waxay yidhaahdeen: Magaciin bi'i waaye! Abaalka Alle (ee Aakhirada) baa u wanaagsan kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama fala , lamana waafajiyo waxaan ahayn kuwa sabra.
(81) 81. Markaasaan la goynay isagii (Qaaruun) iyo daartiisiiba dhulka. Mana uusan helin koox u gargaarta Alle ka sokow, mana ahayn mid is difaaci kara.
(82) 82. Kuwii u hanqal taagayey (meeqaan la mid) meeqaankiisa maalintii horreysay waxay billaabeen inay yidhaahdaan: Shaki ma leh waa Allaah Kan u fidiya risiqa qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa ama ku cidhiidhiya. Haddii aysan jirteen in Allaah yahay mid noo Roonaan badan, wuxuu nala goyn lahaa dhulka (sidoo kale). Shaki ma leh, ma liibaanto gaalo.
(83) 83. Taasi ah Daarta Aakhiro (Jannada) waxaanu dhaxalsiin kuwa aan ku dooneyn sarreyn dhulka, aanna ku falin fasahaad. Cidhibta wanaagsanna waxaa leh kuwa iska jira (xumaha oo Alle u hoggaansan).
(84) 84.Qofkii la yimaada (Maalinta Qiyaamaha) wanaag (Towxiid iyo camallo san oo sharciga waafaqsan), wuxuu leeyahay wax ka khayr badan (waa Janno), qofkiise la yimaada xumaan (shirki iyo macaasi), laguma abaal mariyo kuwa fala camallada xun waxaa ahayn waxay falayeen.
(85) 85. Hubaal (Alle ee) kugu faral yeelay Qur’aanka wuxuu dib kuugu soo celin Xagga halkii ballantu ahayd24. Dheh: Rabbigay baa cid kasta ka ogsoon kan la yimid hanuun iyo kan ku sugan habow cad.
24. Waxaa loolaa jeedaa Makkah (noloshan adduunka) ama Jannada (Aakhirada).
(86) 86. Ma aad aheyn (Nabiyow) mid rajeyn in lagugu soo dejiyo Kitaabka (Qur’aanka), hase yeeshee waa Naxariis xagga Rabbigaa ah. Ee ha noqonin mid garab siiya gaalada25.
25. Ha ugu kaalmeyn diintooda adigoo waafaqaya caqiidadooda ama ansixinaya.
(87) 87. Oo yeysan kaa jeedin Aayadaha Ilaahay kaddib marka lagagu soo dejiyey, ugu yeedh xagga Rabbigaa, hana ka mid noqonnin Mushrikiinta.
(88) 88. Hana caabudin la jirka Allaah ilaah kale. Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wax waliba way halaagsami Wejgiisa maahee26.Isagaa leh xukunka, Xaggiisaana la idiin soo celin.
26. Isaga maahee (Allaah).