1 - Suurada Al-faatixa ()

|

(1) 1. Ku billaabid Magaca Ilaahay, Naxariis guud , iyo mid gaar ahba Naxariista.

(2) 2. Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh oo mudan Allaah, Rabbiga uumanka.

(3) 3. Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed Naxariista), Naxariista Badan1.
1. Ar-Raxmaan iyo Ar-Raxiim waa labo magac uu leeyahay Allaah ee ka soo jeeda kelmedda Raxmah. Xagga naxwaha afka Carabiga labada magacba waa ku xeel dheeraansho naxariisashada. Waa deeq ballaaran iyo naxariisasho guud ahaaneed labaduba. Raxmaan waxaa lagu tilmaamaa Allaah oo keliya, waana sifad aan cid kale la wadaagin, halka Raxiim lagu tilmaami karo qof gaar ah. Nabiga s.c.w. waxaa uu Qur’aanku ku tilmaamay inuu yahay Raxiim. Raxmaan se waa wax ka sarreeya heerka Aadmiga (waa naxariisasho durba ah oo guud ahaaneed) oo waqti ku kooban oo uunka idil gaadha, caddaaladdu waa qayb ka mid ah naxariistan.. Allaah wuxuu isku tilaamamay sidoo kale Raxiim oo ah naxariisasho joogto ah oo gaar ahaaneed oo u naxariisto mu’miniinta, dambi dhaafka iyo ceeb asturidda waa qayb ka mid ah naxariistan.

(4) 4.Boqorka Maalinta Jaazeynta(Qiyaamada)

(5) 5. Adigoo Keliya baynu (Allow) ku caabudi, oo Adigoo Keliya baynu ku weydiisan kaalmo.

(6) 6. Nagu hanuuni (oo sug) Tubta Toosan.

(7) 7. Tubta kuwaad u Nicmaysay2, aan aheyn kuwaad u cadhootay3, iyo kuwa lunsanba.
2. Waa Nabiyada, run badanayaasha, wanaagsanayaasha, iyo shuhadada. 3. Kuwa ay Cadhada Ilaahay ku dhacday waa kuwo iyagoo u cilmi leh aan ku camal falin diinta ee diida xaqa, sida Yuhuudda iyo wixii la mid ah. Lunsanayashuna waa kuwo cilmi la’aan cibaadeysta iyagoo ku socda caqiidooyin gurracan sida Nasaarada iyo wixii la mid ah.