(1) 1. Taa Siin Miim1.
1. Eeg sharaxa Suuradda 2: Aayadda1.
(2) 2. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) Cad.
(3) 3. Waa intaasoo aad naftaada ku disho (murugo) inaysan rumayn (Xaqa) darteed.
(4) 4. Haddaan doonno, Waxaan kaga soo dejin calaamo cirka, ay luqumahoodu u khuduucaan2.
2. Macnaha waxaa lagu qasbayaa inay rumeeyaan.
(5) 5. Uga ma yimaado waano (Qur'aan) Raxmaanka isagoo cusub oo is daba jooga, bal waa ka jeesadaan.
(6) 6. Waxay beeniyeen (Xaqa), sidaas darteed waxaa u imaan wararka waxay ku jees-jeesayeen.
(7) 7. Miyeyna arkayn dhulka intee baan nooc kasta oo dhir wanaagsan ah sababnay inuu ka soo baxo?
(8) 8. Waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.
(9) 9. Hubaalna Rabbigaa (Allaah) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
(10) 10. (Xus) markuu Rabbigaa u yeedhay Muuse (Isagoo leh): U tag qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).
(11) 11. Qoladaa Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Alle)?
(12) 12. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan ka cabsan inay i beeniyaan,
(13) 13. Oo ay cidhiidhyoonto laabteydu, oo caddeyn kari waayo (hadalka) carrabkaygu. Ee dir la jirkay Haaruun (inuu i caawiyo).
(14) 14. Waxayna igu heystaan denbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsan inay i dilaan.
(15) 15. (Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal; Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna.
(16) 16. U taga Fircoon oo ku dhaha: "Innagu waxaanu nahay Rusuulka Rabbiga uumanka".
(17) 17. Ee nagu dar hana raacaane ilmaha Israa’iil.
(18) 18. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? Oo aad nala joogin sannado badan ka mid ah cimrigaaga?
(19) 19. Oo aad fashay falkaagii aad fashay (dishay nin) waxaadna tahay abaal laawe.
(20) 20. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waxaan falay anigoon wax garanayn.
(21) 21. Waana idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey Nabinnimo (iyo Cilmi), oo iga yeelay mid ka mid ah Rususha.
(22) 22. Oo taasi se (inaan ku soo barbaaray gurigaaga) - ma nicmad baa aad iigu lib-sheegato, adigoo addoonsaday ilmihii Israa’iil?
(23) 23. Fircoon wuxuu yidhi: Muxuu yahay Rabbiga uumanka?
(24) 24. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad (rumeyneysaan) idinkoo yaqiinsan.
(25) 25. (Fircoon) wuxuu ku yidhi kuwii hareera joogay: Ma waydaan maqleyn?
(26) 26. (Muuse) Wuxuu yidhi: (Allaah) waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.
(27) 27. (Fircoon) wuxuu yidhi3: Rasuulkiinna la idiin soo diray waa jinnoole.
3. Isagoo si ay cadho badan ku jirto ula hadlaya dadkii goob joogga ahaa.
(28) 28. (Muuse) wuxuu yidhi: Waa Rabbiga bariga iyo galbeedka iyo inta u dhexeysa, haddaad wax garaneysaan.
(29) 29. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haddaad yeelato ilaah kale aan aniga ahayn, Waxaan kaa mid dhigayaa kuwa xabbisan.
(30) 30.(Muuse) wuxuu yidhi:“Ma xitaa haddaan kuula imaado wax cad?
(31) 31. (Fircoon) wuxuu yidhi: La imow, haddaad run sheegi.
(32) 32. Markaasuu (Muuse) tuuray ushiisii, mise waa abeeso muuqata.
(33) 33. Oo soo saaray gacantiisii mise, waa mid u cad (ifeysa) kuwa eegaya.
(34) 34. (Fircoon) wuxuu ku yidhi xildhibaannadii hareera joogay: Kanu waa saaxir xeel dheer.
(35) 35. Raba inuu idin kaga saaro dhulkiinna sixirkiisa, ee maxaad ku talineysaan?
(36) 36. Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig isaga iyo walaalki (xaalkooda in yar) oo u dir magaalooyinka kuwo soo kulmiya4.
4. Kuwa soo keena saaxiriin oo soo qora ciidammo badan si looga joojiyo ilmaha Israa’iil inay ka tagaan oo ka baxaan halkaasi.
(37) 37. Inay kuu keenaan saaxir kasta oo xeel dheer.
(38) 38. Markaasaa sixiroolayaashii la isugu soo wada kulmiyey madal maalin la yaqaan
(39) 39. Waxaa lagu yidhi dadkii: Ma soo kulmeysaan?
(40) 40. Inaan raacno sixiroolayasha hadday adkaadaan.
(41) 41. Markay yimaadeen sixiroolayaashii, waxay ku yidhaahdeen Fircoon: “Ma leennahay abaalgud haddaan annagu adkaanno?
(42) 42. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haah, idinkuna markaas waxaad ka mid ahaaneysaan kuwa ii dhow.
(43) 43. Muuse wuxuu ku yidhi: Tuura waxaad idinku tuuraysaan.
(44) 44. Markaasay tuureen xargahoodii iyo ulahoodii oo yidhaahdeen: “Waa nagu sharafta Fircoone, annagaa adkaan".
(45) 45. Markaasuu tuuray Muuse ushiisii, mise waxay guratay oo liqliqday waxay been maleegeen.
(46) 46. Sixiroolayaashiina dhulkay la dhaceen sujuud.
(47) 47. Waxay yidhaahdeen: Waxaynu rumeynay Rabbiga uumanka.
(48) 48. Rabbiga Muuse iyo Haaruun.
(49) 49. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyseen (Muuse) ka hor intaan idiin idmin; waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka, waadse ogaan dontaan, waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf waana idin daldali dhammaan.
(50) 50. Waxay yidhaahdeen: Dhib ma laha; Innagu Xagga Rabigayo baan u noqon.
(51) 51. Waxaanu rajayneynaa inuu Rabbigayo noo dhaafo gefefkayaga, inaanu nahay kuwa u hor rumeeeyey (Xaqa).
(52) 52. Waxaan u waxyoonnay Muuse Annagoo leh: “La bax Addoomahayga idinkoo ku baxaya guuro habeennimo, waa la idiin soo raaciye.
(53) 53. Markaasuu Fircoon u diray magaaloo- yinka kuwo soo kulmiya (askartiisii).
(54) 54. (Isagoo leh) kuwani wax koox yar,
(55) 55. Wayna na cadho geliyeen;
(56) 56. Waxaana nahay kuwo had iyo jeer digtoon.
(57) 57. Markaasaan ka saarnay beero iyo ilo.
(58) 58. Iyo maaliyad iyo meeqaan wanaagsan.
(59) 59. Waxaana dhaxalsiinnay Ilmahii Israa’iil.
(60) 60. Markaasay (Fircoon iyo askartiisii) soo raaceen (ka daba tageen) goor qorrax soo bax ah.
(61) 61. Markay labadii ciidan isu muuqdeen, Waxay yidhaahdeen asxaabtii Muuse: “Waa nala haleelay”.
(62) 62. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma jirto. Waxaa ila jira Rabbigay, wuxuu i tusi jid aan ka baxo.
(63) 63. Markaasaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Ku dhufo badda ushaada. Markaasay kala dhanbalantay oo qayb walba waxay noqotay sida buur weyn.
(64) 64. Waana ku soo dhoweynay halkaa kuwii kale (qoladii Fircoon).
(65) 65. Waxaan badbaadinnay Muuse iyo intii la jirtay dhammaan.
(66) 66. Kaddib waxaan qarqinnay kuwii kale.
(67) 67. Waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.
(68) 68. Hubaalna Rabbigaa (Allaah) waa Adkaadaha Sare, Naxariista badan.
(69) 69. U akhri qisadii Ibraahiim.
(70) 70. Markuu ku yidhi aabbihi iyo qolodiisii: “Maxaad caabudaysaan?
(71) 71. Waxay yidhaahdeen: Waxaan caa- budi asnaam, oo ag yuruursan.
(72) 72. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Miyey idin maqlayaan markaad baryeysaan?.
(73) 73. Waxse ma idin tari karaan ama idin yeeli karaan?
(74) 74. Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaan hellay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya.
(75) 75. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma u jeeddaan waxaad caabudeysaan -
(76) 76. “Idinka iyo aabbayaashiinnii horeba?-
(77) 77. Waa cadowgay oo col baan nahay, mase aha (sidaa) Rabbiga uumanka5.
5. Waayo dadkaasi waxay caabudayeen sannamo la jirka Allaah, marka wuxuu Ibraahiim u sheegay inuu barii ka yahay dhammaan waxay caabudaan marka laga soo reebo Allaah, Rabbiga uumanka.
(78) 78. “Ee i abuuray, ee ah Kan i hanuunsha.
(79) 79. Waana Kan I quudiya oo i waraabsha.
(80) 80. Markaan bukoodona, Isagaa I bogsiya.
(81) 81. (Alle) Waa Kan i dhinsiin, haddana ii soo nooleyn (mar kale);
(82) 82. Ee ah Kan aan rajeeyo inuu ii dhaafo gefkayga Maalinta Abaal marinta (Qiyaamada).
(83) 83. Rabbiyow! I sii cilmi (iyo fahmo), ina haleeshii kuwa wanaagsan.
(84) 84. Ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdood.
(85) 85. Iga mid yeelna dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah.
(86) 86. Oo u denbi dhaaf Aabbahay, wuxuu ka mid yahay kuwaa lunsane.
(87) 87. Ha i dulleynna Maalinta la soo bixin (dhimasho kaddib - Maalinta Qiyaamada).
(88) 88. Maalinta aysan wax tareyn maal iyo ilmo midna.
(89) 89. Mid maahee ula yimaada Allaah qalbi ka fayow6 ( shirki, shaki, kibir, iwm).
6. Qalbi ka fayow shirki, gaalnimo, munaafiqnimo,shaki, isla weyni, is cjabin, xasad, xin, xumaato, khiyaano,dhagar, iwm.
(90) 90. Waxaa loo soo dhoweyn Jannada kuwa Alle ka cabsada(ee iska jira xumaha).
(91) 91. Loo muujinna Naarta kuwa habowsan.
(92) 92. Waxaa lagu odhan: Meeye waxaad caabudeyseen?
(93) 93. Allaah sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda?
(94) 94. Markaas baa waxaa loogu tuuri wejiweji (Naarta) - iyaga iyo kuwa habowsanba.
(95) 95. Iyo askartii ibliis oo dhan.
(96) 96. Waxay odhan iyagoo ku murmaya dhexdeeda (Naarta),
(97) 97. Tallaahi, waxaanu ahayn kuwo ku sugan habow cad.
(98) 98. Markaan idin la sinnay Rabbiga uumanka.
(99) 99. Cidna nama aysan lumin aan ahayn denbiilayaasha (madax xun, wadaaddo xun, faaliyayaal, saaxiibbo xun, iwm).
(100) 100. Haatan ma lihin wax garab na siiya.
(101) 101. Iyo saaxiib run ah midna.
(102) 102. Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu'miniinta7.
7. Dhammaadka hadalka ka go’an waa la iska qiyaasi karaa oo waxaa weeye waxaynu fali lahayn sidaa ama sidaasi.
(103) 103. Waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
(104) 104. Hubaalna Rabbigaa (Allaah) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
(105) 105. Qolodii Nuux waxay beeniyeen Rusushii.
(106) 106. Markuu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka dhawrsaneyn (shirkiga)?
(107) 107. Anigu waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah.
(108) 108. Ilaahay ka cabsada oo i adeeca.
(109) 109. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (fidinta Diinta Ilaahay), abaal gudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya (Allaah) Rabbiga uumanka.
(110) 110. Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay ina adeeca.
(111) 111. Waxay yidhaahdeen: Ma adigaan ku rumaysannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen?
(112) 112. Wuxuu yidhi: Maxaan ka ogahay waxay falaan?
(113) 113. “Xisaabtoodu waxaa leh oo keliya Rabbigay, haddaad garanaysaan.
(114) 114. Oo anigu ma eryayo mu’miniinta.
(115) 115. Ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad.
(116) 116. Waxay yidhaahdeen: Haddaad joojin oo aadan ka harin (baaqaagan) Nuuxow! Waxaad ka mid noqon kuwa la dhagaxyeeyo.
(117) 117. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Qoonkeygii way i beeniyeen.
(118) 118. Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (xaq ah), ina badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah.
(119) 119. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba Doonidii buuxday.
(120) 120. Kaddibna waxaan qarqinnay kuwii hadhay (gaaladii).
(121) 121. Arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.
(122) 122. Hubaalna Rabbigaa (Allaah), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
(123) 123. Caad waxay beeniyeen Rusushii.
(124) 124. Markuu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (xumaha)?.
(125) 125. Anigu Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
(126) 126. Ee Ilaahay ka cabsada oo i adeeca.
(127) 127. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah ( Dhambaalka Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
(128) 128. Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo8? Macno daranaa waxaas aad fashaan.
8. Taallo ama wax muujinaya maalka iyo awooddooda. Waxay ka dhisi jireen dhismooyin dhaadheer agagaarka waddooyinka.
(129) 129. Oo yeelataan dhismooyin adag bal inaad waartaan.
(130) 130. Markaad cid soo qabaneysaanna waxaad u soo qabataan si daran idinkoo daalimiin ah?
(131) 131. “Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay oo i adeeca.
(132) 132. Dhowra (Amarrada Alle ee ah) Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin.
(133) 133.Idin siiyey xoolo iyo ilmo.
(134) 134. Iyo beero tanaad ah iyo ilo.
(135) 135. Waxaan idiinka cabsan (oo digayaa) cadaab Maalin daran.
(136) 136. Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddaad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya.
(137) 137. Kanu ma aha waxaan aheyn caadadii dadkii hore (ee laga tagay).
(138) 138. Ma nihin kuwo la cadaabayo.
(139) 139. Way beeniyeen, markaasaan halaagnay. Arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
(140) 140. Hubaalna Rabbigaa (Allaah), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
(141) 141. Thamuud waxay beenisay Rusushii.
(142) 142. Markuu walaalkood Saalix ku yidhi: “Miyeydaan ka joogeyn (xumaha)?
(143) 143. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul Aamin ah.
(144) 144. Ee Ilaahay ka cabsada oo i adeeca.
(145) 145. Idinkuma weydiisto wax abaal gud ah (Dhambaalka Ilaahay), abaalgudkeygu waxaan ka sugayaa oo keliya (Ilaahay) Rabbiga uumanka.
(146) 146. Ma waxaa la idiinkaga tagi halkan idinkoo nabad ah?
(147) 147. Ku sugan beero iyo ilo.
(148) 148. Iyo dhir iyo geedo timir fiiddeedu bisayl tahay.
(149) 149. Oo aad ka qodataan guryo buuraha idinkoo isla weyn.
(150) 150. Ee iska jira (ciqaabka) Ilaahay ina adeeca.
(151) 151. Ha adeecina amarka xad gudbayaasha.
(152) 152. Ee ah kuwa fasahaadiya arlada oo aan hagaajin.
(153) 153. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran.
(154) 154. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah. Ee noo keen calaamo haddaad run sheegayso.
(155) 155. (Saalix) wuxuu yidhi: Tani waa Hal9; waxay u leedahay xaq inay cabto (biyo) maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan (biyo) maalin la yaqaan.
9. Hal Mucjiso ahaan loogu soo diray Calaamo ahaan ka timid xagga Ilaahay.
(156) 156. Ee ha ku taabannina wax xumaan (dhib) ah, yeysan idin qabane cadaab Maalin daran.
(157) 157. Waase dileen, markaasay ka shallaayeen.
(158) 158. Markaasaa waxaa qabtay cadaab. Arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
(159) 159. Hubaalna Rabbigaa (Allaah) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
(160) 160. Qoonkii Luud waxay beeniyeen Rusushii.
(161) 161. Markuu walaalkood Luud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (xumaha)?
(162) 162. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
(163) 163. Ee Ilaahay ka cabsada oo i adeeca.
(164) 164. Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Dhambaalka Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
(165) 165. Ma waxaad u tagtaan (galmootaan) labka oo aad kaga soocmaysaan arrinkaas Uumanka10.
10. Miyey jiraan wax ka mid uumanka Ilaahay aan idinka ahayn oo fala falkaa xun oo ah fal aan caadi ahayn?
(166) 166. Oo aad ka tagtaan wuxuu Rabbigiin idiin abuuray oo xaasaskiinna ah? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudba.
(167) 167. Waxay yidhaahdeen: Haddaadan joojin Luudow (baaqaagan)! Waxaad ka mid noqon kuwa debedda loo saaro.
(168) 168. (Luud) wuxuu yidhi: Anigu waxaan ka mid ahay kuwa diiddan ee neceb camalkiinna (xun).
(169) 169. Rabbiyow! iga badbaadi aniga iyo Ehelkaygaba waxay falaan.
(170) 170. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan.
(171) 171. Habar duqowday ma ahee11 ka mid aheyd kuwaasi ku haray gadaal(cadaabka).
11. Xaaskii Luud, taasoo kaalmeyn jirtey dadkeeda xun.
(172) 172. Markaasaan baabbi’innay intii kale.
(173) 173. Waxaan ku soo daadinnay roob (dhagxaan naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay.
(174) 174. Arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
(175) 175. Hubaalna Rabbigaa (Allaah), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
(176) 176. Reer Hawdkii (dadkii Madyan) waxay beeniyeen Rusushii.
(177) 177. Markuu Shucayb ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (Xumaha)?.
(178) 178. Waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
(179) 179. “Ee Ilaahay ka cabsada oo i adeeca.
(180) 180. Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Dhambaalka Ilaahay), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
(181) 181. Bixiya beeg dhan hana ka mid noqonnina kuwa wax ka dhima.
(182) 182. Oo wax ku miisaama Miisaan toosan.
(183) 183. Ha ka dhimina dadka waxyaala- hooda ay xaq u leeyihiin, oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada ku falid fasahaad.
(184) 184. Oo iska jira (ciqaabka Alle ee ah) Kan idin abuuray idinka iyo uumankii horeba.
(185) 185. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran12.
12. Waa haddii loo akhriyo “ minal mussaxariin” waxaa sidoo kale loo akhiryaa akhrin kale “ minal mussaxiriin” markaas mancaha waa kuwa wax sixra.
(186) 186. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, waxaana malaynaynaa inaad ka mid tahay beenlowyada.
(187) 187. Ee nagu soo rid jab samada ah haddaad run sheegi.
(188) 188. Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxaad fashaan.
(189) 189. Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, waxay aheyd cadaab Maalin daran.
(190) 190. Arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
(191) 191. Hubaalna Rabbigaa (Allaah) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
(192) 192. Oo hubaal, (Qur’aan)kani waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka.
(193) 193. Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay) .
(194) 194. Qalbigaaga (Nabi Muxammadow) si aad uga mid noqoto Digayaasha.
(195) 195. Isago af Carabi faseex ah.
(196) 196. Wuxuuna ku yaal Kutubtii dadkii hore (Towraadda iyo Injiilka baa lagu sheegay).
(197) 197. Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii Banii Israa'iil ogaayeen?
(198) 198. Haddaan ku soo dejin laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood13.
13. Macnaha waa aan ku soo dejin lahayn Qur’aanka cid kale aan Carab ahayn, ama si fiican u aqoon afka Carabiga oo aan faseex ahayn.
(199) 199. Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray14.
14. Mucjiso ahaan xagga Ilaahay.
(200) 200. Sidaasaan u galinnaa diiddada Xaqa quluubta dadka xun ee Denbiilayaasha ah.
(201) 201. Ma ay rumaynayaan jeeray arkaan cadaabka xanuunka badan.
(202) 202. Oo ugu imaan si kedis ah iyagoo aan fileyn.
(203) 203. Markaasay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno)?
(204) 204. Ee ma cadaabkayaga bay degdegsan?
(205) 205. Bal ka warran, haddaan u deyno inay raaxeystaan sanooyin.
(206) 206. Markaas uu u yimaado ciqaabka loogu gooddiyo.
(207) 207. Maxay u tari Waxa loogu raaxeeyey?
(208) 208. Ma jirto magaalo aan halaagno Annagoon marka hore u dirin Digayaal.
(209) 209. Si loo waaniyo, mana nihin kuwo ku gardarrooda (dadka).
(210) 210. Ma ayan keenin15 (Qur’aankan) Shaydaammada.
15. Siday yidhaahdaan gaalada, waxaase Alle Xaggiisa ka keenay malag Jabriil, Ruuxa aaminka ah oo ku soo dejiyey Nabi Muxammad.
(211) 211. Kumana habboona, mana leh awood (sheydaammada) inay isagoo kale keenaan.
(212) 212. Waa kuwo laga fogeeyey inay maqalaan (Qur’aanka)16.
16. Sida lagu xusay Suuradda 72: Aayadda 9.
(213) 213. Ha la baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Allaah si aadan uga mid noqon kuwa la cadaabayo.
(214) 214. U dig xigtadaada kuu dhow.
(215) 215. Oo u raarici garabkaaga ciddii ku raacda ee ka mid ah mu’miiinta.
(216) 216. Haddayse ku caasiyaan dheh: Anigu barii baan ka ahay waxaad fashaan.
(217) 217. Iskuna hallee oo talo saaro (Alle) Adkaadaha Sare, Naxariista Badan,
(218) 218. Ee ku arka markaad kaceyso17.
17. Markaad ka soo kacdo gogoshaada habeenkii si aad u tukato salaatu leyl adigoo keligaa ah.
(219) 219. Iyo gad-gaddoonkaaga dhexdood18 kuwaa u sujuuda (Allaah).
18. Adigoo ku dhex jira kuwaasi kula tukada jameeco ahaanta.
(220) 220. Hubaal (Allaah) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
(221) 221. Ma idiin sheegaa (dadow) kan ay ku soo degaan shaydaammada?
(222) 222. Waxay ku soo degaan beenaale kasta, denbiile ah.
(223) 223. Waxay dhigtaan dhegaha19, badankoodna waa beenlawyo.
19. Tani waxay ahayd ka hor inta aan arrinkaa laga mamnuucin shayaadiinta oo laga hor joogsan, sida ku soo aroortay Suuradda 72: Aayadaha 8-9.
(224) 224. Gabyaayadana waxaa raaca kuwaa habowsan.
(225) 225. Miyaadan arag inay tog kasta la wareegaan waxa ay ku wareersan yihiin (iyagoo ku ammaanaya dad run iyo beenba)?
(226) 226. Iyo inay sheegaan waxaysan falayn20.
20. Waxaa loola jeedaa in gabyaayada qaarkood iska tiriyaan gabayga iyagoo aan ugala jeedin khayr fidin, aan lahayn wax mowqif cad ah, iyagoo ku hadla been iyagoo aan wax kala saarin, wax iska ammaana ama caaya iyagoo uun raacaya hawadooda iyo danahooda.
(227) 227. Kuwa (Xaqa) rumeeyey mooyee oo samaha fala, oo xusa Allaah in badan, oo difaaca nafahooda (iyo mu’miniintaba) marka la dulmiyo kaddib21. Wayna ogaan kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) rogmasho noocee ah bay rogmi (Qiyaamada)22?
21. Ee ugu jawaaba gabay ahaan wax sheegga gabyaayada cadowga.
22. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: In laabta midkiin malax ka buuxsanto baa ka fiican inuu ka buuxsamo gabay.” Waa gabayada xun aan qiimaha lahayn.