(1) 1. Marka arlada la gilgilo gilgilashadeeda daran (Qiyaamada).
(2) 2. Arladuna soo bixiso culeysyadeeda (wixii ku aasnaa),
(3) 3. Aadmiguna (kan gaalka ahi) yidhaahdo: Maxay leedahay?
(4) 4. Maalintaas waxay ka warrami akhbaarteeda.
(5) 5. Inuu Rabbigaa u waxyooday darteed.
(6) 6. Maalintaas dadku wuxuu u soo dareeri rac rac si loo tusiyo (jazaha)acmaashooda.
(7) 7. Ee qofkii fala samaan le’eg saxar wuu arki
(8) 8. Qofkii fala xumaan le’eg saxar wuu arki.