4 - Suurada An-nisaa ()

|

(1) 1. Dadoow! Ka cabsada (Alle oo dhowra xilka uu idin saaray) Rabbigiin ee idinka abuuray naf keliya (Aadam), ee ka abuuray isla iyada lammaankeeda (Xawwaa), kana tafiirmay xaggooda rag tiro badan iyo haweenba; oo ka cabsada Allaah ee ah Kan aad isku weydiisataan (xuquuqdiinna), (dhowrana xaqa) qaraabada1. Hubaal Alle waa idin dhugtaa dhugasho joogto ah.
1. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: "Ma galo janno qof qaraabo goys ah".

(2) 2. Siiya agoomaha maalkooda, hana kaga beddelannina (waxyaalo) aan qiimo lahayn waxooda wanaagsan; hana ka hunguriyeynina maalkooda (idinkoo ku darsanaya) maalkiinna. Arrinkaa hubaal waa denbi weyn.

(3) 3. Haddaad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmi karin si caddaalad ah (gabdhaha) agoomaha ah, markaa guursada haween- kaa (kale) wixii idinla habboonaada, labo, seddex iyo afarba. Haddaadse ka cabsataan inaydaan caddaalad falin2 markaa (ku ekaada guursiga) mid keliya3 ama waxay gacmahiinnu midig hantaan4. Arrinkaa baa u dhow inaydaan dulmi falin.
2. Caddaalada waxaa loola jeedaa waxay u baahan tahay xaaska xagga masruufka, marashada, degaanka iyo hoyaadka, gogosha, iwm ee arrimaha muuqda ama qarsoon. 3. Islaamku wuu banneeyey guursiga wax ka badan hal xaas, wuxuuse ku xiray shuruud ay ka mid yihiin inuu qof u leeyahay awood inuu dhaqi karo oo dhaqaale u heysto, iyo inuu ogaado cadaaladda. Ka hor inta ayan soo degin Aayaddan way jirtay guurisga wax hal xaas ka badan , waxay xitaa anbiyo ilaahay isla guursadeen dumar aad u baan oo boqollaal gaara, laakiinse Aayaddan waxay oggolaatay inuu qofka guursan karo oo keliya ilaa afar xaas hadduu ka soo bixi karo shuruudda lagu xiray guursiga wax hal xaas ka badan. 4. Addoon iyo addoonsiga sidan ah ma jiro waqtigan bal waa laga mamnuucay caalamka, oo waxay jirtay waayihii hore.

(4) 4. Siiya haweenka meherradooda siismo waajib ah idinkoo ku niyad san, hadday se iyaga naf ahaantooda idiinka raalli noqdaan inay idiin daayaan wax ka mid ah (meherkaa), markaa ku qaata wanaag iyo cabsi la’aan.

(5) 5. Ha siinnina maalkiinna uu Allaah idiinka dhigay waxaad ku dhaqan tihiin makasta5, kase quudiya (faa’idooyinka ka soo baxa) oo uga arrad tira, kulana hadla hadal wanaagsan oo daacad ah.
5. Makas, waxaa halkan loola jeedaa agoonka aan qaan gaarin ama ninka aan si fiican u maamuli karin maalkiisa. Inkastoo uu yahay maalkooda, Allaah wuxuu ka dhigay wadar isagoo ina xusuusinaya in maalka oo dhan uu Isagu yahay kan bixiyey si loogu daryeelo ummadda wadar iyo waaxidba.

(6) 6. Imtixaama agoomaha ilaa ay ka gaaraan guur gal; haddaad ku aragtaan wax garadnimo, siiya maalkooda, hana u isticmaalina si xadgudub ah iyo ka degdegid intayna weynaan, qofkii hodan ah ha ka dhowrsado dhammaanti, qofkiise fiqiir ah, ha cuno si la garwaaqsan karo. Markaad u dhiibeysaanna maalkooda, u yeela markhaati iyagoo jooga; Allena ku filan inuu ahaado xisaabiye.

(7) 7. Ragga waxay qayb ku leeyihiin waxay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan (oo maal dhaxal ah). Haweenkuna waxay qayb ku leeyihiin waxay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan - ha yaraado ama ha badnaado; qayb cad.

(8) 8. Hadday joogaan qaybta qaraabo, agoomo iyo masaakiin (aan dhaxalka wax ku lahayn) wax ka siiya6, kulana hadla hadal san oo naxiiriis leh.
6. Siismo aan ka badnayn seddex meeloodoo meel maalka laga tagay ee dhaxalka. Waana in marka hore la bixiyo deymaha. Marka deymaha la bixiyo iyo wixii uu mowtanaha ka daraarmay, inta soo hartay baa waxaa loo qaybinayaa warasda si waafaqsan sharciga. Qof dhaxalka wax ku lehna oo warasada ka mid ah si gaar ah wax looguma dardaarmi karo.

(9) 9. Hana u baqaan (siday tooda ugu baqi lahaayeen) kuwaa (wakiillada agoomaha) hadday ka tagi lahaayeen ubad taag yar oo ay u baqaan. Ee ha ka cabsadaan Allaah, hana ku hadlaan hadal toosan oo abbaar ah.

(10) 10. Kuwa ku cuna maalka agoomaha xaq darro,waxay uun ku cuni caloolahooda dab, waxayna gali oo ku guban dab huraya.

(11) 11. Allaah wuxuu guddoonshay (sama fal iyo daryeelka) carruurtiinna, labku wuxuu leeyahay saami u dhigma labo dheddig7; haddayse yihiin haween labo ka badan, waxay leeyihiin saddex meelood labo meel wuxuu ka tagey mowtanaha ee dhaxal ah; hadday tahay mid keliya, waxay leedahay kala bar oo bar. Labadiisa waalid mid walbaa wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel waxa dhaxal laga tagey, haddii mowtanaha uu leeyahay ilmo, haddaanuse lahayn ilmo – oo ay dhaxlayaan (oo keliya) labadiisa waalid, markaa hooyadu waxay leedahay saddex meeloodoo meel; hadduu se leeyahay walaalo, hooyadi waxay leedahay lix meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka wuxuu ka dardaaramay8 ama deyn (lagu leeyahay). Ma ogidin aabbayaashiin ama ilmahiinna kooda idiinku dhow waxtar ahaan. Waa faral uu qaddaray Allaah9. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
7. Labku wuxuu leeyahay saamiga labo dheddig, waayo waajibaadka iyo xilalka saaran ninka baa ka weyn haweenta, sida bixinta meherka, masruufka iyo marashada reerkiisa, iwm. Eeg Suuradda An-Nisaa. 8. Isagoo aan ku waxyeeleyn cidna sida: a-Inuu ku dardaarmo wax ka badan seddex meeloodoo meel maalka dhaxalka. b- inuu dardaarmo isagoo ugala jeedo inuu yareeyo maalka warasada, xitaa hadduu ka dardaarmo wax ka yar seddex meeloodoo meel hadduu ugala jeedo inuu yareeyo xuquuqda warasada, taasina ma bannaana. 9. Waxaa loogala jeedaa saamiyada dhaxalka.

(12) 12. Waxaad leedihiin kala bar oo bar waxay ka tagaan xaasaskiinnu, haddaanay laheyn ilmo. Hadday se ka tagaan ilmo, markaa waxaad leedihiin afar meeloodoo meel waxay ka tagaan, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxay ka dardaarmeen ama deyn. ( Xaasaskiinnuna) saamigooda dhaxalka waa afar meeloodoo meel waxaad ka tagtaan haddaydaan laheyn ilmo, haddiise aad ka tagtaan ilmo waxay leeyihiin sidddeed meeloodoo meel waxaad ka tagtaan oo dhaxal ah, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxaad ka dardaaranteen ama deyn. Hadduu ninka ama haweenta dhaxalkiisu arrinta taagan tahay uusan laheyn waalidiin iyo carruur midna, ha yeeshee uu ka tagey walaal ama walaalley (xagga hooyada), midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel, haddiise ay intaas ka badan yihiin waxay wadaagi saddex meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa laga dardaarmay ama deyn, iyadoo dardaarankaa aan (cidna) lagu dhibeyn10. Waa Amar ka yimid Ilaahay, Allena waa wax kasta Oge, Dulqaad badan.
10. Inaad u dardaarantaan. Waayo oo keliya qaraabadaa lagu xusay aayadaha 11, 12 baa dhaxla saamiyo go’an. Arrinkani waa shardiga ku xiran dardaaran kasta. Hadduu xadgudub sameeyo mowtanaha, waa in dardaarankiisa aan la fulin, ama waa inuu hagaajiyaa fuliyaha dardaaranka. Eeg Q2: 182.

(13) 13. Kuwakani waa xuduudaha Ilaahay, qofkii adeecaa Allaah iyo Rasuulkiisa wuxuu gelin beero (Jannooyin) ay qulqulaan hoostoodu webiyo, oo ay ku dhex waari; waana taas liibaanta weyn.

(14) 14. Qofkiise ku caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa oo ka tallaaba xuduuddiisa, Wuxuu gelin Naar isagoo ku dhex waaraya; wuxuuna leeyahay cadaab dulleysa.

(15) 15. Kuwa la yimaada xumaan (zino) oo ka mid ah haweenkiinna, kaga dhiga marag afar idinka mid ah, hadday ku marag furaan11, markaa ku haya (haweenkaa zinada la yimid) guryaha ilaa uu mowdku ka oofsado ama uu Alle jid u yeelo12.
11. Markhaatiyada waa inay ku dhaartaan inay dhab ahaan arkeen ficilkaa oo lagu gudo jiro. 12. Inuu Allaah waddo u sameeyo waa tilmaan soo degidda suuradda An-Nuur, Q 24: Aayadda 2aad ee xadka zinada. Waxaana lagu nasakhay xukunka aayaddan. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: «Iga qaata: Labada bikrada ah aan horay u guursan ee zineysta ciqaabtoodu waa boqol jeedalid iyo ka saaritaan degaanka (xabsi sannad ah), labada wax soo guursatayna waa boqol jeedalid iyo dhagax lagu dilo.» W.w. Muslim

(16) 16. Labadii la yimaada xumaan13 ee idinka mid ah ciqaaba. Hadday toobad keenaan oo wanaagsanadaan ka jeesada xaggooda. Hubaal Allaah waa mid Toobad Aqbal badan, Naxariis Badan.
13. Badi mufasiriinta waxay ku fasiraan zinada, waxaa sidoo kale soo galaya ninka oo nin u taga iyo naagta oo naag u tagta.

(17) 17. Allaah sideedaba wuxuu aqbalaa toobada kuwa u fala xume aqoon darri (jahli)14, ee kolkiiba ka soo laabta, Kuwaa weeye kuwa uu Alle ka toobad aqbalo, Allena waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
14. Qof kastoo Allaah ku caasiya waa jaahil ilaa uu ka tago macsidaas.

(18) 18. Uma furna toobad kuwa isaga sii socda xume falidda ilaa markay geeri u timaaddo midkood uu yidhaahdo: Hadda ayaan toobad keen ahay, iyo kuwa dhinta iyagoo gaalo ah midna. Kuwaas waxaan u diyaarinnay cadaab xanuun badan.

(19) 19. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Idiin ma aha xalaal inaad u qaadataan haweenka dhaxal ahaan si khasab ah iyagoo dooneyn15, hana caddilana si aad uga qaadataan qaar ka mid ah waxaad siiseen inay la yimaadaan xumaan cad maahee. Oo ula dhaqma (haweenka) si fiican oo naxariis leh. Haddaad nacdaan waxaa suurowda inaad nacdaan wax, uu ka yeelo Allaah dhexdiisa khayr badan.
15. Aayaddan loola ma jeedo in dhaxlidda haweenka qasbid la’aan ay bannaan tahay hadday doonayaan. Waagii jaahiliyadda hadduu nin ka dhinto xaaskiisa, waxaa arka xigaaladiisa sida walaaki ama ina adeerki iwm inuu kaga xaq badan yahay xaaskiisa nin kale oo dhan, oo wuxuu ka ilaashaa qeyrki ha jeclaato ama yeysan jeclaan, hadduu jecleysto wuxuu ku guursadaa meherkii uu isagu doono isagoo aan iyada oggolaansho ka helin, hadduusan jecleysanna waa uu xayiraa oo uma guuriyo waxaan ahayn ninkii uu isagu doono, marmarna waxaaba dhici jirtay inuu u diido inay guursato ilaa ay wax ka siiso dhaxalkii ninkaa dhintay ay qaraabada yihiin ama meherkeeda, haddii kale inuusan u guurineyn. Aayaddan waxaa ku cad in ninka dhintay warasadiisa ayan uga xaq lahayn ragga kale guursigaa haweentiisa uu ka dhintay iyo dhaxliddeed, iwm.

(20) 20. Haddaad doontaan inaad ku beddelataan xaas meesheed xaas kale idinkoo siiyey middood buur dahab ah, ha ka qaadannina waxba haba yaraatee oo ka mid ah; ma waxaad ku qaadanaysaan masabbid aad masabbidataan iyo inaad u geysataan gef caddaan ah?

(21) 21. Sidee baad uga qaadaneysaan idinkoo isu tegey, oo ay idinka qaadeen axdi adag?

(22) 22. Ha guursannina haween ay aabbayaashiin guursadeen wixii horay u tegay ma’ahee. Arrinkani waa xumaan iyo wax aad loo naco, oo u xun jid.

(23) 23. Waxaa idinka xaaraan ah: Hooyooyinkiin16 iyo gabdhahiinna iyo walaalooyinkiin iyo eeddooyinkiin iyo habar yarihiin iyo gabdhaha walaalihiin iyo gabdhaha walaalooyinkiin iyo hooyooyinka idin nuujiyey iyo walaalooyinkiin idinla naas nuugay, hooyooyinka haweenkiinna, gabdhaha guryihiinna jooga17 oo ay dhaleen haweenkiinna aad u tagteen, Haddii aydaan u tagin ma jiro wax eed ah oo saaran korkiinna (inaad guursataan gabdhahooda), iyo xaasaska wiilashiinna ka yimid dhabarradiinna; iyo inaad labo walaalo ah kulmisaan mar keliya guur ahaan18, wixii horay u tegay ma’ahee; hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan19.
16. Hooyooyinkiin: sida hooyo, hooyo hooyadeed, ayeeyo hooyadeed, ku wad, gabadhahiinna : sida gabadha aad dhashay iyo wiilka aad dhashay gabadhi iyo gabadheed, ku wad, 17. Rabaa’ib gabdhaha xaasaskiinna ee gurigiinna jooga, waxay badi mufasiriinta qabaan inay sidoo kale soo galayaan rabaabita aan guryahooda joogin. 18. Islaamka ka hor. Kaddib markii uu Allaah soo dejiyey Aayaddan, waxaa la amray ragga inay sii daayaan dumarkaa aan xalaasha u aheyn sida xaaska aabbihi, hadduu isla qabo labo gabdhood oo walaalo ah waa inuu mid sii daayo, ama hadduu leeyahay xaasas tiro ahaan ka badan afar, waa inuu afar keliya ka doorto. Isla xukunkan oo kale baa saaran marka uu nin soo galo islaamka. 19. Ibnu Cabbaas a.k.r. wuxuu yidhi: Waxay toddobo ku xarrimantay xigto ahaan, toddobana xidid ahaan, sidoo kale cidda wax nuujisa iyo tan kula nuugta. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa ku reebban nuugmada naaska waxa ku reebban nasabka, waase inay ahaato shan nuugmo. Sidoo kale waxaa xaaraan ah guursiga haweeney la qabo.

(24) 24. Iyo dhammaan haweenka la qabo marka laga reebo waxay hantaan gacmahiinnu midig20. (Kani waa) waxa uu Allaah faral idiinka dhigay. Waxaa xalaal idiin ah (haween oo dhan) intaa aan ahayn21, waase inaad ku doontaan maalkiinna idinkoo ku qaadanaya guur oo aan dooneyn gaabsi. Ee kuwa aad guur ku raaxo gashaan, siiya meherradooda la gooyey; oo ma jiro wax eed ahi oo korkiinna ah waxa aad isaga raalli noqotaan waxa la gooyey kaddib22. Hubaal Allaah waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
20. kuwa ay midigtiinna hanato maahee, waxaa loola jeedaa kuwa ayan nimankooda qafaalka ku jirin, eeg Suuradda An-Nisaa: 3 21. Waxaan ahayn haweenka lagu xusay Suuradda An-Nisaa Aayadda 23. 22. Inuu kordhiyo ama naaqusiyo amaba uusan bixin meherkii lagu heshiiyey.

(25) 25. Ninkii idinka mid ah aanay ku jirin awooddiisa maal ku filan uu ku guursasdo mu’minadaha xorta ah, (wuxuu guursan karaa) kuwa ay hantaan gacmahiinna midig ee ah addoonadahiinna mu’minaadka ah23, Allaah isaga baa dhab u ogsoon iimaankiinna, qaarkiinba qaar bay ka soo (jeedaan). Ee ku guursada idanka ehelladooda oo u siiya meherradooda si la yaqaan; waa inay yihiin dhowrsanooyin, aan zino aqoon, oo aan yeelan saaxiibbo hoosaad; marka la guursado kaddib, hadday zino ka dhacdo, ciqaabta dushooda ah waa kala barka ciqaabta haweenka xorta ah (aan weli guursan). Arrinkani waxaa leh kan idinka mid ah oo ka baqa inuu ku dhaco denbi; oo inaad sabartaan baa idiin khayr badan, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
23. Shareecada islaamka way ku bannaan tahay guursiga addoonta markay kaamil noqoto shuruudda lagu guursan karo.

(26) 26. Allaah Wuxuu rabaa inuu idiin caddeeyo oo idinku hanuuniyo jidadka kuwii idin ka horreeyay, oo uu idinka toobad aqbalo, Allena waa wax walba Ogsoone, Xakiim ah.

(27) 27. Allaah Wuxuu rabaa inuu idinka toobad aqbalo, kuwase raaca shahwadooda, waxay rabaan inaad weecataan weecasho weyn.

(28) 28. Allaah Wuxuu rabaa inuu idinka fudeydsho culeysyadiinna, aadmigana waxaa la abuuray daciif ahaan.

(29) 29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ku kala cunina maalkiinna dhexdiinna xaq darro, inay tahay ganacsi (bannaan) aad raalli isaga tihiin mooyee. Hana dilina nafahiinna24 (hana is dilina). Hubaal, Allaah wuu idiin Naxariis Badan yahay.
24. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Nin baa waxaa soo gaaray dhaawac, markaasuu is dilay. Markaasuu Allaah kor ahaaye wuxuu yiri: Addoonkeyga wuxuu u sababay naftiisa geeri degdeg ah uu gacantiisa ku doontay , waa ka xaaraan jannada. W.w. Al-Bukhaari

(30) 30. Qofkii u falaa arrinkaa xadgudub iyo dulmi, waxaanu gelin Naar, arrinkaana Alle wuu u fudud yahay.

(31) 31. Haddaad ka fogaataan denbiyada waaweyn ee la idinka reebay, waxaan idin dhaafi denbiyadiinna (yar yar), waxaana idin gelin meel gelitaan sharaf leh (Janno).

(32) 32. Ha u hanqal taagina wuxuu Allaah dheereysiiyey qaarkiinba qaarka kale. Raggu waxay leeyihiin saamiga waxay shaqeystaan, haweenkuna waxay leeyihiin saamiga waxay shaqeystaan, weydiista Allaah Deeqdiisa. Hubaal, Allaah wax walba wuu Ogsoon yahay.

(33) 33. Mid walbaa Waxaan u yeelnay dhaxlayaal (dhaxla) waxa (hanti ah) ay waalidka iyo qaraabada dhow ka tagaan. Kuwase aad iskula gunti xirateen dhaarahiinna ballan (walaaltinnimo) siiya saamigooda (inaad wax u dardaarantaan gaar ah). Hubaal, Allaah wax kasta waa u marag shaahid ah.

(34) 34.Raggu iyagaa ka mas'uul ah haweenka, waxa u Allaah dheereysiiyey qaarkood (ragga) qaar (haweenka) darteed25, iyo masruufka (ragga) maalkooda ay ka baxshaan. Haweenka wanaagsan way adeecaan (nimakooda), ilaaliyaanna maqnaanasha ilaalinta Ilaahay darteed26. Kuwase aad ka cabsataan caasinimadoo- da, waaniya, (hadday wax ku qaadan waayaan waanada) ka goosta dhinac jiifka, (hadday taana wax ku qaadan markaa) garaaca (garaac aayar ah aan waxyeeleyn) 27, hadday idin adeecaan, ha u raadinnina jid aad wax ku yeeshaan. Allaah waa Sarreeye, Weyn.
25. Wuxuu Allaah ku waajbiyey ninka inuu wanaajiyo oo si fiican ula dhaqmo xaaskiisa. 26. Maalka ninkeeda, iyo dhowrsanaan- teeda iyo xafidaadda jirkeeda. 27. Nushuush, waxaa la yidhaahdaa haweenta oo ka tagto gudashada waajibaadka saaran, sida inay ka baxdo guriga idan la’aanta ninka ama u idinto inuu soo galo guriga qof uusan u idmin, iwm. Xalka u dambeeya waa garaacidda garaac aayar ah, ma bannaana inaad wax uga dhufato wejiga ama jir disho ama waxyeello u geysato.

(35) 35. Haddaad ka cabsataan kala go’ dhex mara (ninka iyo naagtiisa), markaa xil saara garsoore ka tirsan ehelkiisa iyo garsoore ka tirsan ehelkeeda, hadday rabaan heshiis, Allaah wuu is waafajin. Hubaal Alle waa wax kasta Ogsoone, Xog Ogaal ah.

(36) 36. Caabuda Allaah hana la wadaajinina cibaadada waxba, wanaajiyana labada waalid, qaraabada, agoomaha,masaakiinta, jaarka qaraabada ah, jaarka shisheeyaha ah28, saaxiibka ku dhinac jooga, musaafirka (go’doonsan)29, iyo kuwaa ay gacmahiinnu midig hantaan. Hubaal Allaah ma jecla mid kastoo islaweyn, faan badan.
28. Sokeeyaha iyo shisheeyaha, waxaa lagu fasiray meesha iyo qaraabannimada, waxaana jira culimo ku fasirtay qofka muslimka ah iyo qofka aan muslimka ahayn. Saaxiibka dhinacana waxaa la yidhi waa saaxiibka aad xiriirka wadaagtaan, sidoo kale waxaa lagu fasiray xaaska. 29. Ibnu Sabiil waa musaafirka aan safar u soo galin macsi darteed uu ka go’ay jiscinkii, waxaa soo galaya u axsaan falka iyo daryeelka ilmaha aan la garanayn aabbayaashood ee dib jirka ah.

(37) 37. Kuwaa ah bakhaylka oo ugu yeera dadka bakhaylnimada30, ee qariya waxa uu Alle siiyey ee ka mid ah Deeqdiisa. Waxaanu u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa.
30. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Nabigu s.c.w. yidhi: Maalin walba ay waabbariistaan aadmiga waxaa soo dega labo malag oo midkood leeyahay Allahayow sii qofka wax ku bixiyaa Arrinkaaga beddel wanaagsan, kan kalena wuxuu yidhaahdaa: Allahayow ka yeel maalka bakheyka mid talfa oo aan wax ugu turnaan (Al-Bukhaari).

(38) 38. Iyo kuwa u bixiya maalkooda (sadaqo ay ugala jeedaan) istuska dadka, aan rumeysnayn Allaah iyo Maalinta Aakhiro, qofkiina uu Sheydaan ku xiriiro; muxuu xiriir xun yeeshay.

(39) 39. Maxaana ka bi’i lahaa hadday rumeeyaan Allaah iyo Maalinta Aakhiro, oo wax ka bixiyaan waxa uu Allaah siiyey? Allena iyaga wuu og yahay.

(40) 40. Allaah ma dulmiyo wax saxar le’egba ha ahaatee, hadday wanaag tahayna, wuu labo laabaa, wuxuuna ka bixiyaa Xaggiisa Ajar Weyn.

(41) 41. Ee sidee (bay ahaan) markaan ka keenno ummad walba markhaati, oo aan ku keenno adiga si aad uga ahaato markhaati kuwan?

(42) 42. Maalintaas waxay jeclaan kuwa (Xaqa) diida oo caasiya Rasuulka in lala simo (liqo) dhulka, kamana qariyaan Alle waxna.

(43) 43. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Ha u dhowaannina salaadda idinkoo sarkhaansan31 jeer aad u kastaan (si wanaagsan) waxaad ku hadleysaan, ama idinkoo janaaba (qasli) qaba inaad jid gudbaysaan maahee jeer aad ka meyrataan. Haddaad tihiin kuwo buka ama safar ah, ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro, ama aad taabateen haween32, oo aydaan heli karin biyo, ku gagabeysta carro daahir ah, markaa ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan.
31. Isticmaalka khamrada si dhan baa loo xaaraanshay: eeg Q 5: 90-91 32. Culimada qaar waxay ku fasireen taabashadaas taabashada caadiga ah ee la isku taabto gacanta nin iyo naag, waxaa sidoo kale jira qaar ku fasiray jimaaca oo ah isu tagga ninka iyo naagtiisa - galmoodka waana sida xoogga badan.

(44) 44. Miyaanad u fiirsan kuwaa (Yuhuudda) laga siiyey qayb Kitaabka? Waxay iibsadaan habow, oo rabaan inaad ka luntaan Jidka Toosan (ee Islaamka).

(45) 45. Allaa yaqaan cadowyadiinna, waxaana ku filan Alle Wali idin xafida ahaan. Allena ku filan inuu ahaado Gargaare.

(46) 46. Qaar ka mid ah kuwaa heysta (diinta) Yuhuudiyadda (waxaa jira kuwo) ka duwa erayada meelahooda oo yidhaahda: Maqallay oo caasinnay, maqal, laguma maqashiiye eh, Raacinaa, iyagoo ku iilaya (kelmedda) carrabkooda oo ku duraya diinta, hadday odhan lahaayeen (taa beddelkeed): Waan maqallay waana adeecnay, maqaloo na soo day, baa u khayr badnaan lahayd oo u toosnaan lahayd, Alle baase ku lacnaday gaalnimadooda darteed, marka ma rumeeyaan wax yar maahee.

(47) 47. Kuwa la siiyeyow Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada)! Rumeeya waxaan soo dejinnay (Qur’aanka) ee rumeyn waxaad haysataan (Towraadda iyo Injiilka) ka hor inta aanaan malaasin wajiyo markaas aan u celin dhabarradooda dushoood, ama aan u nacladin sidaan u nacladnay Sabti-jabiyayaashii. Amarka Allena waa mid fula.

(48) 48. Allaah ma dhaafo in cid wax lala wadaajiyo, wuu se u dhaafaa waxa aan intaa ahayn qofkuu doono; qofkiina Alle wax la wadaajiya cibaadada, wuxuu been abuurtay denbi weyn33.
33. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Allaah wuxuu ku odhan qofka ugu cadaab fudud naarta gudaheeda. Haddii aad leedahay waxa arlada korkeeda ah oo dhan ma u bixin lahayd madax furasho ahaan si aad naftaada ugu xoreyso Naarta? Wuxuu odhan? Haa. Markaasuu Allaah kor ahaaye wuxuu ku odhan: Adigoo ku jira dhabarka Aadam, waxaan kaa dalbay wax taa wax badan ka yar : inaadan cidna iigu shariik yeelin cibaadada , waxaadse ku adkeysatay shirkiga (inaad ila wadaajiso cid kale cibaadada). w.w.Al-Bukhaari.

(49) 49. Miyaanad u fiirsan kuwaa (Yuhuudda iyo Nasaarada ee) ku ammaana nafahooda daahirnimo (waa inay yidhaahdaan waxaannu nahay ilmahii Ilaahay iyo kuwa uu jecel yahay). Mayee Allaah baa daahiriya qofkuu doono, lagamana dulmiyo kolay ku tahay wax le’eg xuubka ku dahaaran lafta timirta.

(50) 50.Fiiri, siday uga been sheegaan Alle, arrinkani baana ugu filan denbi cad.

(51) 51. Miyaadan arag kuwa la siiyey qayb ka mid ah Kitaabka (Yuhuudda)? Waxay rumeeyaan sixir iyo ilaahyo been ah, oo ka yidhaahdaan kuwa (xaqa) diida (mushrikiinta): kuwakani baa kaga hanuun- san jidka kuwa (Xaqa) rumeysan.

(52) 52. Kuwaas weeye kuwa uu Alle nacladay, qofkiina uu Alle naclado weligii uma heleysid gargaare (shafeece Aakhirada).

(53) 53. Mise waxay qayb ku leeyihiin Boqortoo- yada (Ilaahay)? markaase, ma ay siinayaan dadka kolay ku tahay xuubka ku dahaaran lafta timirta.

(54) 54. Mise waxay ku xasdaan dadka wuxuu Allaah siiyey oo ka mid ah Deeqdiisa? Waxaanse siinnay reer Ibraahiim Kitaabka iyo Xikmadda, waxaanuna siinnay boqortooyo weyn (waagii xukunkii Daawuud iyo Sulaymaan).

(55) 55. Marka waxaa ka mid ah mid rumeysan (Nabi Muxammad), waxaana ka mid ah mid ka jeesada; Naar baana ku filan inay gubto.

(56) 56. Kuwa rumeyn diida Aayadahayaga, waxaanu galin Naar. Mar kasta oo ay gebi ahaan ku gubtaan hargahoodu, waxaan ugu beddeli haragyo kale si ay u dhadhamiyaan cadaabka. Hubaal, Alle waa Adkaade, Xakiim ah.

(57) 57. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaanu galin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu qul-qulaan webiyo, iyagoo ku dhex waaraya weligood. Waxay leeyihiin gudaheeda xaasas daahir ah, waxaana gelinaynaa hoosas harac ah.

(58) 58. Allaah wuxuu idin amri inaad siisaan ammaanooyinka cidda iska leh, iyo in markaad u kala garsooreysaan dadka aad ugu kala garsoortaan caddaalad. Waxaa wanaagsan wuxuu Alle idinku waaniyo. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

(59) 59. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), iyo kuwaa idinka mid ah ee idiin haya talada. Haddaad wax isku qabataanna, u celiya Allaah iyo Rasuulka, haddaad rumeysan tihiin Allaah iyo Maalinta Aakhiro. Arrinkani baa khayr badan oo cidhib wanaagsan.

(60) 60. Miyaadan arag kuwa sheegta inay rumeysan yihiin waxa laguu soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey oo Waxyi ah hortaa? Waxay rabaan inay u xukunta- maan Shaydaanka iyagoo la amray inay ku gaaloobaan, wuxuuna rabaa Shaydaanka inuu lumiyo lumitaan fog.

(61) 61. Marka lagu yidhaahdo: U kaalaya wuxuu Allaah soo dejiyey oo Waxyi ah (Qur’aanka) iyo xagga Rasuulka (Nabi Muxammad), waxaad arki munaafiqiinta oo kaa jeesanaya jeedsaho muuqata.

(62) 62. Sidee se noqon markay ku dhacdo musiibo waxay gacmahoodu horey u geysteen awgii? markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaranaya Allaah: Ma aanaan dooneyn waxaan aheyn wanaag iyo towfiiq.

(63) 63. Kuwaa waa kuwa uu Alle og yahay waxa ku jira quloobtooda; ee iskaga jeeso waanina, oo kala hadal nafahooda hadal saameyn weyn leh.

(64) 64. Uma aanu soo dirin Rasuul waxaan aheyn in lagu adeeco Idanka Ilaahay. Hadday markay dulmiyeen nafahooda kuu imaan lahaayeen oo ay weydiisan lahaayeen denbi dhaaf Ilaahay, oo Rasuulku (sidoo kale) denbi dhaaf u dalbi lahaa; waxay heli lahaayeen Allaah oo toobad aqbal Badan, Naxariis Badan.

(65) 65. Mayee, waa igu Rabbigaaye, ma aysan rumeyn (dhab ahaan) jeer ay kaaga dhigtaan garsoore waxay isku qabtaan, markaasna ayan ka helin wax dhibsi ah nafahooda waxaad guddoomiso, oo ay u hoggaansamaan hoggaansamid dhan.

(66) 66. Haddaan ku faral yeeli laheyn (munaafiqintaa): Dila nafahiinna ama ka baxa guryihiinna (sidaan ugu faral yeelnay reer banii Israa’iil) ma ay faleen sidaas in yar oo ka mid ah maahee. Hadday fali lahaayeen waxa lagu waaniyo baa u roonaan laheyd, oo xoojin laheydna (iimaankooda);

(67) 67. Waxaan markaas ka siin laheyn Xaggayaga Ajar Weyn.

(68) 68. Waxaana ku hanuunin laheyn Jid Toosan (Islaamka).

(69) 69. Qofkii adeeca Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad), kuwan waxay ahaan la jirka kuwa uu u nicmeeyey Allaah, ee leh Nabiyada iyo run badnayaasha iyo shuhadada iyo wanaagsanayaalka, wanaagsanaa kuwaas oo lala noqdo rafiiq.

(70) 70. Kani waa Fadli xagga Ilaahay ah, kuna Filan Allaah inuu yahay wax kasta Oge.

(71) 71. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Qaata digtoonidiinna, oo u baxa (dagaalka) idinkoo koox koox ah, ama baxa oo duula giddigiin idinkoo wada jira.

(72) 72. Waxaa idinka mid ah mid isagu dib idiin dhiga. Hadday idinku dhacdo musiibo yidhaahda: Alle waa iigu nicmeeyay in aanaan goob joog la ahayn.

(73) 73. Haddaad ka heshaan fadli xagga Ilaahay, wuxuu odhan - sidiiyoo ayna idinka iyo isaga marnaba ka dhexeynin kalgacal: Alla aniguye! Haddaan la jiri lahaa, markaa waxaan liibaani lahaa liibaan weyn.

(74) 74. Ee ha ku dagaallamaan Jidka Ilaahay kuwa iibsha nolosha adduunkan oo siista Aakhirada, qofkii u dagaallama Jidka Ilaahay, markaa la dilo ama lib hela, waxaan siineynaa Ajar Weyn.

(75) 75. Maxaad u heysataan cudur daar inaydaan u dagaallamin Jidka Ilaahay, iyo dartood kuwaa tabarta daran ee la dulleysto oo leh ragga iyo haweenka iyo carruurtaba (oo ka mid ah) kuwa dhaha: Rabbigayow! Naga saar magaaladan ay dadkeedu yihiin daalimiinta oo nooga yeel Xaggaaga ilaaliye na xafida, oo nooga yeel Xaggaaga gargaare.

(76) 76. Kuwa (Xaqa) rumeysan waxay u dagaallamaan Jidka Ilaahay, kuwase ah xaq diidka waxay u dagaallamaan jidka Shaydaanka. ee la dagaallama xulufada shaydaanka; dabinka shaydaanku waa daciife.

(77) 77. Miyaadan arag kuwii lagu yidhi: Ceshada gacmahiinna34 oogana salaadda, oo bixiya Sakada, markase loo qoray inay dagaal galaan, mise koox ka mid ah waxay uga baqaan dadka siday tahay in looga baqdo Allaah ama baqdin ka daranba. Waxayna yidhaahdaan: Rabbigayow! Maxaad noogu faral yeeshay dagaalka? Haddaad noogu dib dhigi laheyd muddo yar? Dheh: Sahayda adduunkan waa wax gaaban. Aakhiradaana u khayr badan kan iska ilaasha (xumaha) laydinkamana dulmiyo wax xuub le’egna ha ahaatee.
34. Waxay ahayd intaan la soo dejin amarka jihaadka.

(78) 78. Meel kastoo aad joogtaan geeridu way idin haleeli, xitaa haddaad ku jirtaan daaro dhaadheer oo la adkeeyey. Hadday haleesho wanaag, waxay yidhaahdaan: Tani waa xagga Ilaahay. Haddiise ay ku dhacdo xumaan, waxay yidhaahdaan: Tani waa xaggaaga. Dheh: wax walba waxay ka yimaadaan xagga Ilaahay, ee maxaa ugu wacan dadkani in aanay ku soo dhowaanba inay fahmaan hadalka?

(79) 79. Wax kastoo ku haleela oo wanaag ah (Aadmigow) waa xagga Ilaahay, waxase kugu dhaca oo xumaan ah waa xagga naftaada. Waxaana kuu soo dirnay (Nabiyow) dadka Rasuul aad u ahaato, oo Allaah baa ku filan Markhaati uu ahaado.

(80) 80. Qofkii adeeca Rasuulka (Nabi Muxammad), wuxuu Adeecay Allaah, qofkii jeesadana, Annagu kuuma aanu soo dirin ilaaliye inaad ka ahaato (dadka) dushood.

(81) 81. Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Daacad (baa nahay). Markase ay ka tagaan agtaada, koox ka mid ah waxay goostaan habeenkii waxaan aheyn oo ka duwan waxaad tidhaahdo. Allena wuu qoraa waxay goostaan habeenkii. Ee ka jeeso, oo isku hallee Allaah oo talo saaro. Allena ku filan wakiil uu ahaado.

(82) 82. Miyeynan u dhug yeelaneyn Qur’aanka? Hadduu ka imaan lahaa cid aan aheyn Allaah, waxay ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan.

(83) 83. Markuu u yimaado war la xiriira nabad ama cabsi, waxay ku faafiyaan debedda, hadday u celin lahaayeen Rasuulka (Nabi Muxammad) ama kuwa talada u haya oo ka mid ah, waxaa ogaan lahaa kuwaa ka mid ah ee sal gaari kara. Haddaanu Fadliga Ilaahay korkiinna ahaan lahayn iyo Naxariistiisa, waxaad raaci laheydeen Shaydaanka in yar oo idinka mid ah ma’ahee.

(84) 84. Ee ku dagaallan Jidka Ilaahay, xil kaama saarna (oo lagu weydiin maayo) waxaan naftaada ahayn, oo ku guubaabi mu’miniinta inay geesinnimo muujiyaan. Waa intaasoo Allaah idinka qabto dagaalka kuwa gaaalada ah. Alle baana Baas Badan, oo ku daran inuu dhigo ciqaab lagu dersin qaato.

(85) 85. Qofkii ku garab siiya (qof kale) arrin wanaagsan wuxuu leeyahay qayb ka mid ah (wanaaggeeda), qofkiise ku garab siiya (qof kale) xumaan wuxuu leeyahay qayb culeyskeeda (dambigeeda) ah. Alle baana wax walba dhowra oo shaahid ka ah.

(86) 86. Marka la idinku salaamo salaan, ku salaan naqa mid ka wanaagsan ama ku naqa salaan (la mid ah). Hubaal, Allaah baa haya xisaabta wax kasta oo la falo.

(87) 87. Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wuxuu idin soo kulmin Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro. Yaa ka run sheeg badan Alle oo hadla.

(88) 88.Muxuu yahay arrinkiinnu oo aad ugu qaybsanteen labo kooxood xagga munaafiqiinta?35 Isagoo Alle uu dib ugu celiyey (gaalnimo) waxay kasbadeen darteed (oo dambiyo ah)? Ma waxaad dooneysaan inaad hanuunisaan mid uu Alle lumiyey? Qofkiina uu Alle lumiyo, uma heleysid marnaba jid (uu ku hanuuno).36
35. Koox ka mid ah mu’miniinta ee difaacayey munaafiqiinta iyo koox ka mid ah mu’miniinta ee colaadinayey. 36. Waxaa la soo weriyey in Carabta qaarkood ay ugu yimaadeen Rasuulka s.c.w. Madiina, markaasay isalaameen, kaddib waxaa ku dhacay xummadii Madiina, markaasay u laabteen gaalnimadii oo ka baxeen Madiina. Waxay la kulmeen qaar ka mid ah asxaabtii Nabiga s.c.w. markaasay asxaabtii waxay weydiiyeen sababta ay uga soo baxeen Madiina. Markaasay waxay u sheegeen inay ku dhacday xumaddii Madiina. Asxaabtii waxay yidhaahdeen: Oo maxaad tusaale ugu qaadan weydeen Rasuulka Alle s.c.w., markaasay asxaabtii u qaybsameen labo kooxood: koox arkay inay yihiin kuwaa munaafiqiin iyo koox aragta inay weli yihiin muslimiin. Markaasay soo degtay Aayaddan ka canaaneysa muslimiinta inay ku qaybsamaan arrinkooda, oo amreysa inay qafaashaan oo laayaan Carabta saxaraha deggan haddii aanay u soo haajirin Madiina iyo inay iyagu la mid yihiin mushirkiinta kale.

(89) 89. Waxay doonayaan inaad u gaalowdaan siday u gaaloobeen oo sidaas darteed aad isku mid u wada noqotaan. Ee ha ka yeelannina xaggooda xulufo jeer ay uga soo haajiraan (guryahooda) Jidka Ilaahay darti. Haddiise ay diidaan, markaa qab qabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, hana ka yeelannina xaggooda sokeeye iyo gargaare midna.

(90) 90. Waxaan aheyn kuwaa gaaraya qolo idinka iyo iyaga uu u dhexeeyo heshiiis (nabadeed), ama kuwo idiin yimaada iyagoo ay ka ciriiryoon tahay laabahooda inay idinla dagaallamaan ama la dagaallamaan qolodooda. Hadduu doono Allaah, wuu idinku salladi lahaa, wayna idinla dagaallami lahaayeen, ee hadday idinka fogaadaan oo aanay idinla dagaallamin oo ay idiin soo bandhigaan nabad, markaa Alle idiinma furin wax jid ah (idinka aad kula dagaallantaan).

(91) 91. Waxaad heli kuwo kale oo raba inay idinka nabad galaan oo ka nabad galaan qolodooda. Mar kasta oo dib loogu celiyo fidmo waxay isugu tuuraan madaxmadax. Ee haddaysan idinka fogaan oo idiin soo bandhigin nabad, oo aanayna laaban gacmahooda, markaa qabqabta oo ku dila meeshaad ka heshaanba, kuwan waxaan idiin siinnay ka hor taggood xujo cad.

(92) 92. Uma habboona mu’min inuu dilo mu’min si gef ah ma’ahee, qofkii u dila mu’min si gef ah (waxaa saaran) xoreyn addoon mu’min ah iyo diyo la siiyo ehelkiisa, inay iska cafiyaan maahee sadaqo ahaan. Haddiise kan (la dilay) uu ka mid yahay qolo cadowgiin ah isaguna yahay mu’min xorayn addoon mu’min ah (baa ku filan), hadduu ka mid yahay qolo heshiis idiin dhexeeyo (waxaa saaran) diyo la siiyo ehelkiisa iyo xoreyn addoon mu’min ah. Qofkiise aan helin (addoon uu xoreeyo) waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah37, eed siin xag Ilaahay. Allena waa Wax walba Oge, Xakiiim ah
37. Labo bilood aan kala go’ lahayn marka laga reebo wixii cudur daar leh sida marka ay soo gasho bisha Ramadaan, ama labada maalmood ee ciidda, ama xagga dumarka markuu ku dhaco xayl, iwm.

(93) 93. Qofkii u dila mu'min si kas ah, ciqaaabtiisu waa Naar, uu ku dhex waari weligii, Allena wuu u cadhoon, oo nacladi, wuxuuna u diyaariyey cadaab daran.38
38. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofka mu’minka ah wuxuu ku sugnaan khayr xagga diintiisa marba haddii uusan galin denbiga ah inuu qof ku dilo xaq darro.” Wuxuu sidoo kale yidhi: Adduunka oo rogmada yaa ka sahlan Allaah agtiisa dil qof Muslim ah.

(94) 94. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad u baxdaan (dagaal) Jidka Ilaahay ah, wax hubsada, hana ku odhannina qofkii idiin soo bandhigay nabad: ma tihid mu‘min. Ma waxaad doonaysaan alaabada noloshan adduunka! Waxaase Allaah agtiisa ah khayr iyo qaniimooyin tiro badan. Sidaasaad ahaydeen idinkuba intan ka hor, markaasuu Alle ku manneystey khayr dushiinna, ee wax hubsada. Hubaal Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.

(95) 95. Ma ay sinna kuwa ka jooga (jihaadka) ee ka mid ah mu'miniinta iyagoo aan qabin wax dhib ah iyo kuwaa kula jihaad gala Jidka Ilaahay maalkooda iyo Nafahoodaba. Alle wuxuu ka yeelay kuwa kula jihaad gala maalkooda iyo nafahooda inay dheeraadaan kuwa ka jooga (jihaadka) darajo (sare). Dhammaanna wuxuu Allaah u ballan qaaday wanaag; wuxuuna Allaah kaga faddali kuwa jihaada kuwa ka jooga (Jihaadka) Ajar Weyn.

(96) 96. Derejooyin (sare) oo Xaggiisa ah, iyo asturaad iyo Naxariiis. Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(97) 97. Kuwa ay oofsato malaa’igtu iyagoo dulminaya nafahooda (inay dhex degeen gaalada oo ka soo haajirin darteed), waxay (ku) odhan: Maxaad ku sugneydeen oo xaal ah? Waxay odhan: Waxaanu ahayn kuwo tabar yar dhulka gudahiisa. Waxay odhan: Miyaaney ahayn arlada Ilaahay mid ballaaran oo aad ku haajiri karteen?39 Marka waa kuwan kuwa hoygoodu yahay Naar, oo u xun aaye iyo meel la ahaado.
39. Inaad doorato inaad ku dhex noolaato gaalo, adigoo awooda inaad ka soo haajirto degaan uu qofku muslimka ku awoodin inuu ugu dhaqmo diintiisa si xorriyad leh. Muslimiintii Makkah aan la soo haajirin Nabiga s.c.w. iyagoo awooda, waxaa laga dulmiyey xagga gaalada, waxayna ku qasbeen inay u soo raacaan dagaalkii Badar, markaasaa qaar la dilay oo waxaa haleelay fallaarahii dagaalka.

(98) 98. Marka laga reebo kuwa daciifka ah oo leh ragga iyo dumarka iyo carruurtaba oo aan xeelad lahayn, oo aan heli karin jid (loo baxsado).

(99) 99. Kuwaa waa intaasoo uu Alle iska cafiiyo, Allena waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan.

(100) 100. Qofkii u soo haajira Ilaahay Darti, wuxuu ka heli dhulka meelo badan oo magan gal leh iyo risiq waasic ah. Qofkii ka soo baxaa gurigiisa isagoo u ah muhaajir xagga Ilaahay iyo Rasuulkiisa oo markaas mowdku helo, wuxuu ajarkiisu saaran yahay Allaah. Allena waa Denbi Dhaaf badane, Naxariis Badan.

(101) 101. Haddaad ku socdaashaanna dhulka, idin ma saarna eed haddaad soo gaabisaan salaadda40, haddaad ka cabsataan inay dhibaato idiin geystaan gaalada, hubaal, gaaladu waxay idiin yihiin cadow cad.
40. Waqtiyada cabsida ee la joogo goobta dagaalka. Siduu ahaa dhaqanka Rasuulka iyo asxaabtiisa waxaa ku cad in cabsidu ahayn sabab lagu soo gaabiyo salaadda, waxaa la soo gaabin markaad ka soo safarto degaankaagii. Afarta rakcadood waxaa lagu soo koobaa labo rakcadood.

(102) 102. Markaad dhex joogto, oo aad u oogto salaadda, ha kula istaagto koox ka mid ah, hana qaateen hubkooda, markay sujuudaan ha aadeen gadaashiinna, oo koox kale oo aan weli tukan ha timaaddo horay hana kula tukadeen, oo ha qaateen digtoonidooda iyo hubkooda. Waxay doonayaan kuwa gaalada ahi inaad moogaataan hubkiinna iyo qalabkiinna oo ay markaas idiin soo weeraraan mar keliya (si kedo ah), mana aha korkiinna wax eed ah hadday idin haysato dhib roob ama aad tihiin kuwa buka inaad dhigtaan hubkiinna, qaatana digtoonidiinna. Hubaal, Alle wuxuu u diyaariyey gaalada cadaab dulleysa.

(103) 103. Markaad gudataan salaadda, xusa Alle joog iyo fadhi iyo idinkoo u jiifaba dhinacyadiinna, Markase aad nabad degtaan, u ooga salaadda si wanaagsan. Hubaal, salaadda waxay ku tahay mu’miniinta waajib leh waqtiyo go’an.

(104) 104. Ha ka qalbi dabcina dabagalka qoloda (cadowga ah); haddaad idinku dareentaan xanuun, iyaguba (sidoo kale) waxay dareemaan xanuun sidaadba u dareentaan xanuun, waxaadna ka rajaysaan Alle wax aanay rajaynin, Allena waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.

(105) 105. Waxaanu kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si xaq ah, si aad ugu kala xukunto dadka dhexdooda waxa uu Allaah ku baray, hana noqon qareen u dooda khaa’imiinta.

(106) 106. Weydiisana Denbi Dhaaf Ilaahay, Hubaal, Allaah waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan41.
41. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan maqlay Rasuulkii Alle s.c.w. oo leh: Wallaahi, Waxaan denbi dhaaf weydiistaa Alle oo u toobad keenaa wax ka badan toddobaatan jeer maalintii.» (Al-Bukhaari)

(107) 107. Hana u doodin kuwa khiyaameeya nafahooda. Hubaal, Alle ma jecla mid kastoo ah khaa’in, denbiile.

(108) 108. Waxay ka qariyaan (niyooyinkooda iyo camalladooda xun) dadka, kamase qarin karaan Allaah, wuuna la jiraa (kula joogaa Cilmigiisa) markay ku caweeyaan habeenkii hadal uusan raalli ka ahayn, Allena wuu koobaa waxay camal falaan.

(109) 109. Eega! Idinka weeye kuwa (ay dhici karto) inay u doodaan noloshan adduunka, ee yaa uga doodi Allaah agti Maalinta Qiyaamaha, ama u noqon wakiil difaaca?

(110) 110. Qofkii fala xumaan ama dulmiya naftiisa (dambaaba), markaas weydiista Denbi Dhaaf Ilaahay, wuxuu heli Alle oo ah Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(111) 111. Qofkii gala denbi, wuxuu u galaa oo keliya dhibaateynta naftiisa oo isagay ka go'an tahay. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

(112) 112. Qofkii kasbada gef ama denbi, markaas ku eedeeya mid aan waxba galabsan42, wuxuu xambaartay been abuurasho iyo denbi iska cad.
42. Aayaddan iyo Aayadaha ka dambeeya waxay ku soo degeen waxa uu falay ducmah ee inta wax xaday ku qarshay guri nin Yuhuud ah uu leeyahay, markaasuu inkiray oo yidhi waxaa xaday Yuhuudiga , markaasay xigtadii ducmah u sheegeen Nabiga s.c.w. oo ka dalbeen Nabiga s.c.w. inuu difaaco ducmah, oo xukumo Yuhuudiga, iyagoo ku qiray inuu kan wax xaday yahay Yuhuudiga, wuxuu Nabigu s.c.w. ku sigtay inuu rumeysto hadalka ducmah qaraabadi iyo masabbishadoodii Yuhuudiga.

(113) 113. Hadduusan jirin Fadliga Ilaahay korkaaga iyo Naxariistiisa, waxay ku hammin lahayd koox ka mid ah inay ku marin habaabiyaan, mase marin habaabiyaan waxaan aheyn nafahooda, waxnana kuma yeeli karaan.. Wuxuuna Alle kugu soo dejiyey (Nabiyow) Kitaabka iyo Xikmadda oo ku baray wax aadan horay u aqoon. Fadliga Alle ku siiyeyna waa mid weyn.

(114) 114. Kuma jiro wax khayr ahi wax badan oo faqooda ah marka laga reebo mid amra sadaqo ama wanaag, ama kala maslaxid dadka, qofkiina fala sidaas isagoo doonaya Raalli gelinta Ilaahay, Waxaanu siin abaalgud weyn (Janno).

(115) 115. Qofkii khilaafa Rasuulka kaddib inta uu u caddaaday hanuunka oo raaca waxaan aheyn jidka mu'miniinta. Waxaan u jeedin waxaas uu isagu (naf ahaantiisa) u jeestay, oo galin Naar, oo u xun meel la ahaado iyo aayo tiin.

(116) 116. Allaah ma dhaafo in wax uun lala wadaajiyo (cibaadada), wuxuuse u dhaafaa waxa aan (shirki, iwm) ahayn qofkuu doono. Qofkiina la wadaajiya wax uun Alle (cibaadada), wuxuu lumay lumid fog.

(117) 117. Ma la barbar caabudaan waxaan ahayn sanamyo magacyo dheddigood leh, mana caabudaan waxaan aheyn Shaydaan fallaago ah.

(118) 118. Alle uu Nacladay. (Shaydaanna) wuxuu yidhi: Waxaan ku yeelan addoomahaaga qayb go'an;

(119) 119. Waana habaabin oo gelin hididdiillooyin been ah; oo amri (xumaanta) sidaas darteed waxay jeexjeexi dhegaha xoolaha 43, oo waan amri sidaas darteed waxay doorin abuurka Ilaahay44. Qofkiina ka dhigta shaydaan sokeeye halkii Allaah, wuxuu khasaaray khasaare caddaan ah.
43. Carabtii jaahiliga ahayd waxay qabeen in xoolaha loo hibeynayo asnaamta, la gooyo dhegahooda, xoolahaana ma bannaana in la fuulo ama la isticmaalo oo waa in la iska daayo oo la xarig furo. 44. Waxaa suura gal ah in loola jeedo beddelidda abuurka ilaahay calaamadaha jirka lagu qoro, washamka, in xoolaha la dhuufaano ama waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa beddelidda diinta Ilaahay.

(120) 120. Wuxuu u ballan qaadaa oo geliyaa hiddidiillooyin been ah, mana u ballan qaado shaydaan waxaan dhagar ahayn.

(121) 121. Kuwan hoygoodu waa Naar, kamana helaan xaggeeda meel ay ka hirgalaan.

(122) 122. Kuwa se (xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaan galin Beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Waa Ballan Ilaahay oo Xaq ah. Yaa ka run badan Allaah Hadalkiisa (cidna).

(123) 123. Ma aha hididdiillooyinkiinna45 iyo hididdiillooyinka ehlu Kitaabka midna, qofkii falaa xumaan, waa laga goyn, mana u helayo naftiisa Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
45. “Kum” halkan waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa muslimiinta, sidoo kale waxaa la yidhi waxaa loola jeedaa gaalada mushrikiinta ah, gunta Aayddana waxaa weeye in abaalgudka aakhiro aan lagu helin ididdiilo iyo iska rajeyn, laakiinse lagu helo iimaanka iyo sama falka.

(124) 124. Qofkii fala camallo wanaaagsan lab ahaayaa ama dheddig oo mu'min ah, waxay kuwan geli Jannada, lagamana dulmiyo xuub laf timireed wax le’eg.

(125) 125. Yaa ka diin fiican mid isu wada dhiiba Allaah isagoo sama fale ah oo raaca diintii Ibraahiim, toosnihii. Wuxuuna Alle ka yeeshay Ibraahiim saaxiib u gaar ah.

(126) 126. Allaah baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Allena waa wax walba koobe.

(127) 127. Waxay ku weydiin xukun ku saabsan haweenka (iyo maalkooda dhaxalka ah), dheh: Allaah baa idiin sheegi xukunka arrinkooda46, iyo arrinka waxa la idiinku akhriyo Kitaabka oo ku saabsan gabdhaha agoomaha ah oo aydaan siin saamiyadii loo gooyey (ee dhaxalka, idinkoo dooneyn inaad guursataan, una diidaya inay guursadaan rag kale damac idiinka jira maalkooda darteed, marka waa inaydaan sidaasi yeelin )47, xagga arrinka kuwa tabarta yar ee ka mid ah carruurta (waa inaad siisaan xuquuqdooda) iyo inaad ku dhaqdaan caddaalad agoomaha. Waxaad fashaan oo khayr ahna, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.
46. Eeg Suuradda An-Nisaa Aayadda : 3. 47. Caadada Carabta waagii jaahiliyadda waxay ahayd in waliga uu xaq u leeyahay inuu guursado gabdhaha agoomaha ee mas’uulka uu ka yahay, iyo inuu xaq ku leeyahay maalkooda. Hadday qurxoon tahay wuu guursanayey, si uu wax uga qaato maalkeeda , haddayse fool xun tahay waa uu diidaa inay guursato nin kale si uu u hanto maalkeeda. Aayaddani waxay reebtay arrintaas.

(128) 128. Hadday haweeney ka cabsato fogaansho48 ama jeedsasho Xagga ninkeeda ah, ma jiro eed korkooda ah, hadday ka heshiiyaan dhexdooda heshiis, heshiiska baana khayr badan, nafaha Aadmigana waxaa lagu laray masuugnimo. Haddaadse samo fashaan oo iska ilaalisaan (xumaha), Allaah waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
48. Eeg macnaha nushuush ee xagga afada sharaxa suuradda An-Nisaa Aayadda 34. Nushuushka ninka waa inuu si qallafsan ula dhaqmo xaaska oo ku adadkaado, iyo inuu diido inuu u tago oo u galmoodo, oo uusan siin masruuf iyo marasho.

(129) 129. Ma kartaan inaad sameysaan caddaalad dhan (xagga jaceylka) xaasaska dhexdooda si kasta oo aad u dadaashaan ee ha ka iilannina (middood) iilasho dhan, oo aad markaas ka tagtaan sidiiyoo ay tahay mid lalmata (dayacan). Haddaad wax wanaajisaan oo iska ilaalisaan (xume), Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(130) 130. Haddiise ay kala tagaan, wuxuu Allaah ku kaafin mid walba wax ka mid ah Deeqdiisa. Allena waa Waasic (Fadligiisu) ballaaran yahay, Xakiim ah.

(131) 131. Allaah baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waxaana u dardaarannay kuwii la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey iyo idinkaba inaad ka cabsataan Alle (oo dhowrtaan xilkuu idin saaray), haddaadse Xaqa diiddaan, hubaal Alle baa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, Allena waa Hodan, Ammaanan.

(132) 132. Allaah baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Kuna filan Alle Wakiil ahaan.

(133) 133. Hadduu doono, Wuu idin tagsiin, dadow, oo keeni kuwo kale. Allena wuu Kara inuu sidaa yeelo.

(134) 134. Qofkii raba abaalka adduunyadan, Allaah baa haya abaalka adduunyadan iyo Aakhiradaba. Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

(135) 135. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo u taagan caddaaladda oo u marag fura Ilaahay darti uun, nafahiinnaba lidkeed ha ahaatee ama waalidkiin ama qaraabada, hadduu yahay hodan ama faqiirba, Allaah baa ka mudnaansho badan oo dantooda yaqaan. Ee ha raacina hawada nafta si aydaan uga iilan (xaqa), haddaadse iilataan ama jeesataan49, Allaah waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
49. Waxaa Nabiga s.c.w.la weydiiyey dunuubta waaweyn ee lagu halaagsamo. Wuxuu yidhi: waa Shirkiga, ku caasinta waalidka, dilka xaq darrada ah iyo markhaati beenaadka.” W.w. Al-Bukhaari

(136) 136. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Kitaabka (Qur’aanka) uu ku soo dejiyey Rasuulkiisa, iyo Kitaabka uu hore u soo dejiyey, qofkiise rumeyn diida Allaah iyo Malaa’igtiisa iyo Kutubtiisa iyo Rusushiisa, iyo Maalinta Aakhiro, wuxuu lumay lumid fog.

(137) 137. Kuwa rumeeya, haddana gaalooba, haddana rumeeya (mar kale), haddana (mar kale) gaalooba, markaas sii kororsada gaalnimo; Alle ma cafin doono, kumana hanuunin doona Jid (Toosan) .

(138) 138. Ugu bishaaree munaafiqiinta inay leeyihiin cadaab xanuun badan.

(139) 139. Kuwa ka dhigta gaalada sokeeye50 halkii mu’miniinta, ma waxay ka doonayaan ciso (iyo sharaf) xaggooda? Hubaal, Allaah baa iska leh Ciso oo dhan.
50. Sida faafinta asraarta mu’miniinta iyo gaarsiinta arrimahooda gaalada ama inay marka ay ka bar bar jihaadayaan mu’miniinta hagradaan, iwm

(140) 140. Wuxuuna idiinkugu soo dejiyey Kitaabka in markaad maqashaan Aayadaha Ilaahay oo la beeninayo ama lagu jeesjeesayo, ha la fadhiisannina iyaga, ilaa ay ka galaan hadal kale aan kaa aheyn, haddii kale waxaad noqoneysaan iyagoo kale; hubaal Allaah wuxuu ku soo kulmin munaafiqiinta iyo gaalada oo dhan Naar gudaheed.

(141) 141. Kuwa idin la suga (dhibaato idinku dhacda); markaad guul ka heshaan xagga Ilaahay, waxay yidhaahdaan: Miyaanaan idin la jirin? Haddayse gaaladu lib yeelato, waxay yidhaahdaan, Ma waanaan idin adkeynin oo aan idinka celin mu’miniinta? Marka Alle baa idin kala xukumi dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha. Allena kama siinayo gaalada jid mu'miniinta.

(142) 142. Munaafiqiintu51 waxay (u heystaan inay) dagayaan Allaah, Isaga baase daga. markayna u kacaan salaadda, waxay kacaan iyagoo wahsi ku jiro, waxay istusaan oo keliya dadka, mana xusaan Allaah wax yar ma’ahee.
51. Allaah wuxuu u daayey sheegashadooda inay yihiin mu’miniin, sidaa darteed baa loola dhaqmay dhaqanka ehlu iimaanka adduunyada, wuxuuse Allaah u diyaariyey Naar khiyaanada iyo mukurgooda awgi.Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaad arki doontaa kuwa ugu xun dadka dhexdooda inay yihiin labo wejiilayaasha ee ula taga kuwaasi weji, kuwaasna weji kale.” W.w. Al-Bukhaari

(143) 143. Waxay kala dhex wareegaan kuwaas (gaalada) (iyo kuwan), oo kama tirsana kuwan, iyo kuwaa midna, qofkiina uu Alle lumiyo, uma heli doontid jid isaga.

(144) 144. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka yeelannina gaalada sokeeya halkii mu’miniinta. Ma waxaad dooneysaan inaad iskaga yeeshaan Allaah xujo cad?

(145) 145. Munaafiqiintu52 waxay ahaan dabaqa u hooseeya ee Naarta; umana heli doontid gargaare.
52. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii kastoo leh tilmaamahan afarta ah waa munaafaq dhan: Markii la aamino, khiyaanaa ku soo baxda, markuu warramo wuxuu sheegaa been, markuu ballan galo, wuu ka baxa ballanka, markay cid doodaanna wuu caytamaa.”

(146) 146. Marka laga reebo kuwa toobad keena oo wanaagsanaada, oo qabsada (Kitaabka) Ilaahay (iyo Sunnada Rasuulkiisa), una keli yeela cibaadadooda Alle, kuwaa waa la jirka mu’miniinta. Wuxuuna Allaah siin mu’miniinta Ajar weyn.

(147) 147.Muxuu Allaah ku falayaa caddibaadiin- na haddaad mahdisaan oo rumeysaan? Allena waa tixgeliye camalkii darti loo qab- taa, abaal gud fiican bixiya, Wax kasta Og.

(148) 148. Alle ma jecla ku dhawaaqa hadalka kiisa xun, mid maahee uu yidhaahdo qof la dulmiyey (oo dacwoonaya).Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

(149) 149. Haddaad u fashaan khayr si caddaan ah ama qarsoodi, ama aad iska cafidaan xume- haddaba Alle waa Cafis Badane, Awood Badan.

(150) 150. Kuwa rumeyn diida Allaah iyo Rusushiisa (iyo kuwa) raba inay kala geeyaan Allaah iyo Rusushiisa oo yidhaahda, Waxaan rumayn qaarkood, diidina qaar kale, rabana inay qaadaan jid u dhexeeya (labadaa).

(151) 151. Kuwaa weeye kuwa run ahaan ah gaalo. Waxaana u diyaarinnay gaalada cadaab dulleysa.

(152) 152. Kuwase rumeeyey Allaah iyo Rusushiisa oo aan ka soocin midkoodna ka mid ah oo ka saarin, kuwaas wuxuu Alle siin ajarradooda, Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

(153) 153. Ehlul Kitaabka (Yuhuudda) waxay ku weydiin inaad kaga soo dejiso Kitaab xagga samada. Waxayba horay kaga dalbeen Muuse arrinkaas mid ka weyn, oo yidhaahdeen: Noo tus Allaah si caddaan ah, markaasaa waxaa qabtay onkod daran iyo biriq dulmigoodii dartiis. Haddana waxay samaysteen dibi (ilaah ahaan) kaddib markay xujooyin cad u yimaadeen waanu se ka cafinnay arrinkaa (markay ka toobad keeneen). Waxaanuna siinnay Muuse Xujo Cad.

(154) 154. Waxaana kor u soo qaadnay Buurta (Siinaay) oo dul keennay (goortii aan ka qaadeynay) axdigoodii. Waxaan ku nidhi: Gala Albaabka idinkoo sujuudsan. Oo ku nidhi: Ha ku xadgudbinnana arrinka Sabtida. Waxaana ka qaadnay ballan adag.

(155) 155. (Sidaa awgeed waan lacnaday) axdigay ka baxeen darteed, iyo rumeyn la’aantooda Aayadaha Ilaahay iyo ku diliddooda Anbiyada xaq darro, iyo qawlkooda ah: Quluubtayada way qufulan yihiin. mayee, Allaah baa yeelay shaabbad dushooda daahda gaalnimadooda darteed marka ma rumeeyaan in yar ma’ahee.

(156) 156. Iyo rumeyn la’aantooda darteed iyo odhaahdooda ay ka sheegaan Maryam ee been abuur weyn ah.

(157) 157. Iyo odhaahdooda: Waxaan dilnay Masiixa Ciise ibnu Maryam, Rasuulkii Ilaahay53, _mase ay dilin54 mana ay daldalin, laakiinse waa loo arag ekeysiiyey. Oo kuwa isku khilaafa arrinkiisa waxaa kaga jira shaki. Uma heystaan wax cilmi (la hubo oo run ah), waxay raacaan wax kale maahee waa male awaal. Mana ay dilin oo la hubo.
53. Waxay u yidhaahdeen Ciise Rasuulkii Ilaahay jeesjees ahaan, waayo ma rumeysneen Risaaladii Ciise c.s. 54. Aayaddan waxay burineysaa sheegashada Yuhuudda inay dileen Ciise c.s.: Allaah wuxuu leeyahay ma ay dilin iyagoo huba inuu shakhsi ahaan isaga yahay, taasi macnaheedu waxaa weeye waxay dileen qof kale iyagoo moodayay Ciise c.s.

(158) 158. Mayee! Allaah baa (Ciise isagoo hurda) kor u qaaday (jidh iyo ruuxba) Xaggiisa, Allena waa Adkaade, Xakiim ah.

(159) 159. Ma jiro mid ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) aan rumeyn doonin isaga (Nabi Ciise inuu yahay addoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa, iyo inaan la dilin lana daldalin) ka hor inta aanu dhiman55. Maalinta Qiyaamahana wuxuu ku marag furi lidkood iyaga.
55. Yuhuudi iyo Kirishtaan kasta ka hor dhimashadiisa (Ciise) waxay aamini inuu Ciise yahay Rasuul Ilaahay, iyo inuusan ahayn wiilkii Ilaahay. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Mid walba oo ka mid ah Yuhuudda iyo Kirishtaanka wuxuu aamini sidaa ka hor dhimashadiisa (waqtiga geeridiisa).

(160) 160. Dulmi ay galeen kuwaa heystay (diinta) Yuhuudiyadda awgii, ayaan uga xaaraameennay waxyaalo wanaagsan ee horay ugu ahaa xalaal, iyo sababta ka weecintooda (dad) badan Jidka Ilaahay.

(161) 161. Iyo qaadashadooda Ribada iyagoo laga reebay inay qaataan, iyo ku cunistooda maalka dadka been (laaluush). Waxaana u diyaarinnay kuwooda gaalada ah ee ka mid ah cadaab xanuun badan.

(162) 162. Kuwoodase ku xidideystey cilmiga oo ka mid ah iyo mu’miniintuba, waxay rumeysan yihiin waxa laguu soo dejiyey (Nabiyow) oo Waxyi ah iyo wixii la soo dejiyey Waxyi hortaa, iyo kuwa u ooga salaadda si wanaagsan ee bixiya Sakada ee rumeysan Allaah iyo Maalinta Aakhiro, kuwan waxaan siin doonnaa Abaalgud Weyn (Janno).

(163) 163. Waxaanu kuugu waxyoonnay sidaan ugu waxyoonnayba Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyay; Waxaana u waxyoonnay Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, Al-Asbaad (Nabiyadii ahaa firka Yacquub), Ciise, Ayyuub, Yuunus, Haaruun iyo Sulaymaan, Daawuudna Waxaanu siinnay Zabuur.

(164) 164. (Waxaana soo dirnay) Rusul aan kaaga warrannay horey, iyo Rusul aanaan kaaga warraminba, Allena wuxuu ula hadlay Muuse si toos ah hadlid56.
56. Wuxuu Allaah la hadlay Muuse toos dhexeeya la’aan, waxayna ka mid yihiin tilmaamahiisa, sidaa awgeed baa loo yidhaahdaa kaliimul Laah, halka Rususha kale waxyiga la soo marsiiyey Jibriil, wuxuuna Allaah la hadlay Nabi Muxammad s.c.w. toos habeenkii Micraajka.

(165) 165. (Waxaan soo drinay) Rusul ah bishaareeyaal iyo digayaal si aanay dadku ugu yeelan Allaah wax cudur daar ah (imaanshaha) Rususha ka dambow. Allena waa Adkaade, Xakiim ah.

(166) 166. Laakiinse Alle wuxuu markhaati ka yahay waxa uu kuu soo dejiyey wuxuu ku soo dejiyey Cilmigiisa, malaa’igtuna57 waa ka markhaati kacaan (sidoo kale). Allena ku Filan Markhaati uu ahaado.
57. Malaa’igta Carshiga hareerahiisa ah sida Jibriil, Miikaa’iil iyo Israafiil.

(167) 167. Kuwa (Xaqa) rumeyn diida oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay, waxay habaabeen habow fog.

(168) 168. Kuwa (Xaqa) rumeyn diida ee dulmi fala (iyagoo ka hor istaagaya dadka Jidka Ilaahay), ma aha Allaah Mid u denbi dhaafaya oo ma aha Mid ku hanuunin jidna.

(169) 169. Jidka Jahannama mooyee, iyagoo ku dhex waaraya weligood, arrinkaana Alle wuu u fudud yahay.

(170) 170. Dadoow! Wuxuu idiinla yimid Rasuulku xaq ka yimid Rabbigiin, ee rumeeya waa wax idiin roon idinka’e. Haddiise aad rumeyn diiddaan, hubaal Allaah baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Allena waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.

(171) 171.Ehlul-Kitaabow (Yuhuud iyoNasaaroy)! Ha ku talax tagina camalkiinna, hana ka sheegina (been) Allaah, ee runta sheega. Masiixa Ciise ina Maryam waa oo keliya Rasuul Ilaahay soo diray iyo Kelmeddiisa uu u diray Maryam iyo ruux Isaga Xaggiisa ah uu abuuray; ee rumeeya Allaah iyo Rusushiisa, hana odhannina: Waa saddex (ilaah), Ka hara waa wax idiin roon’e. Allaah waa uun Ilaah Keliya, wuu ka hufan yahay inuu yeesho wiil. Wuxuuba leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Oo ku Filan Alle ka taliye ahaan arrimaha uunka.

(172) 172. Masiixa (Ciise ina Maryam) sinnaba isagama fogeeyo inuu ahaado addoon Ilaahay, iyo sidoo kale malaa’igta u dhow (Alle). Qofkii iska fogeeya Caabudiddiisa oo islaweyn, Wuxuu u soo kulmin xaggiisa dhammaantood.

(173) 173. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, wuxuu siin ajarradooda ay muteen oo dhan, oo u ziyaadin wax badan oo ka mid ah Fadligiisa. Kuwase ka fogaada Caabudidda (Alle keliya) oo is kibriya, Wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan. Mana u helayaan nafahooda Allaah sokadi sokeeye iyo gargaare midna.

(174) 174. Dadow! Waxaa idiinka yimid Xujo Cad xagga Rabbigiin (waa Nabi Muxammad s.c.w), Waxaana idiin soo dirnay Nuur cad (Qur’aanka).

(175) 175. Kuwa rumeeya Allaah oo si sugan u qabsada (Kitaabka) Ilaahay (iyo Sunnada Rasuulkiisa) wuxuu gelin Naxariis Xaggiisa ah iyo Fadli, wuxuuna ku hanuunin xaggiisa Jid Toosan (Islaamka).

(176) 176. Waxay ku weydiin inaad wax uga sheegto xukun sharci ah. Dheh: Allaah baa idinka siinaya xukun arrinka qofaan lahayn waalid iyo ubad midna. Hadduu dhinto nin aan ilmo lahayn (iyo waalid midna), leh se walaaley (ay isku aabbe iyo hooyo yihiin ama isku aabbe keliya) waxay leedahay kala bar wuxuu ka tago (dhaxal), isaguna wuu dhaxli maalkeeda oo dhan haddaanay lahayn ilmo (iyo waalid midna). Hadday yihiinna kuwa dhaxli labo (gabdhood oo walaalo ah) waxay leeyihiin seddex meeloodoo labo meel wuxuu ka tago (dhaxal); haddayse yihiin walaalo rag iyo dumarba leh, labku wuxuu leeyahay wax la mid ah saamiga labo dheddig. Alle Wuxuu idiinka dhigaa caddaan (Xeerarkiisa) si aydaan u lumin. Allena wax walba wuu Ogsoon yahay.