104 - Suurada Alhumazah ()

|

(1) 1. Hoog waxaa leh dure kasta, wax xanta.

(2) 2. Kaasoo maal ururiya oo u heysta sahay ahaan (aanse ka bixin xaqa lagu leeyahay: sakada, iwm);

(3) 3. Wuxuu moodaa in maalkiisu waarin.

(4) 4. Mayee! Waxaa lagu tuuri burburisada.

(5) 5. Maxaa ku ogeysiiyey waxay burburisadu tahay?

(6) 6. Waa Naar Ilaahay oo la huriyey.

(7) 7. Ee kor ugu baxda quluubta dushooda (iyadoo gubeysa),

(8) 8. Waxaa lagaga xidhi dusha (gaalada).

(9) 9. Tiirar la taagay dhexdood.