(1) 1. Waxaa Xurma weyneeya oo Hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, (Allaah) waa Boqorka, Daahirka, Adkaadaha, Xakiimka ah.
1. Al-Jumcah: Maalinta Jumcaha
(2) 2. Alle waa Kan ka soo saaray ummiyiinta2 dega (Makkah) dhexdood, Rasuul ka mid ah, u akhriyaya Aayadahiisa, daahiriniya, barayana Kitaabka iyo Xikmadda, inkastoo horay u ahaayeen kuwo ku sugan habow cad.
2. Ummiyiinta waxaa loola jeedaa Carabta oo ahaa kuwo aan wax akhrisan, heysan markaa Kitaab iyo Dhambaal Alle.
(3) 3. (Wuxuu sidoo kale u diray) kuwo kale oo ka mid ah aan weli ku soo biirin. Allena waa Aadkaadaha, Xikmadda Badan.
(4) 4. Arrinkaasi (Islaamka iyo Nabiga la soo diray) waa deeq Ilaahay uu siiyo cidduu doono. Allena waa deeq iyo Fadli weyn yahay.
(5) 5. Mataalka kuwaa loo xil saaray Towraad- da, markaas aan ku camal falin oo gabay qaadista (xilkaa)3, waa sida dameer xambaarsan kutub4 culus (aanse waxba ka fahmin). Xumaa tusaalaha kuwa beeniya Aayadaha Ilaahay. Allena ma hanuuniyo daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
3. Waa dayacay xilkooda ka saarnaa inay dhaqan geliyaan waxa ku soo arooray oo amarro ah Kitaabkooda oo ka joogaan waxa laga reebay.
4. Ha yeeshee aan ka faa’idin waxa ku yaal oo xikmad iyo khayr ah.
(6) 6.Dheh:Idinka heysta(diinta)Yuhuudiyadow! Haddaad sheegataan inaad tihiin awliyo Alle5, dadka kale ka sokow, jeclaada dhimasho haddaad run sheegeysaan.
5. Awliyo Alle waxaa loola jeedaa kuwo rumeysan Allaah oo iska jira shirkiga iyo macaasida, awliyo Ilaahay waa kuwa ku dhaqma sharciga Ilaahay.
(7) 7.Ma jeclaanayaanna weligood (dhimasho) waxay gacmahoodu horay u geysteen darteed (oo denbiyo ah), Allena waa Og yahay daalimiinta.
(8) 8. Waxaad ku dhahdaa: Geerida aad ka carartaan, way idinla kulmi, markaasaa dib la idiinku soo celin xagga (Alle) Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, Wuxuuna idiin sheegi (idinka jaazeyn) waxaad camal fali jirteen.
(9) 9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka la isugu yeero salaadda maalinta Jimcaha, u degedga Xusidda Ilaahay, kana taga ganacsiga, sidaas baa idiin khayr badan, haddaad ogtihiin.
(10) 10. Markase salaadda la dhammeeyo, ku kala faafa arlada, dalbana Deeqda Ilaahay (aada qaraabo salaan, booqda qof buka, fasha camallo san) xusana Ilaahay (oo ku salliya Nabiga) in badan aad liibaantaane.
(11) 11. Mar ay arkeen ganac ama madaddaallo way u kala yaaceen xaggeeda, kaana tageen (Nabiyow) adigoo taagan (oo khudbo jeedin). Dheh: Waxa Alle uu heysto baa ka khayr badan madaddaallo oo (ka khayr badan) ganacsi kasta. Allena waa Kan u wanaagsan inta wax irsaaqda.