(1) 1. Waxaa xurmo weyneeya oo hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Alle waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
1. As-Saf: Safafka.
(2) 2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaad u leedihiin wax aydaan faleyn?
(3) 3. Waa wax uu Alle neceb yahay inaad ku hadashaan wax aydaan faleyn.
(4) 4. Allaah wuxuu jecel yahay kuwa ku dirira Jidkiisa (u jihaada) iyagoo safaf ah aad mooddo dhismo laysku dhajiyey.
(5) 5. (Xus, Nabi Muxammadow) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkayow! Maxaad ii dhibeysaan idinkoo og inaan ahay Rasuul Ilaahay xaggiinna loo soo diray? Markay (Xaqii) ka iisheen, ayuu Allena sii iilay quluubtooda2. Alle ma hanuuniyo qoloda caasiyiinta ah.
2. Sababta waxaa weeye waxay ka iisheen Xaqa oo diideen hanuunka, markaasuu Alle sii iilay quluubtooda oo ay ka sii fogaadeen Xaqa.
(6) 6. (Xus) markuu Ciise, wiilkii Maryam, yidhi: Ilmahii Israa’iilow! Waxaan anigu ahay Rasuul Ilaahay xaggiinna loo soo diray, rumeyn Towraadda (la soo dejiyey) hortay, idiinkuna bishaaraynaya Rasuul imaan gadaashay oo magaciisu yahay Axmad3.Markiise uu ula yimid Xuoojin cad, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir cad.
3. Axmad waa magac kale uu leeyahay Nabi Muxammad s.c.w.
(7) 7. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle isagoo loogu yeedho Islaamka? Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.
(8) 8. Waxay doonayaan (gaaladu) inay Nuurka Ilaahay (Xaqa) ku damiyaan afafkooda. Alle se waa taam yeeli Nuurkiisa haba naceen gaaladuye.
(9) 9. (Alle) waa Kan la soo diray Rasuulkiisa (Muxammad) hanuunka iyo diinta Xaqa ah, si uu uga sare mariyo diimaha (khilaafsan) oo dhan, haba naceen mushrikiintuye.
(10) 10. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ma idin tusaa ganac idinka badbaadineysa cadaab xanuun badan.
(11) 11. (Waa) inaad rumeysaan Allaah iyo Rasuulkiisa (Muxammad) oo u jihaaddaan Jidka Ilaahay idinkoo u huraya maalkiinna iyo nafahiinnaba, sidaasaa idiin khayr badan haddaad og tihiiin.
(12) 12. Wuxuu idiin dhaafi denbiyadiinna, oo idin gelin Jannooyin (Beero) ay webiyo hoos qul-qulaan iyo guryo wanaagsan oo ku dhex yaal Beeraha negaya (ee Jannada), kaas baa ah Liibaanta Weyn.
(13) 13. Arrin kaloo aad jeceshihiinna (wuu idin siin) gargaar xagga Ilaahay ah iyo guul dhow. U bishaaree mu’miniinta.
(14) 14. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo u gargaara (diinta) Ilaahay, siduu ku yidhiba Ciise, ina Maryam, xertiisii Waa kuwee kuwa iigu gargaaraya (diinta) Ilaahay? Xertii waxay yidhaahdeen: Innagaa ah u gargaarayaasha (diinta) Ilaahay, Markaasay qayb ka mid ah ilmahii Israa’iil rumeeyeen, oo qayb kale gaaloobeen. Waxaana taageernay kuwii (xaqa) rumeeyey (oo ka adkaadeen) cadowgoodii, markaasay ka muuqdeen (ka taliyeen arlada).