(1) 1.Waxaa dhab ahaan liibaanay mu’miniinta.
(2) 2. Ah kuwa salaaddooda ku khushuuca.
(3) 3. Oo ah kuwa ka dhowrsada oo jeesada hadalka kiisa xun.
(4) 4. Oo ah kuwa fala zakada (bixiya).
(5) 5. Oo ah kuwa ilaaliya xubnahooda hoose ee gaarka ah.
(6) 6. Xaasaskooda ama kuwa ay gacmahoo- du midig hantaan mooyee1, laguma eedo taasi;
1. Ma aha addoon mid aan lagu soo qafaalan dagaal lala galay gaalada.
(7) 7. Qofkii se doona wax intaas dhaafsiisan, waa kuwaa xad gudbayaasha.
(8) 8. Waa kuwa ammaanooyinkooda iyo ballankooda dhowra.
(9) 9. Ee ah kuwa xafida salaadahooda.
(10) 10. Waa kuwaa dhaxlayaasha.
(11) 11. Kuwa dhaxli Al-Firdaws (Jannada sare) wayna ku dhex waadhi weligood.
2. Firwdos waa qaybta ugu heer sarreysa Jannada.
(12) 12. Waxaan ka abuurnay Aadmiga wax laga soo soocay dhoobo.
(13) 13. Dabeeto ka yeellay (ka abuurnaa ilmaha Aadam) dhibic biyo (mani) ah ku sugnaata gunta meel aamin ah (riximka).
(14) 14. Markaasaan ka abuurnaa dhibicdaa xinjir, kana abuurnaa xinjirta cad yar oo hilib ah, kana abuurnaa cadkaa hilibka lafo, waxaana huwinnaa lafahaa hilib, markaasaan ka unugnaa abuur kale. Ee waxaa barako iyo khayr Badan Allaah, Kan u Wanaagsan abuurayaasha3.
3. Kan ugu farsamo wanaagsan ee ah abuuraha Keliya ee Runta ah.
(15) 15. Markaas kaddib, waad dhimaneysaan.
(16) 16. Markaas Maalinta Qiyaamaha baa la idin soo bixin.
(17) 17. Waxaana ka abuurnay korkiinna toddoba samo oo kala korreeya, mana nahin kuwo moog waxaan abuurnay.
(18) 18. Waxaan ka soo dejinnay daruuraha biyo (roob) qiyaasan, waxaan dejinnay dhulka, waana Karnaa inaan la tagno.
(19) 19. Waxaana idiinku soo saarnay beero timir ah iyo canab oo aad ka heshaan midho badan oo aad wax ka cuntaan.
(20) 20. Iyo geed (zaytuun) ka baxa Buurta Siinaay, oo u soo saarta saliid iyo koosaar kuwa cuna.
(21) 21. Waxaa idiinku sugan xoolahana cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxa ku jira uurarkooda, waxaana idiinku sugan, manaafacaad (kale) oo badan oo ay idiin leeyihiin, xaggeedaadna wax ka cuntaan.
(22) 22. Korkeeda iyo doonyaha korkooda baana la idinku rar qaadaa.
(23) 23. Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii, wuxuuna yidhi: Tolkayow! Caabuda Allaah Keliya. Ma lihidin ilaah (Xaq ah) aan Isaga aheyn, miyeydaan ka cabsaneyn Alle oo ka joogeyn (xumaha)?
(24) 24. Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwaasi xaqa diiday oo ka mid ah qolodiisii yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan ahayn qof idinla mid ah, raba inuu idin ka sare maro, hadduu Alle doono, wuxuu soo dejin lahaa malaa’ig, ma aanu ka maqal arrintan (towxiidka) aabbayaashayadii hore.
(25) 25. Wax kalena ma uu aha ee waa uun nin jin ku jiro, ee u sabra in muddo ah (intuu ka reysto ama dhinto).
(26) 26. (Nuux) wuxuu yidhi: “Rabbiyow iiga gargaar beenintooda”.
(27) 27. Markaasaan u waxyoonnay (Annagoo leh): “Ku samee doonnida Indhahayaga hortood iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, markuu Amarkayagu yimaado, oo burqado tinnaarka, ku qaad doonnida noole walba lammaane (lab iyo dheddig) iyo intii ku raacday aan ahayn kuwaa qowlka (in la halligayo) horay ugu dhacay oo ka mid ah iyaga, hana igala hadlin (arrinka) kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida), hubaal waa kuwo la qarqin (hafin) doono.
(28) 28. Markaad ku dul fadhiisataan adiga iyo kuwaa ku wehliyaba doonnida, dheh: “Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee naga babaadiyey qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.
(29) 29. Oo dheh: “Rabbiyow! I deji degaan barakaysan, Adigaa ugu wanaagsane inta wax dejisa'e ”.
(30) 30. Hubaal, Arrinkaa waxaa ku sugan calaamooyin, waxaana nahay kuwa wax imtixaama.
(31) 31. Markaasaan waxaan soo bixinnay iyaga kadambow fac kale (qoonkii Caad).
(32) 32. Waxaana u soo dirnay dhexdood Rasuul (Nabi Huud)4 ka mid ah (oo amraya) Caabuda Allaah Keliya! Ma lihidin ilaah kale (Xaq ah) aan Isaga aheyn. Ee miyeydaan ka joogeyn (xumaha)?.
4. Ee loo diray reer Caad.
(33) 33. Xildhibaannadii ka mid ahaa qoonkiisa ee diiday (Xaqa) oo beeniyey la kulanka Aakhirada, kuwaasoo aan siinnay wax badan si ay ugu raaxeystaan noloshan adduunka waxay yidhaahdeen: “Kanu ma aha waxaan ahayn qof idin la mid ah cuna waxaad cuntaan,cabbana waxaad cabtaan.
(34) 34. “Haddaad adeecdaan qof idin la mid ah, idinku markaa waad khasaarteen.
(35) 35. “Ma wuxuu idiinku gooddiyaa in markaad dhimataan oo aad noqotaan carro iyo lafo in markaa la idin soo bixin (nooleyn mar kale).?
(36) 36. Waa wax fog, oo fog waxa la idiinku gooddiyey (oo aan dhaceyn).
(37) 37. “Ma jirto (nolol) aan aheyn noloshayada adduunka! Waanu dhiman (qaar) oo noolaan (qaar)! Mana nihin kuwo la soo bixin (nooleyn dhimasho kaddib).
(38) 38. “Ma aha waxaan ahayn nin ku been abuurtay Allaah, mana nihin kuwo rumeyn.”
(39) 39. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar beenitooda .
(40) 40. (Allaah) wuxuu yidhi: In yar kaddib, waxay ahaan kuwo shallaaya.
(41) 41. Markaasaa waxaa qabtay qeylo si xaq ah, waxaana ka dhignay daad xoor. Ee meel daran ha ka dhaceen daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
(42) 42. Markaasaan ahaysiinnay iyaga kadambow facyo kale (qolooyinkii Luud, Shucayb, Ayyuub iyo Yuunus C.S).
(43) 43. Ma jirto ummad ka soo hor mari karta ajasheeda, ama ka dib mari karta.
(44) 44. Markaasaan soo dirnay Rusushayada oo is raacsan, mar kastoo uu u yimaado ummad Rasuulkeedu way beeniyaan, kolkaasaan ka yeellay qaarba inay raacaan qaar kale (halaagnay), oo ka dhignay wax lagu sheekeysto. Ee meel daran ha ka dhaceen qolodaan (Xaqa) rumeyn.
(45) 45. Markaa Waxaan soo dirnay Muuse iyo walaalki Haaruun oo wata Aayadahayaga5 iyo Xujo Cad.
5. waa sagaalkii mucjiso ee la siiyey Nabi Muuse.
(46) 46. Xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, waxayse u dhaqmeen si isla weyni ah, waxayna ahaayeen qolo isla sarreeya.
(47) 47. Waxayna yidhaahdeen: “Ma waxaan rumeyn labo nin oo nala mid ah oo dadkoodu innaga noo adeegaaan.”
(48) 48. Markaasay beeniyeen oo ka mid noqdeen kuwii la rogay.
(49) 49. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) si ay u hanuunaan6.
6. Ilmahii Israa’iil.
(50) 50. Waxaana ka yeelnay wiilkii Maryam iyo hooyadiis calaamad (waa abuurista Ciise aabbe la'aan, iyo hooyadi oo uurkiisa qaadday iyadoo uu nin taaban), waxaana ka siinnay hoy meel sare oo sugnaansho iyo biyo socda leh (ilo).
(51) 51. (idinka) Rususha ahow! Ka cuna cuntada inta xalaasha ah wanaagsan oo sama fala. Anigu waxaad faleysaan waan Ogahaye.
(52) 52. Hubaal, diintiinnaan (Islaamka) waa diin mid keliya ah. Aniguna waxaan ahay Rabbiigiin, ee dhowra (xilkaan idin saaray oo ka fogaada xumaha) .
(53) 53. Waxayse u kala goosgoosteen diintooda dhexdooda kooxo, koox walbaa waxay haystaan7 ay ku faraxsan yihiin.
7. Oo caqiidooyin ah, dhaqammo, caadooyin, iwm.
(54) 54. Ee iskaga tag jahliga daran ay ku jiraan ilaa iyo muddo.
(55) 55. Ma waxay moodaan waxa aanu siinno ee maal iyo carruur ah.
(56) 56. Inaan ula soo dhaqsanno waxyaalaha wanaagsan? balse ma dareensana8.
8. In waxyaalaha wanaagsan ee lagu siiyey adduunkan ay keliya yihiin wax lagu imtixaamayo iyaga.
(57) 57. (Mu’miniintuse waa) Kuwa ay cabsida Rabbigood ku weyn tahay;
(58) 58. Kuwa Aayadaha Rabbigood rumeysan,
(59) 59. Kuwaa aan cid kale la wadaajin Rabbigood (cibaadada);
(60) 60. Kuwa bixiya waxay bixiyaan (oo sadaqo ah ama fala camallo wanaagsan), iyagoo qalbiyadoodu baqo ka qabto9 (inaan laga aqbalin oo yaqiinsan) inay Rabbigood u soo noqon.
9. Waxaa la weydiiyey Nabiga s.c.w. in kuwaa ka baqa taasi ay yihiin kuwa wax xada ama zinaysta ama khamri cabba. Wuxuu yidhi: Ma aha kuwaasi, ee waa kuwa tukada salaadda, sooma oo wax sadaqeysta, haddana ka baqa in aan laga aqbalin.”
(61) 61. Kuwaasaa u degdega khayrka, una dheereeya.
(62) 62. Ma saarno nafna culeys aan aheyn karaankeeda, Waxaana agtannada ah Kitaab ku hadla xaq iyagoon la dulmineyn.
(63) 63. Waxayse quluubtooda kaga jiraan jahli daran kan (Qur’aankani), waxayna leeyihiin acmaal (kale oo xun) oo kuwan u wehliya oo ay falaan.
(64) 64. Jeer markaan ku qabbanno kuwooda ladan ee ka mid ah cadaab10, markaasay calaacalaan.
10. Waa ciqaabka Quraysh lagu ciqaabay abaarta iyo gaajada.waxaa sidoo kale jab iyo hoog ku soo gaaray dagaalkii Badar, iyagoo badi madaxdoodii lagu dilay Badar, qaarna lagu soo qafaashay.
(65) 65. Ha calaacalina maanta! Hubaal idinku xaggaygaga laydiin kama gargaaro’e.
(66) 66. Aayadahaygii baa la idiin akhrinayey, waxaadse ahaydeen kuwo dib ugu gurta cirbihiinna (Xaqa diida).
(67) 67. Idinkoo isku kibrin (inaad tihiin ehlu Xaramka - Kacbada), ku caweeya habeenka hadal xun aad ka sheegtaan11 (Qur’aanka).
11. Qur’aanka ama waxaa loola jeedaa Nabiga s.c.w.
(68) 68. Miyaanay (gaaladaa) u fiirsan Qowlka (Qur’aanka), mise waxaa u yimid waxaan u iman aabbayaashoodii hore?.
(69) 69. Mise waxaanay garan Rasuulkooda (Muxammad) sidaas darteed diidaan?.
(70) 70. Mise waxay leeyihiin: “jin baa ku jira?” mayee, wuxuu u keenay Xaq (Qur’aanka), badankooduse waxay diiddan yihiin Xaqa 12.
12. Towxiidka, halkii ay fahmi lahaayeen ama garowsan lahaayeen.
(71) 71. Hadduu Xaqu raaci lahaa hawadooda, waxaa fasaadi lahaa samooyinka iyo arlada iyo waxa ku sugan. Waxaanse u keennay xuskooda (Qur'aankan), ha yeeshee xuskooda way ka sii jeestaan.
(72) 72. Mise waxaad adigu weydiisataa kharaj (ujuuro)? Kharajka Rabbigaa baa se kheyr badan, waana Isaga kan u wanaagsan inta risiq bixisa.
(73) 73. Waxaad adigu (Nabiyow) ugu yeedhaa Jid Toosan (Islaamka).
(74) 74. Kuwa aan rumeysneyn Aakhirona Jidka (Toosan) way ka iilan.
(75) 75. Haddaan u naxariisanno oo aan ka feydno waxa haya oo dhib ah, waxay weli ku sii adkeysan lahaayeen xad gudub- kooda iyagoo ku indha la’.
(76) 76. Waxaanu ku qabannay cadaab, umase ayan hoggaansamin Rabbigood, umana baryin si khushuuc leh.
(77) 77. Ilaa, markaan ku furno irrid cadaab daran ah, markaasay quustaan.
(78) 78. (Allaah) waa Kan idiin unkay dhegaha iyo indhaha iyo laabaha; waa yar tahay inta aad mahdisaan (Alle).
(79) 79. (Alle) waa Kan idinku fidiyey dhulka, Xaggiisaana la idiin soo kulmin.
(80) 80. (Alle) waa Kan baxsha nolol, ee sababa dhimasho, ee leh (agaasinka) isdhaafka habeenka iyo maalinta; miyeydaan wax fahmeyn.
(81) 81. Waxayse yidhaahdaan wax la mid ah waxay dadkii hore yidhaahdeen.
(82) 82. Waxay yidhaahdaan: “Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa markaa nala soo bixin?
(83) 83.Waa naloogu yaboohay waxakan, innaga iyo aabbayaashayadii horeba! Waxa kani ma aha waxaan ahayn warkii dadkii hore.
(84) 84. Dheh “Yaa leh dhulka iyo waxa ku sugan, haddaad garaneysaan?!’’
(85) 85. Waxay odhan: "Allaah!” Dheh: Miyaydaan waansameyn?
(86) 86. Dheh: “Waa kuma Rabbiga samooyinka toddobada ah iyo Rabbiga Carshiga Weyn13?.
13. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Xaalka Ilaahay waa ka weyn yahay sidaas, Carshigiisuna waa sidaas, wuxuu ku tilmaamay gacantiisa sida qubbad”.
(87) 87. Waxay odhan: “Allaah.” Dheh: Miyeydaan iska jireyn Cadaabkiisa?.
(88) 88. Dheh: “Yey Gacantiisa ku jiraan mulkiga iyo maamulka wax walba ee Isagu wax u gargaara, Isagana aan waxba laga gargaarsan karin, haddaad garanaysaan?
(89) 89. Waxay odhan: "Allaah". Dheh: “ Xaggee baa la idiin sixray?”
(90) 90. Waxaanse u keennay Xaq, waana beenalayaal.
(91) 91. Alle ma yeelan wiil (ilmo), mana aha la jirkiis ilaah (kale) - markaas wuxuu la tagi lahaa ilaah walba wuxuu abuuray, oo qaarkood waxay ka adkaan lahaayeen qaar kale. Ka hufan Allaah (ceeb iyo nuqsaan oo dhan) waana ka Sarreeyaa waxyaalaha ay ku tilmaamayaan.
(92) 92. Waa ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqda! Wuu ka sarreeyaa waxay la wadaajiyaan (cibaadada).
(93) 93. Dheh: Rabbiyow! Haddaad i tuseyso waxa loogu gooddiyo (cadaabka).
(94) 94. Rabbiyow! Ha iga mid yeelin qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.”
(95) 95. Annaguna inaan ku tusno waxaan ugu gooddinno waan Awoodnaa.
(96) 96. Ku tir xumaanta sida u wanaagsan, Annagaa Ogsoon waxay sheegayaan.
(97) 97. Dheh: “Rabbiyow! Waxaan kaa magan gali waswaasinta shayaadiinta.
(98) 98. Waxaan kaa magan gali Rabbiyow inay ii yimaadaan shayaadiintu.
(99) 99. Ilaa markay geeridu u timaaddo midkood (gaalada), wuxuu yidhaahdaa; Rabbiyow! Dib ii celi (adduunkii).
(100) 100. Si aan ugu falo wanaag waxaan ka soo tegay14. “May ma jirto! Waa uun kelmad uu isaga hadlo, waxaana horti ah Barzakh (xayir)15 aan furmeyn ilaa Maalinta la soo bixin doono (Qiyaamada).
14. Waxaasi aan ka dan iyo muraad la’aaday.
15. Waxaa loogu gooddiyey Maalinta Qiyaamaha. Barzakhana waa xaalka qofka uu ku sugnaan marka uu dhinto ilaa laga soo bixinayo, waana xaal iyo moos xir u dhexeeya adduunka iyo Aakhirada.
(101) 101. Marka la afuufo buunka, ma jirto qaraabbannimo dhexdooda ah Maalintaas, waxnana isma warsadaan.
(102) 102. Qofkay cuslaato miisaanka camalladiisa wanaagsan, kuwaa weeye kuwa ah liibaanayaasha.
(103) 103. Qofkayse fududaato miisaanka camalladiisa wanaagsan - kuwaa weeye kuwa khasaariyey nafahooda, Jahannamayna ku dhex waadhi.
(104) 104. Naartu waxay diiran wajiyadooda, iyagoo kuduudsan oo faruuran16.
16. Waxay noqon kuwo faruuran ilaa ilkuhu fool xumo muuqdaan.
(105) 105. (Waxaa lagu dhihi): Sow Aayadahayga la idiin ma akhriyi jirin oo ma aydaan beenin jirin.?”
(106) 106. Waxay odhan: “Rabbigayow! Shaqaabadayadii baa naga adkaatay, waxaana aheyn qolo habowsan.
(107) 107. Rabbigayow! Naga bixi xaggeeda (Naarta); haddaan u noqonno (xumaan fal), innagaa daalimiin (gar ma qaatayaal) ah.”
(108) 108. (Allaah) Wuxuu odhan: Ku dullooba dhexdeeda, hana ila hadlina.
(109) 109. Waxaa jiray qaar ka mid ah Addoomahayga oo odhan jiray: “Rabbigayow! waan rumaynay (Xaqa) ee noo dambi dhaaf, noona naxariiso, Adigaana u wanaagsan inta naxariisata.”
(110) 110. Waxaadse ka yeelateen jees-jees, ilaa ay idin illowsiiyeen Xusuddeydii, waadna ku qosli jirteen.
(111) 111. Waxaan ku abaal mariyey Maanta samirkoodii darteed inay iyagu yihiin liibaanayaasha.
(112) 112. (Allaah) wuxuu odhan: “Immisa sano baad joogteen arlada?”
(113) 113. Waxay odhan: “Waxaan joognay maalin ama maalin gelinkeed. Weydiiya kuwa wax tiriya (malaa'igta).”
(114) 114. Wuxuu odhan: “Ma aydaan joogin adduunka in yar ma’ahee haddaad ogaan lahaydeen.
(115) 115. Ma waxaad mooddaan inaan idiin abuurnay dheel, oo aan Xaggayaga la idiin soo celineyn?
(116) 116. Waxaa Kor ah oo Sarreeya Allaah Boqorka Runta ah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, Rabbiga Carshiga Sharafta Badan.
(117) 117. Qofkiina barya (caabuda) Allaah la jirkiis ilaah kale, uma heysto wax xujo ah arrinkani, xisaabintiisu waxay uun la jirtaa Rabbigi. Hubaal gaaladu ma liibaanaan.
(118) 118. Dheh: Rabbiyow! Denbi dhaaf oo Naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”