31 - Suurada Luqmaan ()

|

(1) 1. Alif Laam Miim2.
1. Luqmaan Al-Xakiim. Waxaa la sheegay inuu ahaa qaalli ka mid ah qaalliyaashii banii Israa'iil, la yidhaahdo Gideon, kuna xusan Towraadda. Waxaa sidoo kale la yidhi wuxuu ahaa nin Xabashi ah ama Nuubi ee noolaa waqtigii Madyan, sidaas darteed ay Carabtu yaqaaneyn. 2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.

(2) 2. Kuwakani waa Aayado ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka) Xikmadda badan3.
3. Eeg sharaxa Suuradda 10: Aayadda 1

(3) 3. Hanuun iyo Naxariis u ah sama falayaasha.

(4) 4. Kuwa ooga salaadda bixiyana Zakada, ahna kuwo iyagu Aakhiro yaqiinsan.

(5) 5. Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun xagga Rabbigood ah, waana kuwaa liibaanayaasha.

(6) 6. Waxaa ka mid ah dadka mid gadan hadal uu isku maaweeliyo4 si uu uga lumiyo (naftiisa iyo dadkaba) Jidka Ilaahay (Islaamka) cilmi la'aan, oo ku jees-jeesa (diinta). Kuwaa waxay leeyihiin Cadaab Silcisa.
4. Hadalka maaweelida ah waxay culimadu qaar ku fasireen shirkiga, qaarna wararka dadka lagu lumiyo, heesaha anshax darrada ah, ama Miyuusigga ruxa dadka ee keena is walaaqa, laakiinse dhabtu waxaa weeye waxaa soo galaya hadalka maaweelada ah wax kasta oo dadka ka shuqliya Qur’aanka ama Xusidda Ilaahay.

(7) 7. Marka loo akhriyo Aayadahayaga (Qur’aanka), ka jeesta kibir darti, sida inaanu maqalba, sidiiyoo uu qabo dhego culeys, ee ugu bishaaree Cadaab xanuun badan.

(8) 8. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero barwaaqo ah(Janno).

(9) 9. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, waa Ballan Ilaahay oo Xaq ah, Allena waa Adkaadaha Sare , Xakiimka ah.

(10) 10. Wuxuu abuuray samooyinka tiirar la’aan aad aragtaan, wuxuuna kor dhigay buuro ku qotansan arlada si aanu idiin la dhaqdhaqaaqin. Wuxuuna ku fidiyey dhexdeeda nafley nooc kasta leh, oo Waxaanu ka soo dejinnay biyo (roob) daruuraha, waxaana ku soo bixinnay (dhir) nooc kasta oo wanaagsan.

(11) 11. Kani waa Abuurka Ilaahay ee i tusa bal waxay abuureen kuwaa sokadi (la caabudo). Mayee, dulmi (shirki iyo xume) falayaashu waxay ku jiraan habow cad.

(12) 12. Waxaanu dhab ahaan siinnay Luqmaan (Gideon) Xikmad (oo aanu ku nidhi): Ku mahadi Ilaahay. Qofkii mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, qofkii gaaloobana, hubaal Alle waa Hodan, Ammaanan.

(13) 13. (Xus) markuu Luqmaan ku yidhi wiilkiisa (Abimelek) isagoo waaninaya: Maandhow! Ha u shariig yeelin Alle waxba. Shirkigu waa dulmi (gef) Weyn5.
5. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: "Aan ku dheehin iimaankooda dulmi (gef ama gardarro)" (loolama jeedo denbiyada yar yar ee dadku galaan ha ka galeen Alle ama iyaga ha iska galeene) waxaase loola jeedaa shirkiga, soo ma aydaan maqal Qowlka Alle : «Xaqiiq, shirkigu hubaal waa dulmi (gef) aad u weyn. (Bukhaari).

(14) 14. Waxaan ku faral yeelnay aadmiga (inuu daryeelo) labadiisa waalid. Hooyadii waxay uur ku siddaa iyadoo tabar yar tabar yari kalena u dheer tahay, gudhinta naas nuujintiisuna waa labo sano dhexdood - ee ku mahadi aniga iyo labadaada waalidba. Waa Xaggayga meel noqodka dambe.

(15) 15. Hadday kugula dadaalaan (labadaada waalid) inaad ii shariig yeesho (ila wadaajiso cibaadada) wax aad u cilmi lahayn, ha ku adeecin, kulase soco adduunkan si fiican, raacna jidka kan aniga ii soo noqodka badiya. Waa Xaggeyga halka la idiin soo celin, markaas waxaan idiin sheegi waxaad fali jirteen.

(16) 16. Wiilkaygiyow! Hubaal hadday tahay (wax uun) le’eg iniin sisin, walowba xitaa ay ku jirto dhadhaab ama taal cirkaa kore ama dhulka hoose, Allaah wuu keeni (ifka). Hubaal Allaah waa Dhimriye, Xog Ogaal ah.

(17) 17. Wiilkaygiyow! Oog salaadda oo amar samaanta oo reeb xumaanta oo u samir waxa kugu dhaca, hubaal umuurahan waxay rabaan geesinnimo lagu go’aan qaato.

(18) 18. Ha ka jeedin wajigaaga dadka isla weyni darteed6, oo ha ku marin dhulka is qaad qaad. Hubaal Alle ma jecla isla weyne walba oo faan badan.
6. Bal waxa la doonayo waa inaad qaddariso dadka oo ku soo qaabisho wejigaaga oo dhan adigoo muusoonaya muujinaya farxad, oo aad u dhageysato si baraarug leh adigoo aad u daneynaya waxa ay kuu sheegayaan.

(19) 19. Raac sida toosan ee dhexdhexaadka ah xagga socodkaaga, hoosna u dhig codkaaga. Hubaal kan ugu xun codadka waa cida dameeraha.

(20) 20. Miyeydaan arkayn inuu Allaah idiin sakhiray wax waliba oo ku sugan samooyinka iyo wax waliba oo ku sugan arlada, oo idiin taam yeelay Nicmooyinkiisa kuwo muuqda iyo kuwo qarsoonba? Waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Ilaahay isagoon u lahayn cilmi iyo hanuun iyo kitaab wax iftiimiya midna.

(21) 21. Marka lagu yidhaahdo: Raaca waxa Alle soo dejiyey oo waxyi ah, Waxay yidhaahdaan: Mayee, waxaanu raacaynaa waxaanu ka hellay aabayaashayo. Ma xitaa hadduu shaydaan ugu yeedhayo cadaabka dabka huritaanka badan.

(22) 22. Qofkii isu dhiiba isagoo dhan Allaah (adeeca, baarri u ah, towxiidka heysta) isagoo ah same fale wuxuu dhab ahaan qabsaday siddaha kalsoonida ee adag (aan go'eyn). Alle baana loo celiyaa cidhibta arrimaha oo idil.

(23) 23. Qofkii diida (Xaqa) yey ku murugo gelin Xaq diiddadiisu, waa Xaggayaga meel noqodkoodu, Waxaana u sheegi waxay faleen. Alle waa Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).

(24) 24. Waxaan u raaxeyn wax yar, markaasaan ku dirqin cadaab adag.

(25) 25. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa mudan Allaah. Badankooduse ma oga.

(26) 26.Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Hubaal Alle waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan.

(27) 27. Hadday waxa dhulka ku sugan oo geedo ah qalimmo noqdaan, badduna (ku taakuleyso khad) iyadoo toddobo badood ay kaydsiinayaan, ma dhammaadeen Kelmedaha (amarrada) Ilaahay. Hubaal Alle waa Adkaade Sare, Xakiim ah.

(28) 28. Ma aha abuuriddiinna iyo soo bixintiinnu idinkoo dhammi waxaan ahayn sida (abuuridda iyo soo bixinta) naf keliya. Hubaal Alle waa Wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

(29) 29. Miyaanad arkayn in Alle habeenka dhex galiyo maalinta, maalintana dhex gasho habeenka (oo kala badiyo), Wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, uu mid walba ku roorayo waddadiisa ilaa muddo magacaaban; iyo in Alle waxaad fashaan Og yahay?

(30) 30. Arrinkaasi waxaa ugu wacan in Allaah uu Xaq yahay, waxa ka sokeeya ay baryaanna (caabudaan) uu baadil yahay, iyo inuu Allaah yahay Sarreeyaha, Weyn.

(31) 31. Miyaadan arkayn inay doomuhu ku dul maaxaan badda Nicmadda Ilaahay7, si uu idiin tusiyo wax ka mid ah Calaamooyin- kiisa? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan Calaamooyin samir badane kastoo, mahad naq badan.
7. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Allahayow ma koobi karno nicmooyinka aad noo gashay iyo ammaantaada ee waa sida aad Adigu isu ammaantay.”

(32) 32. Markuu hir buuro la moodo uu daboolo (dadka), waxay baryaan Alle Keligii oo u gaar yeelaan cibaadada. Markase uu nabad ku keeno barriga, waxaa ka mid ah mid dhexdhexeysta8. Ma diido Aayadahayaga waxaan aheyn axdi laawe kasta khaa’in ah, abaal dhac badan.
8. Muqtasid waxaa loola jeeedaa qofka aan ugu shukriyin Allaah si dhan oo kaamil ah.

(33) 33. Dadow! Iska jira (Ciqaabka) Rabbigiin, oo ka baqa Maalin aanu waalid u geleyn wax abaal ah ilmihiisa, ilmuhuna u geleyn wax abaal ah waalid. Hubaal Ballanka Ilaahay waa Xaq, ee yeysan idin hodin nolosha Adduunku, yaanuna idinka hodin kan wax hoda (shaydaanka)xagga Ilaahay.

(34) 34. Hubaal Allaah Keliya baa Og waqtiga Saacadda (Qiyaame), soona dejiya roobka, Wuxuuna Og yahay waxa ku jira ilma galeennada9. Nafina ma oga waxay mudan berri10, nafina ma oga dhulkee bay ku dhiman. Hubaal Allaah waa wax kasta Oge, Xog Ogaal ah (Xeel Dheer)11.
9. Wuxuu Ogsoon yahay waxa kasta oo ku saabsan ilmahaa yar hadday tahay markaasi iyo aayaha dambe waxa uu noqon. 10. Dadku ma hubaan waxay fali doonaan berritoole ama ay kasban doonaan, iyadoo sidaas tahay waa inay dadaalaan oo doontaan waxa anfacaya. 11. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Shan Allaah Keliya uun baa ogsoon: Saacadda Qiyaame, Roobka kolkuu iman, waxa uurka ku jira, nafi waxay mudan waqtiga soo socda iyo nafi meel ay ku dhiman.”