92 - Suurada Al-layl ()

|

(1) 1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay habeenka markuu daboolo (waxa samada iyo arlada dhexdooda ah).

(2) 2. Iyo maalinta markay imuuqato (ifto);

(3) 3. Iyo abuurista labka iyo dheddigga.

(4) 4. Camalkiinnu (dadow) waa kala duwan yahay.

(5) 5. Ma kan bixiya (xuquuqda lagu leeyahay) oo iska jira (shirki iyo macaasi).

(6) 6. Ee rumeeya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada):

(7) 7. Waxaan u fududeyneynaa jidka fudud (Islaamka).

(8) 8. Qofkii ku bakheyla (maalka) oo isu arka mid deeqtoon (iskibriya).

(9) 9. Oo beeniya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada).

(10) 10. Waxaan u fududeyneynaa jidka xun (dhabbaha Naarta);

(11) 11. Maalkiisu wax uma taro markuu halaagsamo.

(12) 12. Annagaa (Alle ah) wax hanuuninna,

(13) 13. Oo Annagaa leh Aakhiro iyo adduunba.

(14) 14. Waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa.

(15) 15. Uusan galaynin qof xun mooyaane.

(16) 16. Ee (Xaqa) beeniya oo ka jeesada.

(17) 17. Waxaa laga fogeyn (Naarta) kan (ka) dhowrsada (shirkiga iyo xumaha).

(18) 18. Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo.

(19) 19. Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal uu u gudayo.

(20) 20. Waxse u bixiya doonista Wejiga Rabbigi, ee Sarreeya.

(21) 21. Wuu raalli noqon doonaa qofkaasi.