(1) 1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay ordayaasha dheereeya iyagoo qaylyi (fardaha dagaalka, iwm).
(2) 2. Iyo kuwa kiciya dhimbilaha dabka (markay wax garaacaan).
(3) 3. Iyo kuwa (cadowga) weerara subaxa horeba,
(4) 4. Markaas boorka kiciya,
(5) 5. Markaa dhaqso bartanka ugu gala kulanka (cadowga);
(6) 6. Hubaal! Aadmigu waa ka abaal dhacaa Rabbigi (Allaah).
(7) 7. Isaga baana taasi ka markhaati ah.
(8) 8. Oo waa ku daran yahay Jaceylka maalka.
(9) 9. Ma wuusan ogeyn marka waxa ku jira qabuuraha la soo bixiyo.
(10) 10. Waxa ku jirana laabaha la caddeeyo.
(11) 11. Hubaal Rabbigood maalintaas waa u Xog-Ogaal (arrimahooda oo dhan).