(1) 1. Garaacdada (qalbiyada).
(2) 2. Maxay tahay Garaacdadu?.
(3) 3. Maxaa ku ogeysiiyey waxay tahay Garaacdadu?
(4) 4. Waa Maalintay dadku noqon sida baalallay kala firdhay.
(5) 5. Oo buurahu noqon sida cudbi la dhilay.
(6) 6. Qofka miisaankiisa (camallada wanaagsan) uu culeys yahay.
(7) 7. Wuxuu ku noolaan nolol barwaaqo iyo farxad leh oo raalli lagu yahay (Janno).
(8) 8. Qofkase uu miisaankiisa (camallada wanaagsan) fudeyd yahay.
(9) 9. Hoygiisu waa Haawiya.
(10) 10. Maxaa ku ogeysiiyey waxay tahay?
(11) 11. (Waa) Naar hureysa.