(1) 1. Ha hoogeen labada gacmood ee Abuu-Lahab (waa Nabiga adeerki oo ahaa cadow Islaam, waxaana la mid ah oo soo galaya cadow Islaam kasta) hoogyeyna1.
1. Ibnu Cabbaas a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Markay soo degtay Aayadda Qur'aanka ee leh: "U dig xigaaladaada kuu dhow". Nabigu s.c.w. wuxuu billaabay inuu u yeeraa ( qabaa'isha Carbeed): Reer Banii Fihirow, Reer Banii Cadiyow, isagoo mid mid u xusaya jilbaha iyo laamaha ay ka kooban yihiin Quraysh. Xitaa ninkii aan imaan karin wuxuu soo dirsaday cid ka socota isaga si uu u soo eego waxa jira. Markaasaa waxaa yimid Abuu Lahab iyo odayaashii Quraysh. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ka warrama haddaan idiin sheego ciidan fardooley ah oo soo socda toggan gadaashiisa ee dooneysa inay idin weeraraan ma iga rumeysan laheydeen? Waxay yidhaahdeen: Haa , kuguma baran waxaan run aheyn.. markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Haddaba waxaan idiinka digayaa cadaab daran oo idinku soo fool leh haddii aydaan Allaah rumeyn iyo Rusushiisa. Abuu Lahab wuxuu yidhi: Hoog oo ba' maanta oo idil, ma waxaan baad isugu kaaya yeertay? Markaasaa waxaa soo degay Tabbat Yadaa Abii Lahab…. (Al-Bukhaari)
(2) 2. Waxna uma tarin maalkiisa iyo wuxuu kasbaday.
(3) 3. Wuxuu geli Naar olol badan.
(4) 4. Iyo marwadiisuba, xaabo siddada ah, (ee xanta iyo xinta iyo dirdirada badan),
(5) 5. Qoorteeda waxaa la yeeli xadhig adag xaskul la soohay ah.