22 - Suurada Alxajj ()

|

(1) 1. Dadow! Iska jira (Ciqaabka) Rabbigiin! Hubaal, Gariirka Saacadda (Qiyaame) waa wax weyn oo daran.

(2) 2. Maalintaad arki haweeney kastoo ilmo nuujinaysa iyadoo ka tegi ilmahay naaska nuujinaysay, oo haweeney walboo uur leh dhicin waxay uurka ku siddo, waxaadna arki dadka oo (ah sida kuwo) sakhraansan, mana aha kuwo sakhraansan, Cadaabka Ilaahay baase ah mid Daran.

(3) 3. Waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Ilaahay cilmi la’aan, raacana Shaydaan kastoo madax adag.

(4) 4. Waxaa loo qoray in qofkii raaca oo tala saarta (sheydaan) inuu lumiyo oo ku hago cadaabka hurka badan.

(5) 5. Dadow! Haddaad shaki ka qabtaan soo bixinta (iilka layska soo saari), Waxaanu idinka abuurnay carro, haddana dhibic biyo ah, haddana xinjir, haddana rudmo hilib ah, in ka mid ahi la abuuro inna aan la abuurin (qaadis xumo darteed), si aanu idiinku caddayno. Waxaana ku sugnaa ilmo galeennada waxaan doonno ilaa muddo magacaaban. Markaasaan idin soo bixinnaa idinkoo ilmo yar ah, si aad u gaartaan xooggiina. Waxaa idin ka mid ah mid la oofsado (isagoo yar), waxaana idinka mid ah mid loo celiyo cimriga u liita, si uusan waxba u ogaan ogaalkii kaddib. Waxaadna aragtaa dhulkoo abaar ah, markase aan ku soo dejinno biyo korkeeda, la dhaqdhaqaaqda (nolol) oo fuurta oo soo saarta nooc walba oo dhir bilic san oo la jeclaado leh.

(6) 6. Arrinkani waxaa ugu wacan in Allaah Xaq yahay, oo uu nooleeyo meytida, iyo inuu wax walba Karo.

(7) 7. Iyo in Saacadda (Qiyaame) iman, shaki ku jirin, iyo in Alle soo bixin waxa ku jira qubuuraha.

(8) 8. Waxaa ka mid ah dadka mid ka dooda arrinka Ilaahay isagoon u haysan cilmi ama hanuun, ama kitaab wax ifaya.

(9) 9. Dadbi luquntiisa (kibir darti, lunsan) oo ka lumiyo (dadka) Jidka Ilaahay. Kaasi waxaa u sugnaaday noloshan adduunka dulli, Waxaana dhadhansiin Maalinta Qiyaame cadaab wax gubta.

(10) 10. Arrinkani waa sababta waxay horey u geysteen gacmahaagu (oo denbiyo ah), Allena ma aha dulmiyaha addoomahiisa.

(11) 11. Waxaa ka mid ah dadka mid u caabuda Ilaahay si dhinac ka joog ah1 (shaki qaba); hadduu khayr helo, ku xasila kheyrka (iyo diinta) haddiise la marsiiyo imtixaan, u gaddooma wejigiisa (gaalooba) wuxuu khasaaraa adduun iyo aakhiraba. Kaasi waa khasaaraha cad.
1. Macnaha waa ka taagan qar diintiisa, macnaha waa qaba shaki, munaafiqnimo, ama dhoohnaan uu ka dhoohan yahay diintiisa aan dan u gelin inuu barto oo ku camal falo.

(12) 12. Wuxuu baryaa Alle sokadi waxaan wax yeeli karin waxna u tari karin, Kaasi waa habowga fog.

(13) 13. Wuxuu u yeedhaa oo baryaa mid dhibtiisu uga dhowdahay dheeftiisa; Isagaa u xun wax laga dhigto sokeeye, una xun wax laga dhigto saaxiib.

(14) 14. Hubaal, Alle wuxuu gelin kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala Jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan. Alle wuxuu Falaa wuxuu Doono.

(15) 15. Qofkii u malayn inaanu Alle u gargaarayn (Rasuulkiisa) adduun iyo aakhiraba, ha u fidsho wuxuun sabab ah xagga samada (hana eego inuu hor istaagi karo oo goyn karo Waxyiga Alle ku soo dejiyo Nabigiisa iyo hiilkiisa)2, markaas ha fiirsho bal sidaas inuu ku ciil beelayo.
2. Macnaha waa ha eego in sidaasi uu kaga go’ayo gargaarka Nabiga Ilaahay ama inuu sidaas qofkaa uu ku ciil baxayo.

(16) 16. Sidaasaan u soo dejinnay (Qur’aankan) isagoo xujooyin cad ah, Allena wuxuu hanuuniyaa cidduu doono.

(17) 17. Hubaal, Kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta), iyo kuwii heysta Yuhuudiyada, iyo Saabi’iinta iyo Nasaarada iyo Majuusta iyo kuwa cid kale la wadaajiya Alle (cibaadada), Allaah baa kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha. Allena wax walba waa ka Markhaati oo Arkaa.

(18) 18. Miyaadan ogeyn inay Alle u sujuudaan (oo adeecaan) waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada: qorraxda, dayaxa, xiddigaha, buuraha, geedaha, nafleyda dhul ku socodka ah, iyo in badan (oo dadka) ka mid ah, in badanna cadaabku u waajibay3. Qofkiina uu Allaah dulleeyo, ma leh wax darajeyn. Hubaal Allaah wuxuu Falaa wuxuu doono.
3. Oo sidaas awgeed loo qoray oo qaddaray.

(19) 19. Kuwani4 waa labo is-haya ee isku haya arrinka Rabbigood, kuwa (Xaqa) diida waxaa loo goyn maryo Naar ah, waxaana lagu shubi madaxyadooda korkooda biyo kulul oo karaya .
4. Waxaa loola jeedaa mu’miniinta iyo gaalada.

(20) 20. Waxaa lagula dhalaaliyaa waxa ku jira uurarkoooda iyo haragga (jirkooda).

(21) 21. Waxay (gaaladu) ku leeyihiin Naarta dubbayaal bir ah (oo lagu garaaco).

(22) 22. Mar kasta oo ay doonaan inay ka soo baxaan xaggeeda, murugada heysata darteed, dib baa loogu celiyaa (iyagoo lagu dhihi): “Dhadhamiya cadaabka gubashada leh.

(23) 23. Alle wuxuu gelin kuwa Xaqa rumeeyey oo samaha fala Jannooyin (beero) ay hoostoodu wabiyo qul-qulaan, waxaa loo xidhi gudaheeda qurxin darteed shuuliyo dahab iyo luul ah, dharkooduna gudaheeda waa xadhiidh.

(24) 24. Waxaana lagu hanuuniyaa (adduun iyo Aakhiraba) hadalka kiisa wanaagsan, waxaana lagu hanuuniyaa Jidka la mahdiyo (Islaamka ee lagu galo Jannada).

(25) 25. Hubaal kuwa diida (Xaqa) oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Ilaahay iyo Masjidka Xaramka oo aan ka yeelnay (wax u furan) oo ay u siman yihiin dadka oo dhan, kan deggan dhexdeeda5 iyo soo booqdahaba. Qofkii u liicda xume fal uu ka sameeyo dhexdeeda xaq darro, Waxaan dhadhansiin cadaab xanuun badan.
5. Ama ha jooga markaa xuduuddeeda gudaheeda ama ha ka soo damco meel fog oo ka baxsan xuduuddeeda inuu ku sameeyo xumaan gudaheeda. Xaramku waa kaga duwan yahay arrinkan meelaha kale oo dhan, doonis keliya inuu qofku xumaan ku sameeyo ( ama ha falo amase yuusa falin) ku filan inay u keento ciqaabka Ilaahay.

(26) 26. (Xus, Nabi Muxammadow) markaan u cayinnay Ibraahiim halka Beydka (Annagoo leh): “Ha iigu shariig yeelin (cibaadada) waxba, una daahiri Baydkayga (Kacbada) kuwa dawaafi iyo kuwa u istaagi inay ku tukadaan iyo kuwa rukuuca ee sujuuda.”

(27) 27. Ogeysii dadka Xajka, waxay kuugu imaan lug iyo iyagoo fuushan rukuub kasta (oo munaasib ah), waxay ka imaan tub kasta oo fog.

(28) 28. Inay joogaan (u yimaadaan) waxyaalo manaafacaad u leh darteed, oo ay ugu xusaan Magaca Alle maalmo la yaqaan6 wuxuu siiyey oo xoolaha nicmooleyda ah, ee wax ka cuna, waxna ka siiya tabaaleysanaha, faqiirka.
6. Waa maalinta ciidda Carrafo iyo maalmaha tashriiqa ( hilba waradka) waa maalmaha 11, 12, 13 bisha Dul Xijjah.

(29) 29. Markaas ha dhammeeyaan basaastooda7, hana oofiyeen nadarkooda, oo ha ku dawaafeen Baydka horreeyey (Kacbada).
7. Waxaa loola jeedaa ha dhammeeyaan basaastooda halkan howlaha ay u baahan yihiin ee leh xiiridda timaha, jaridda ciddiyaha, is nadiifinta, iwm.

(30) 30. Waa sidaase, qofkii weyneeya oo iska jira waxyaalahuu Alle reebay8, isagay khayr u tahay Rabbigi agtiis. Waxaa la idiin xalaaleeyay xoolaha nicmooleyda ah, marka laga reebo (waxa la idinku dul) akhiryo (oo laga soo reebay)9 Ee ka fogaada waxa xun ee faddarada ah (caabudidda) sanamyada, kana fogaada hadalka beenta ah.
8. Xurumaat ee ku soo arooray Aayadda waxaa loola jeedaa bilaha xurmadda gaarka ah leh waa: Muxarram, Rajab, Dul Qicdah, iyo Dul Xijjah, waxyaalaha la reebay gaar ahaan bilahaas iyo guud ahaan bilaha oo dhanba. Waxaa sidoo kale loola jeedaa dhulka Xaramka ee ka caaggan in xitaa la damco in xumo lagu falo, Kacbada, maqaamu Ibraahiim, xuduudda Xaramka, iwm. Eeg Suuradda 2 Al-Baqara , Aayadda 191. 9. Eeeg Suuradda 5: Aayadda 3.

(31) 31. Idinkoo u toosan Allaah, oo aan la wadaajin cidna cibaadada, qofkii u shariig-yeela cid kale Allaah, wuxuu la mid yahay sida mid ka soo dhacay samada oo ay kala dafayaan shimbiruhu, ama sida mid ay ku tuurayso dabeyshu meel gun dheer oo fog.

(32) 32. Waa sidaase, qofkii weyneeya (amarrada Alle - sharcigiisa iyo) calaamooyinka Ilaahay10, tani waa camal muujinaya Alle ka cabsiga quluubta.
10. Shacaa’irallaah waxaa loola jeedaa acmaasha Xajka iyo meelaha lagu cibaadeysto iyo cilmiga sharciga iyo culimada aqoonta u leh diinta ee ku camal fala ee towxiidka heysta oo ka fog shirkiga iyo macaasida, xalaashana quuta.

(33) 33. Waxaa idiinku sugan (xoolaha loo bixiyey sadaqada - hadyiga) manaafacaad tan iyo muddo magacaaban11 ah, markaas waxaa loo keenaa gowrac Baydka da’da weyn12.
11. Waxaa loola jeedaa hadyiga, waa lagu intifaaci karaa ka hor inta aan la gowricin sida in la listo caanahooda, ama la fuulo, iwm ilaa maalinta gowraca. 12. Xuduudda Xaramka, waxaana soo galaya sidoo kale Mina.

(34) 34. Ummad walba waxaan u yeellay cibaado13 (ciid), si ay ugu xusaan Magaca Ilaahay waxa uu siiyey ee xoolaha nicmooleyda ah, Ilaahiinnu waa Ilaah Keliya (Allaah) ee u hoggaansama oo u bishaaree kal samayaasha.
13. Xagga hadyiga waxay ahayd mar waliba qayb ka mid ah diinta uu Allaah soo waxyooday.

(35) 35. Ee ah kuwa marka la xuso Alle ay cabsi ka buuxsanto quluubtoodu, kuna sabra waxa ku dhaca (oo musiiba ah) ee ooga salaadda, waxa aan siinnayna wax ka bixiya.

(36) 36. Ishkinka (xoolaha waaweyn ee loo loogo hadyi ahaanta - lo'da iyo geela) waxaan idiinka yeelnay wax ka mid ah calaamooyinka (diinta) Ilaahay, waxaa idiinku jira khayr badan, ee ku xusa Magaca Alle korkeeda iyadoo jilib xidhan14, markay u dhacdo dhinacna (waa idiin xalaal), ee wax ka cuna, oo wax ka quudiya miskiinka dhowrsoon iyo weydiistaha, sidaasaan idiinku sakhirnay inaad ku mahdisaan (Alle).
14. Geela waxaa la bireeyaa iyagoo taagan.

(37) 37. Ma gaadho Alle hilibkeedu iyo dhiiggeedu, waxase gaadha ee aqbalka ah Xaggiisa waa ka dhowrsoonidiinna (xumaha). Sidaasuu idiinku sakhiray si aad u weyneysaan Alle hanuunka uu idin hanuuniyey darteed, una bishaaree sama falayaasha.

(38) 38. Alle wuu difaacaa addoomahiisa rumeysan. Allena ma jecla mid kastoo khiyaano badan (amaanada Rabbigiis), ka abaal dhac badan (Nicmooyinka Alle).

(39) 39. Waxaa loo idmay kuwa lala dagaallami (inay dagaallamaan) waayo waa la dulmiyey, Allena wuu Karaa inuu guul siiyo.
15. Waxaa loola jeedaa halkan asxaabtii Nabiga s.c.w.

(40) 40. Kuwa looga soo saaray guryahoodii xaq darro iyagoon waxba geysan, inay yidhaahdeen maahee: Rabbigayo waa Allaah.” Haddaanna Alle ku difaaceyn dadka qaarkoodba qaar, waxaa dumi lahaa sawmacado, kaniisado, macaabid, iyo masaajidyo gudahooda Magaca Alle in badan lagu xuso. Allena wuu u gargaari kuwa u gargaara (Diintiisa), hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaada.

(41) 41. Kuwa haddaan ku siinno awood arlada, ooga salaadda, bixiya Zakada, oo amra wanaagga, oo reeba xumaha. Allaah baana ka taliya aayaha arrimaha oo idil.

(42) 42. Hadday ku beeniyaan, waxaa hortood beeniyey qolodii Nuux, Caad, iyo Thamuud,

(43) 43. Iyo qolodii Ibraahiim iyo qolodii Luud,

(44) 44. Iyo qolodii Madyanba, Muusena (sidoo kale) waa la beeniyey, markaasaan u seeto dheereeyey gaaladii, ka dambowna qabtay, ee sidee ahaa Ciqaabkeygii.

(45) 45. Badanaa inta magaalo aan rognay iyadoo gardaran, sidaa darteed iyadu ku dambeysay burbur (ilaa iyo maanta), badanaana inta ceel laga qaxay iyo daaro waaweyn.

(46) 46. Miyaanay ku socdaalin dhulka, si ay u yeeshaan qalbiyo ay wax ku gartaan ama dhego ay wax ku maqlaan? Hubaal, Ma aha indha beel isha oo arag beesha, ee indha beelka dhabta ah waa arag beelka quluubta ku jira laabaha.

(47) 47. Waxay kaa dalbaan inaad u soo dedejiso cadaabka. Allena kama baxo Ballankiisa. Hubaal, maalin Rabbigaa agtiis ah waxay la mid tahay kun sano waxaad idinku tirsataan.

(48) 48. Badanaa inta magaalo aan u seeto dheereeyey iyadoo la ceegaagan dulmi, kaddib aan qabtay, waana Xaggeyga halka loo soo laabmayo.

(49) 49. Dheh: "Dadow! Waxaan uun anigu idiin ahay Dige Cad".

(50) 50. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyhiin dambi dhaaf iyo risiq wanaagsan (Janno).

(51) 51. Kuwase u xusul duubta ka hortagga Aayadahayaga, kuwaasi waa ehlu Naarka.

(52) 52. Ma aanu soo dirin hortaa Rasuul ama Nabi aan markuu hadlayey (ama wax akhrinayey) aanu wax ku tuurin sheydaanku akhrintiisa, wuxuuse Allaah nasakhaa oo tiraa waxa uu shaydaan soo tuuro. markaas Alle sugaa Aayadahiisa16. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
16. Markuu Nabigu s.c.w. akhriyo Aayad loogu digayo gaalada, waxay gaaladu ku kordhin jireen waxaan jirin ay qabaan ama u fasiri jireen si kale, markaasuu Allaah caddeeyaa arrimahaa khaladka loo fahmay si uu meesha uga saaro wax mugdi ah ama shaki.

(53) 53. Waa si u ugaga yeelo waxa uu Shaydaanku soo tuuro imtixaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur iyo kuwa quluubtoodu adag yihiin. Daalimiintuna (gaalada) waxay ku sugan yihiin collaytan iyo cinaad fog.

(54) 54. Waa si ay u ogaadaan kuwa la siiyey cilmiga inuu (Qur’aankani) yahay xaq ka yimid Rabbigaa, oo ay rumeeyaan oo ay u khushuucdo quluubtoodu. Hubaal Alle wuu ku hanuunin kuwa rumeeyey (Xaqa) Jid Toosan (Islaamka).

(55) 55. Kuwa (Xaqa) diidana ma deyn doonaan inay shaki ka qabaan (Qur’aankani) jeer ay Saacdda (Qiyaame) ugu timaaddo kedis ama u timaado cadaab Maalin daran oo maalin kale ka dambeyn17.
17. Maalin daran oo ma dhaleys ah waa maalin aan habeen ka dambeyn, sidaas darteed aan dhali doonin maalin cusub, waxaana loola jeedaa Maalinta Qiyaamaha

(56) 56. Xukunka Maalinkaas waxaa iska leh Allaah, Wuxuu kala xukumi dhexdooda. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala waxay geli beeraha barwaaqada ah (Janno).

(57) 57. Kuwase Xaqa diida ee beeniya Aayadahayaga, kuwaa weeye kuwa mudan cadaab dulleysa.

(58) 58. Kuwa u soo haajira Ilaahay darti, markaa la dilo ama dhinta, Wuxuu Allaah siin risiq wanaagsan. Allena waa Kan u wanaagsan inta bixisa risiqa.

(59) 59. Wuxuu galin meel gelitaan ay ka raalli noqon (Janno). Allena waa wax kasta Ogsoone, Dul qaad Badan.

(60) 60. Waa sidaase, kan isagu ku aar guta intii gef loo geystey in le’eg, kaasoo lagu gardarrooday, hubaal Alle wuu u gargaari. Hubaal, Alle waa Cafis Badane, Dambi Dhaaf Badan18.
18. Isagoo awooda inuu aar guto. Waxaa laga qaadanayaa Aayadda inay sidoo kale mu’miniinta wax cafiyaan iyagoo aar goosan kara.

(61) 61. Arrinkani waxaa ku wacan inuu Allaah habeenka dhex geliyo maalinta, maalintana dhex geliyo habeenka (kala badiyo). Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

(62) 62. Arrinkani waxaa ku wacan waa in Allaah uu yahay Xaq, iyo in waxay baryaan (caabudaan) sokadi uu yahay Baadil, iyo in Allaah yahay Sarreeyaha, Weyn .

(63) 63. Miyaanad arag inuu Allaah ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, markaas dhulku noqdo doog? Hubaal, Allaah waa Roonaan Badane, Xog-Ogaal ah.

(64) 64. Alle Wuxuu leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Hubaal, Allaah waa Hodonka (ka deeqtoon wax waliba) la ammaanoo Mahadsan.

(65) 65. Miyaanad arag inuu Allaah idiin sakhiray waxa ku sugan dhulka, iyo doonyaha ku socda badda Amarkiisa? Wuxuuna ka hayaa cirka inuu ku soo dhaco dhulka Isagoo idmo ma ahee. Allaah waa Mid dadka u Turid iyo Naxariis Badan.

(66) 66. Allena waa Kan idin nooleeya, haddana idin dhinsiiya, haddana idin soo nooleyn mar kale (Maalinta Qiyaamaha). Aadmigu waa mid abaal dhac badan.

(67) 67. Ummad walba waxaan u yeellay hab cibaado oo ay ku cibaadeystaan ee yeyna kugula doodin arrinka (Xaqa), oo ugu yeedh xagga Rabbigaa. Hubaal, Adigu waxaad ku sugan tahay hanuun toosan.

(68) 68. Hadday kula doodaan, dheh: Allaah baa dhab u ogsoon waxaad fashaan.

(69) 69. Allaah baa idiin kala garsoori dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha waxaad isku khilaafsaneydeen.

(70) 70. Miyaadan ogayn inuu Allaah og yahay waxa ku sugan samada iyo arlada? Hubaal, arrinkani wuxuu ku yaal Kitaab19. Hubaal, arrinkani wuu u fudud yahay Alle.
19. Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka uu Allaah ku heysto agtiisa.

(71) 71. Waxay caabudaan Alle sokadi wax uusan u soo dejin wax xujo ah, iyo waxaa aysan u lahayn wax cilmi ah, daalimiintana (gaalada, mushrikiinta, iwm) ma heli doonaan wax u soo gargaara (shafeeca).

(72) 72. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxaad ka garan wejiyada kuwa xaqa diida nac! Waxay ku sigtaan inay ku soo boodaan kuwa u akhriya Aayadahayaga. Dheh: “Ma idiin sheegaa wax waxakani ka xun20? waa Naarta, Alle wuxuu u yaboohay kuwa Xaq diidka ah, iyadaana u xun meel la ahaado.
20. Ka daran cadhada aad u qabtaan kuwa akhriya Aayadaha Ilaahay ama ka daran waxa aad ugu gooddisaan

(73) 73. Dadow! Waxaa la yeelay tusaale ee u dhegaysta (si wanaagsan). Kuwa aad baridaan (caabuddaan) Allaah sokadi ma abuuri karaan duqsi, haba u kulmaane dhammaantood arrinkaa, hadduuna duqsigu wax ka dafo, kama soo ceshan karaan. Liidasho badanaa kan wax dooni (caabudaha asnaamta) iyo kan la dooni (asnaamta ay caabudaan).

(74) 74. Ma ay qaddarin Allaah qaddarinta uu mudan yahay; Allaah waa Xoog Badane, Adkaada.

(75) 75. Allaah wuxuu ka dhex doortaa Rusul malaa’igta iyo dadkaba. Hubaal, Allaah waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.

(76) 76. Wuxuu ogsoon yahay Waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah. Xagga Alle baana loo celiyaa umuurahoo dhan.

(77) 77. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Rukuuca oo sujuuda oo caabuda Rabbigiin (idinkoon waxba la wadaajin cibaadada) falana khayr aad liibaantaane.

(78) 78. U jihaada Ilaahay Darti jihaad dhab ah. Isagaa idin doortay, mana yeelin dushiinna xagga diinta waxaad ku dhib mudataan, waa diintii Aabbihiin Ibraahiim. Isaga (Allaah) baa idiin bixiyey kol hor Muslimiin iyo Qur’aankan (dhexdiisaba) si uu Rasuulku idiinku ahaado markhaati, idinkuna aad markhaati kaga ahaataan dadka. Ee ooga salaadda oo bixiya zakada oo qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa) oo isku dhowra. Waa Alle Mudanahiin, Isagaa u fiican Mudane ahaan, Isagaana u Fiican Gargaare ahaan.