52 - Suurada Ad-duur ()

|

(1) 1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Buurta (Siinaay)1.
1. Add-Duur: Buurta, waxaa loola jeedaa Buurtii uu Alle kula hadlay Nabi Muuse c.s.

(2) 2. Iyo Kitaabka qoran2.
2. Waxaa lagu fasiray Looxa Maxfuudka, ama Qur’aanka

(3) 3. Ee ku qoran warqado la fidiyey.

(4) 4. Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto3.
3. Waa Beydka Ilaahay ay ku caabudaan malaa’igta ee ku yaal samada toddobaad, abbaarta Kacbada ama Kacbada Makkah.

(5) 5. Iyo saqafka la kor yeelay (samada).

(6) 6.Iyo badda lagu huriyey (dabka ama soo fatahda)4.
4. Baddaasoo sidaas noqon Maalinta Qiyaamaha.

(7) 7. Cadaabka Rabbigaa waa wax dhici oo sugan -

(8) 8. Ma jiro wax celin.

(9) 9. Maalinta markuu cirku hadba dhinac u wareegi,

(10) 10.buuruhuna socon socosho (yaab) leh5.
5. Oo noqon sida boor oo u socon sida daruuraha.

(11) 11. Hoog waxaa leh Maalinkaas kuwa (Xaqa) beeniya (ee nabad diidka ah).

(12) 12. Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta.

(13) 13. Maalinka loogu tuuri Naarta si daran oo xoog leh.

(14) 14. Tani waa Naartii aad beenin jirteen.

(15) 15. Ma sixir baa (cadaabkani), mise wax ma aragtaan?

(16) 16. Gala, markaa ku sabra ama ha ku sabrina - waa isugu kiin mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen (oo xumaan ah).

(17) 17. Kuwa ka dhowrsada xumaha waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo (Janno).

(18) 18. Iyagoo ku raaxeysan wuxuu siiyey Rabbigood, Wuxuuna ka badbaadshay Rabbigood cadaabka Naarta ololka badan.

(19) 19. (Waxaa lagu odhan) Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen (oo wanaag ah).

(20) 20. Waxay ku dangiigsan sariiro heer sare ahoo la safay. Waxaanna u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan).

(21) 21. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka - waxaanu isu wada keeni iyaga iyo durriyadooda, waxnana kama nusqaaminayno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mudan (curaar u yahay) camalkiisa.

(22) 22. Waxaannu siin midho iyo hilib waxay rabaan.

(23) 23. Waxay isu dhiib-dhiibi galaas (khamro xalaal) ah aan lahayn wax ah laqwi iyo dambaabid.

(24) 24. Waxaana u adeegi wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhowray.

(25) 25. Qaarkood (ehlu Jannaha) waxay qaabili qaar kale iyagoo is-wareysan.

(26) 26. Waxay odhan: Waxaan ka hor (intaan adduunka joognay)ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada(cadaabka Ilaahay).

(27) 27. Markaasuu Alle nagu manneystay (denbi dhaaf) oo naga dhowray cadaabka hanfiga kulul.

(28) 28. Waxaan ahayn horey kuwa barya Allaah (Keliya).Waa Baarriga, Naxariista Badan.

(29) 29. Ee waani (Nabi Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo jinnoole midna.

(30) 30. Mise waxay leeyihiin waa gabyaa, aan la sugno musiibad waqtiga la iman6.
6. Inay dhibaato uun ku dhacdo ama dhimasho dhaqso ah.

(31) 31. Dheh: Suga (geeridayda)! Aniguna waxaan sugi (waxa idinku dhaca).

(32) 32. Ma caqliyadooda (xun) baa ku amra sidaa (inay kaa been sheegaan Nabiyow), ma aha ee waa qolo xadgudub badan.

(33) 33. Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay (Qur’aanka)? Mayee! Ma rumeysna (Xaqa).

(34) 34. Ee ha keenaan hadal la mid ahi (Qur’aankani) hadday run sheegayaan.

(35) 35. Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray nafahooda?.

(36) 36. Mise waxay abuureen samooyinka iyo arlada? Mayee, ma yaqiinsana.

(37) 37. Mise waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan (mayee waa kuwo tabar daran, liita)?

(38) 38. Mise waxay leeyihiin sallaanno ay wax ku dhegaystaan; ee ha la yimaado dhegaystahoodu xujo cad.

(39) 39. Mise wuxuu (Alle) leeyahay gabdho idinkuna leedihiin wiilal?

(40) 40. Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed deyn la culaabeysan yihiin?

(41) 41. Mise waxay og yihiin waxa qarsoon aan muuqan oo ay qoraan?.

(42) 42. Mise waxay kula maaggan yihin dabin, kuwase gaalooba waa iyaga kuwa ku jaba dabinkooda.

(43) 43. Mise waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Allaah? Xurmoo dhan waxaa iska leh Allaah oo ka hufan waxay la wadaajiyaan (cibaadada).

(44) 44. Haddayna arki lahaayeen gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya7 waxay odhan lahaayeen: Waa daruuro is dul saaran.
7. Kaasoo calaamo u ah soo degitaanka Ciqaabka Ilaahay, sida ay dalbadeen ah.

(45) 45. Ee iskaga tag intay la kulmaan Maalinkooda ay la suuxi (qarracan).

(46) 46. Maalinka uusan dabinkoodu waxba u tareyn oo aan loo gargaareyn.

(47) 47. Waxayna kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) la kulmi cadaab taa ka sokow (adduunka gudahi8) badankooduse ma ay oga.
8. In lagu sallado daadyo, dhul gariirro, abaaro, gaajo, jirrooyin, musiibooyin. Iwm. Haddaan lagu ciqaabin adduunka, markaas waa cadaabka qabriga.

(48) 48. Ee ku samir (Nabiyow) xukunka Rabbigaa, waxaad tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa markaad soo kacdo.

(49) 49. Habeenka qaarkiisna tuko, iyo markay xiddiguhu dhacaan (oogga hore).